Fortsätt till huvudinnehåll

Siirada Rasuulka Q-1aad.....................W/Q, Axmed Ceelaabe

Waxaan markaa soo qaadaneynaa qaybta ugu horreysa ee ay culimada islaamku isku waafaqsan yihiin dhabnimadeeda hadday noqon lahaayeen kuwii hore iyo kuwii dambeba, waxaana weeye sidatan: Maxammed binu Cabdullahi binu Cabdimudhalib (Shaybah) binu Haashim (Camar) binu Cabdimanaaf (Muqiira) binu Qusayi (sayd) binu Kilaab binu Murra binu Kacab binu Nadar (Qays) binu Kinaana binu Khuseyma binu Mudrik (binu Ilyaas binu Mudar binu Nisaar binu Macad binu Cadnaa.

Rasuulka SCW jilibkiisa waxaa la oran jirey reer binu Haashim, waxaana loogu magac daray awoowgiisii labaad, Haashim binu Cabdimanaaf. Haashim wuxuu ahaa nin ka sheegganaa reer Makka, wuxuu waraabin jirey xujeyda oo uu aabbihiis Cabdimanaaf ka dhaxlay, sidoo kale wuxuu ahaa ninkii ugu horreeyey ee jideeyey labadii safar ee suuratul Quraysh sheegtay oo ay qurayshtu u kala safri jirtay Shaam iyo Yamaan.
Haashim Wuxuu dhalay afar wiil oo kala ahaa: Asad, Abu Seyfi, Nadla' iyo Cabdimudhalib iyo shan gabdhood oo kala ahaa: Sharaf, Khaalida, Daciifa, Ruqiya iyo Junna. Waxaa sagaalkooda ugu yaraa Cabdimudhalib oo ahaa nibiga SCW awowgiis.
Cabdimudhalib siduu ku dhashay waxay ahayd aabbihiis Haashim ayaa Safar ugu kacay Shaam, wuxuuna sii maray Madiina oo uu ku guursaday kulana aqalgalay Salma bintu Camar. Haashim wuxuu sii watay safarkiisii Shaam. Markuu Shaam tegey ayuu xanuunsaday, muddo dabadeedna wuxuu ku geeriyooday magaalo la yiraahdo Qusa oo Falastiin ku taala. Salma, oo uur lahayd markuu Haashim tegey, waxay dhashay wiil ay u bixisay Sheyba. Haashim markuu dhintay waxa mas'uuliyaddii waraabinta xujeyda qaaday walaalkiis Mudhalib. Mudhalib markuu hawshaas muddo hayey ayuu Madiina aaday si uu u soo wado wiilkii uu walaalkiis Haashim ka tegey (Sheyba). Markuu Madiina yimid ayuu Salma ka codsaday inay wiilka ku darto hase yeeshee way u diidday, markaasuu ku yiri "waxaan u dhiibayaa hawshii aabbihiis iyo xaramkii Alle", sidaa ayeyna ugu dartay. Mudhalib markuu Makka ku soo noqday isagoo wiilkuu adeerka u ahaa wada, ayaa waxaa arkay dadkii Makka joogey markaasey wiilkii u maleeyeen addoon uu Mudhalib soo iibsaday sidaas darteed ayey wiilkii ku dheheen Cabdimudhalib (addoonkii Mudhalib), markaasuu mudhalib ku yiri "war hooggiinee, waa wiilkii walaalkay Haashim". Sidaas ayaa wiilkii Sheyba ahaa kula baxay naaneystaas Cabdimudhalib.
Cabdimudhalib wuxuu dhalay toban wiil iyo lix gabdhood, waxaana tobanka wiil lakalal oran jiray: Xaarith, Subayr, Abuu Dhaalib, Cadullahi, Safar, Cabbaas, Xamsa, abuu Lahab, Qiyidaaq, Muqawim. Lixda Gabdhoodna waxay kala ahaayeen: Safiya, Arwa, Ummu Xakiim, Bara'Caatika iyo Ummayma. Cabdimudhalib wuxuu noqday nin cajiib ah oo qureysh oo dhan ka tilmaaman, wuxuu noqday odeygii qureysheed sida lo ogsoon yahayna wuxuu leeyahay qisooyin caan ah oo kala duwan, halkanna aynaan ku soo wada koobi karin, waxaana ka mida ahaa Duullaankii Abraha iyo Qodiddii Samsamka, kuwaas oo isaga iyo qureyshba Ilaahay ugu gargaaray.
alla mahadleh
Xigasho: Axmed Ceelaabe 
(SYG) Somaliland Youth Group
08-07-2013

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Maalinta afka iyo Suugaanta Soomaalida ee Xaafadda Rinkeby 14-05-2016 Sabtida

Haddii aad xiisayso afka iyo suugaanta Soomaalida, fadlan nagala soo qaybgal barnaamij xiiso badan oo 14 bishan Mey lagu qaban doono guriga ummadda ee xaafadda Rinkeby. Barnaamijkan ayaa ay marti noogu yihiin qorayaal, afaqoon iyo cilmibaadhayaal ku hawlan afka iyo suugaanta Soomaalida. Martida maalintan nagala soo qaybgali doonta waxa ka mid ah Morgan Nillsson oo ah macallin afka Soomaaliga ka dhiga jaamacadda Göteborg, ahna cilmibaadhe ku hawlan taariikhda iyo habdhismeedka afka Soomaaliga. Kulankan waxa uu Morgan sharaxaad ka bixin doonaa kooraska afka Soomaaliga ee uu jaamacadda Göteborg ka dhigo. Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa afka Soomaaliga iyo duruufaha ku xeeran maata.

Faallo!..."ladh" Buug Cusub Oo Uu Qoray Cabdillahi C Cige

Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey — Sweden — 7 September, 2005 Markaad aragto buugga laftigiisa, ayaad garanaysaa in buuggani uu ka duwanyahay buugaagtii hore ee afsoomaaliga ku soo bixijirtay. Qaabka buuggu u qoranyahay waa qaabka loo qaabeeyo sheekooyinka "Novel-ka" loo yaqaan. Waxaad dareemaysaa in dadka soomaalidu ku tallaabsadeen, jidkii muddo dheer kasoo xidhnaa. Kaasoo ah qoritaanka sheekooyinka, ku qotoma qaababka nolosha banii'aadamka. Intaa haddaan ku dhaafo qaabka buugga. Waxaan xasuustay faallo uu ka bixiyay Ibraahin Yusuf Axmed "Hawd" buuggan la magac baxay "Ladh. Mudane Hawd wuxuu ku soo gunaanaday maqaalkiisii "qoraaga buuggan qoray, haddii buuggani yahay kiisii ugu horreeyey oo maxay noqon doonaan kuwa soo socdana."