Fortsätt till huvudinnehåll

Magazinka CARRUURTEENNA iyo Carwada Buugaagta ee Göteborg 22-25/09/2016

Shalay oo taariikhdu ahayd 22-09-2016 ayaa la furay Carwada Buugaagta ee Göteborg. Carwadan oo ah ta ugu weyn ee lagu qabto carriga Sweden, ayaa lagu qabtaa caasimadda labaad ee dalkan Sweden sannadkiiba mar. Waxa ay socondoontaa ilaa 25-09-2016 oo la soo gebagabayndoono. Goobta loogu talo galay luuqadaha kala jaadjaadka ah ee laga tirada badanyahay oo afsoomaaligu ku jiro ayaa goob looga yagleelay Magazinka Carruurteenna. Waxa goob ay wada fadhiisteen shirkadda OMHASAN ee oo uu aasaasay Yuusuf Xaaji Cabdillaahi Xasan.


Taageerayaasha CARRUURTEENNA ayaan goobta ka madhnayn, oo qoraa Oscar Trimpel ayaa isaguna goobtaa la wadaagay oo ku soo bandhigay buugaagtiisa, gaar ahaan buugga (Sheeko Xariirooyinkii Saxaaraha) oo ku qoran af Iswidhish iyo soomaali. Shalay waxa furitaankii goobjoog ka ahaa guddoomiyaha Ururka, Somali Nordic Culture Muuse Maxamuud Ciise.


Maanta oo ah maalintii labaad ayaan aniguna ka qaybgalay si aan ugu wehelyeelo magazinka CARRUURTEENNA, oo ah mid u gaar ah carruurta.


Goobta Carwada waxa isugu yimi dad aad u fara badan oo kumaankun ah. Dadkaas oo ka kala socda Maktabadaha, Dugsiyada iyo Shirkadaha buugaagta Daabaca. Bandhigga waxa ka dhexmuuqda Wargeysyada ugu da'da weyn iyo kuwa ugu caansan ee dalkan Sweden, oo mid kastaa edeg u goonni ah ka soo jeedo. Madbacadaha ayaa hawlahooda daabacaadeed si habaysan ugu soo gudbinayey dadka soo booqday Carwada.

Inta badan dadka ku soo xoomayey Magasinka Carruurteenna iyo buugaagta afsoomaaliga ku qoran, waxay u badnaayeen dad xidhiidh la leh soomaalida deggen Iswidhan. Gaar ahaan macallimiinta iyo shaqaalaha Maktabadaha oo su'aalo weydiinayey hawlwadeenada Magazinka iyo guud ahaanba Somali Nordic Culture. Waxa maanta ugu xiise badnaa markii uu noo yimi oday hawlgab ah oo noo sheegay in uu muddo 30 sannadood ah la shaqaynayey hay'adda qaxootiga, gaar ahaan uu u qaabilsanaa tarjumaadda sheekooyinka xikmadda xanbaarsan. Waxa uu noo tiriyey hees afka Iswidhika laga soo tarjumay oo afsoomaali uu noo mariyey.

Waxa xusid mudan in ay sannadkan joogto gabadh soomaaliyeed oo qoraa ah laguna soo casuumay Carwada buugaagta Saynab Dahir oo deggen dalka Boqortooyada Ingiriiska. Berri oo ah maalin sabti ah marka ay saacaddu tahay 13:00 ayaanu ka warbixin doonnaa Magasinka Carruurteenna iyo sababta loo bilaabay in la qoro Majalad u gaar ah carruurta oo ku qoran afsoomaali.


Bidix: Muuse. Midig: Oscar Trimpel

Ugu danbayn waxa aan ku dhiirrigelinayaa soomaalida reer Iswidhan in ay xoogga saaraan buugaagta carruurta ee ku qoran afka hooyo. Si habaysan oo qurux iyo tayoba leh ayaa ka maqan buugaagta carruurta ee soomaalidu qorto, inkastoo ay aad uba yaryihiin.

Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed Dhegey
Jimce, 23-09/2016

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto. 

Maalinta afka iyo Suugaanta Soomaalida ee Xaafadda Rinkeby 14-05-2016 Sabtida

Haddii aad xiisayso afka iyo suugaanta Soomaalida, fadlan nagala soo qaybgal barnaamij xiiso badan oo 14 bishan Mey lagu qaban doono guriga ummadda ee xaafadda Rinkeby. Barnaamijkan ayaa ay marti noogu yihiin qorayaal, afaqoon iyo cilmibaadhayaal ku hawlan afka iyo suugaanta Soomaalida. Martida maalintan nagala soo qaybgali doonta waxa ka mid ah Morgan Nillsson oo ah macallin afka Soomaaliga ka dhiga jaamacadda Göteborg, ahna cilmibaadhe ku hawlan taariikhda iyo habdhismeedka afka Soomaaliga. Kulankan waxa uu Morgan sharaxaad ka bixin doonaa kooraska afka Soomaaliga ee uu jaamacadda Göteborg ka dhigo. Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa afka Soomaaliga iyo duruufaha ku xeeran maata.