Fortsätt till huvudinnehåll

Faallo: Indhadeeq ku Aaway? Waa Buug Xanbaarsan Qiso Yaab iyo amankaag ku dhammaanaysa.

Buugga la magac baxay INDHADEEQ KU AAWAY? waxa qoray Ismaaciil C. Ubax. Waa buug ka kooban 202 bog. Waxa uu u qoranyahay qaabka sheekooyinka mala-awaalka. Buugga waxa i soo jiitay qaab dhismeedkiisa guud. Inkastoo aan joogay magaalada Stockholm markii qoraagu ku soo bandhigay buugga, nasiib umaan yeelan in aan goobtaa joogo. Waxaanse nasiib u helay in aan buugga ka helo maktabad ku taalla xaafadda aan degenahay ee magaalada Stockholm.








Dabcan ujeedadayda koowaad ayaa ahayd in aan dhiirrigeliyo qofkasta oo soomaali ah oo in uun ku fekeray in uu waxqoro. Ismaaciil C. Ubaxna aqoon aan u leeyahay awgeed waan ku farxay in uu buuggan qoray. Buuggan iyo qaabkii aan u akhriyey aan inyar wax ka idhaado.

Waxa ay ahayd 24 Juun, waxa aan ka soo raacay magaalada Stockholm Dayuurad ay leedahay shirkadda Brussels Airlines, kursiga aan fadhiyey oo aan keli ku ahaa waxa i soo agfadhiistay, wiil dhallinyaro ah, markiiba waan gartay in uu soomaali yahay anigaa kaga horreeyey oo waxa aan ku idhi ma soomaali baad tahay? haa ayuu yidhi. wiilka ismaanu garanayn, laakiin markiiba waanu iswaraysannay, waayaha dhallinyarada soomaalida ayaan wax ka weydiiyey.

Waxyar ka dib buugga ayuu arkay wuu yaabay markii aan ku idhi buuggan waxa qoray qoraa soomaali ah, afsoomaalina wuu ku qoranyahay.  Waxa uu ahaa shan jir markii uu yimi Sweden, Sidaa awgeed hore umuu arag buug sheeko ah oo afsoomaali ku qoran. Inyar ka dib sheekadii waxa ay nala gashay in aanay soomaalidu is dhiirrigelin. Waxa aan ku idhi waa run, oo buuggan imminka aan gacanta ku hayo, waxa aan u akhriyayaa in aan dhiirri geliyo qoraaga qoray. Intii Dayuuraddu sii socotay iyo intii aan sugayey dayuuraddii aan u raaci lahaa Bremen oo jarmalka ku taalla, ayaan buuggii akhriyey ilaa 120 bog, maalintii xigtayna waan dhammeeyey.

Buuggan ma gorfaynayo, wixiise talo aan u arko waxa aan toos ula wadaagayaa qoraaga. Waxyaabaha aan kula kulmay buugga ayaan wax ka odhanayaa. Yaab iyo amankaag ayey Qisadani ku dhammaanaysaa, laakiin kuu sheegi maayo halka ay ku dhammaatay. Waxaanse kula wadaagayaa Jilaaga buugga iyo waayaha ku xeeran. Waa Faysal Kaynaan, oo dhallinyaro ah, nin waxbartay ah, qoys ladan ka soo jeeda, qoys dhisan ku abtirsada. Waxa isu barkan laba jacayl oo mid kastaaba waayihiisa leeyahay. Jacaylka waalidka gaar ahaan aabbihii oo aad mooddo in ay isaga dhow yihiin aabbanimo ayaa ka geeriyoonaya, waxaana geeridaasi ku bannaysay meel aanu ka fikiri jirin in uu isagu maamulkeeda qabto.

Jacaylka kale waa Indhadeeq, oo ah inantii uu dunida ugu jeclaa, jacayl aan ka dhicin kii Cilmi Boodheri, in uu jacaylkaa u dhintay iyo in uu u waashay ilaa imminka oo aan buugga dhammeeyey ma ogi. Waan farshaxannimada qoraaga ee aan aad ka uga helay. Qoraagu waxa uu la jaanqaadayaa da'yarta maanta oo xidhiidhka Indhadeeq iyo Faysal Kaynaan waxa ay ku wada xidhiidhayaan waa telefoon iyo farriimo la isu diro, taasoo uu si fiican u fahmi karaan dhallinta maanta. Qoragu waxa uu inna dhexmushaaxinayaa jacaylka. Waa jacaylka loo dhinto, ee gaarka ah. Waxa kale oo uu inna dhextaagayaa siyaasadda oo uu yahay markuu doonno nin siyaasi ah oo daacad u ah dalkiisa iyo dadkiisa.

Haddaba, maxaa muhiim ah ee aan rabaa in aan dhallinta wax qoraysa la wadaago. Qoraagu waa sida Injineer guryaha dhisa oo kale. Marka uu sheekada mala-awaalka soo gudbinayo waa in aanay tuuro yeelan, waa in ay xidhiidh tahay waa in aan lagu daalin, waa in uu u dhisaa sida ay u kala horreeyaan. Qollaalka guriga waa in uu isu miisaamaa. Isku soo wada duuboo qoraagu waxa uu ka shaqaysiiyaa oo maalaa waa maanka, muddo ayay ku qaadataa inta aanuu qalinka qaadan. Wa in uu sii kala shubaa oo shaandheeyaa si uu indhaha akhristaha u soo jiito.

Haddaba waxa aan leeyahay Ismaaciil C. Ubax waa Injineer aad u heer sarreeya, oo soo jiidan kara akhristaha halka uu doonana ku soo hagi kara. Waa Qoraa, meteli kara qofka buugga jilaaga u ah ama dadka ka dhexmuuqda sheekada mid kasta sidiisa u meteli kara. Qoraagu waa in uu mar cadhoodaa, farxaa, ooyaa, qoslaa noqdaa siyaasi, noqdaa inan yar oo hooyadii la jooga, noqdaa madaxweyne. Meelaha ugu yaabka badan waa marka Faysal Kaynaan loo caleemo saaro madaxweyne. Saw maaha in qoraagu uu noqdo xataa madaxweyne oo uu u hadlaa sida madaxweynayaasha.

Buuggan Indhadeeq ku aaway? waxa hubaal ah in aad jeclasysan doonto, ogaanshaha halka uu ku dhammaanayo, waana farshaxannimada qoraaga, waxa aad jeceshay inaad ogaato natiijada, waxa aad sii doonaysaa in aad sii mala-awaasho dhammaystirka sheekada. Taasoo kugu hagaysa kolba in aad meel u saarto oo aad is tidhaahdo malaa sidaasay ku dhammaanaysaa.

Ma sii faahfaahinayo, intaana uma dhaafayo ee buugga akhri, maankaa godladay ee qoraga yaan la gaagixin. Haba ka iibsan buugga ee maktabadaha ka raadso, bal akhri uun, taasaa wax weyn qoraaga agtiisa ka ah. Qoraagu maha lacag doon, ee in uu qanciyo akhristayaasha ayuu ugu jecelyahay. Qoraaguna yaanuu isla weynaan ee markasta ha ahaado mid dadkiisa ku dhexjira, oo aan loo arag qof ka duwan. Intaasaa talo iyo hambalyoba aan ku soo koobayaa.

Sayid-Axmed M. Yuusuf
Oldenburg/Germany
26-06-2016, axad

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Xog ku saabsan Afgenbegii 1961 Col, Xasan Faarax Bullaale: "Taariikh u baahan sixitaan iyo run ka sheegid"

Taariikhdu waa dhacdo ama arrimo dhacay xilliyo la soo dhaafay. Haddii aan wax laga qorin, lama ogaan karo taariikhdaasi sidii ay u dhacday. Mar haddii aan la kaydin arrimaha taariikheed ee dal iyo dad ba soo mara, waxa ay taariikhdaasi gashaa mugdi waxaanay yeelataa madmada w badan. Sida inbadani ka warqabto Somaliland waxa ka dhacay Afgenbi la isku deyey 1961kii, kaasoo lagu guuldarraysatay Dad badani xog kama hayaan, inkastoo ay noolyihiin xubno ka mid ahaa saraakiishii Afgenbigaa isku deyey. Kalhore waxa la waraystay Amb, Cawil Cali Ducaale oo ka mid ahaa saraakiishaas, xilligaasna ahaa xiddigle. Waxa uu Cawil qoray buug uu kaga hadlay wax farabadan oo uu u soo joogay, waxaana ka mid ahaa Afgenbigaas. Waana buugga la magacbaxay "Raad-Raaca Taariikh Soomaaliyeed"

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.