Fortsätt till huvudinnehåll

Faallo kooban oo ku saabsan Buugga "Dariiqii Loo Maray Dib-u-heshiisiinta iyo Dawladnimada Somaliland". W/Q, Sayid-Axmed Dhegey


Buugga magaciisu kor ku xusanyahay, waxa qoray Jamaal Jaamac Jiir, waa buuggii iigu horreeyey ee aan arko ee soo koobaya shirarkii muhiimka ahaa ee nabadaynta salka ku hayey ee beelaha reer Somaliland ay qabsadeen. Gaar ahaan shirarkii ugu waaweynaa sida kii Berbera, Burco, Boorama iyo Gar-adag. Waxa kaloo uu buuggi soo koobayaa xukuumadihii dalka soo maray, laga soo bilaabo xukuumaddii Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo wasiiradii uu magacaabay oo ka koobnaa 17 wasiir.






Waa buug aan odhan karo waa diiwaan loo baahnaa. Waa buug aan aad ugu hambalyeynayo qoraagga wakhtigiisa u huray ee soo ururiyey taariikhdaas muhiimka oo u baahan in la kaydiyo, si wax looga baran karo. Soomaalidu waxay tidhaahdaa " Nin habari dhashay hal maseegi waayo" maahmaahda halka looga danleeyahay ayuunbaan u jeedaaye, waxbadan oo aan jeclaa in qaab faahfaahsan loo qoro ayaa ku jira. 

Laakiin taasi waa uun qofka waxqabtay bay soomaalidu jeceshahay inuu wax walba dhammaystiro, taasina suurtagal maaha. Maanta haddii Jamaal intan soo ururiyey, waa in qoraa kale sii faahfaahiyaa, mid kalena wixii qaldaad jiray ka saaraa.
Tusaale: Shirkii Berbera waxa ku qoran inuu qabsoomay 27-01-1991. Haddii aanay ilduuf ka ahayn, dadbadan oo masuuliyiin dalka ka ah ayaa akhriyey buuggan oo wax ka yidhi. Dhammaantood miyey ilduufeen taariikhdaa qaldan! Dagaalkii la magacbaxay ( DUUFAAN 1) ayaa Berbera ka socday dhammaadkii bishii Jeeniweri 1991kii waxaan qiyaasayaa in gacanta lagu dhigay Berbera 29-01-1991, shirka Berbera waxa uu dhacau waa bishii Feberweri ugu horreyn. 

Codsi: Haddii hore looga faallooday buuggan la magacbaxay Dariiqii Loo Maray Dibu-heshiisiinta Iyo Dawladnimada Somaliland, ii soo gudbi ama ii tilmaan si aanan faallo hore oo qaladkaas timaamaysa aniguna halkii uun u marin. Haddii uu jiro qof buuggaas akhriyey oo qaladkaas arkay ila soo socodsii. Haddii qaladka noocan ahi uu galo buugaagta, waa taariikh qaldantay, oo buugagta danbena raadraaci doonto. Waa in degdeg loo saxaa.
Ugu danbayn hanbalyo ayaan u dirayaa qoraaga buugga,

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Maalinta afka iyo Suugaanta Soomaalida ee Xaafadda Rinkeby 14-05-2016 Sabtida

Haddii aad xiisayso afka iyo suugaanta Soomaalida, fadlan nagala soo qaybgal barnaamij xiiso badan oo 14 bishan Mey lagu qaban doono guriga ummadda ee xaafadda Rinkeby. Barnaamijkan ayaa ay marti noogu yihiin qorayaal, afaqoon iyo cilmibaadhayaal ku hawlan afka iyo suugaanta Soomaalida. Martida maalintan nagala soo qaybgali doonta waxa ka mid ah Morgan Nillsson oo ah macallin afka Soomaaliga ka dhiga jaamacadda Göteborg, ahna cilmibaadhe ku hawlan taariikhda iyo habdhismeedka afka Soomaaliga. Kulankan waxa uu Morgan sharaxaad ka bixin doonaa kooraska afka Soomaaliga ee uu jaamacadda Göteborg ka dhigo. Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa afka Soomaaliga iyo duruufaha ku xeeran maata.

Faallo!..."ladh" Buug Cusub Oo Uu Qoray Cabdillahi C Cige

Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey — Sweden — 7 September, 2005 Markaad aragto buugga laftigiisa, ayaad garanaysaa in buuggani uu ka duwanyahay buugaagtii hore ee afsoomaaliga ku soo bixijirtay. Qaabka buuggu u qoranyahay waa qaabka loo qaabeeyo sheekooyinka "Novel-ka" loo yaqaan. Waxaad dareemaysaa in dadka soomaalidu ku tallaabsadeen, jidkii muddo dheer kasoo xidhnaa. Kaasoo ah qoritaanka sheekooyinka, ku qotoma qaababka nolosha banii'aadamka. Intaa haddaan ku dhaafo qaabka buugga. Waxaan xasuustay faallo uu ka bixiyay Ibraahin Yusuf Axmed "Hawd" buuggan la magac baxay "Ladh. Mudane Hawd wuxuu ku soo gunaanaday maqaalkiisii "qoraaga buuggan qoray, haddii buuggani yahay kiisii ugu horreeyey oo maxay noqon doonaan kuwa soo socdana."