Fortsätt till huvudinnehåll

Maalin aan la Ilaawi karin: Socdaalkii Ururka Qoraaga Somaliland ee magaalada Örebro 28-12-2011. W/Q, Sayid-Axmed Dhegey


Maalintii Isniinta ee bisha Baldaaq ahayd 26ka ayaanu u socdaalnay magaalada Örebro oo ah magaalo aad u weyn. Markay saacaddu cagacagayneysay 11 kii gelinkii hore baanu ka baxnay magaalada Stockholm. Waxa ay ahayd maalin fasax ah oo dhammaan fasax laga ahaa shaqada iyo dugsiyadaba. Waxa aad noo xiise gelisay sidii uu ahaa jawiga ama hawada Stockholm oo ahayd mid diirran oo aan xilligaa looga baran in heerkulku intaa ahaado. Waxa la sugaa xilliga jiilaalka bishan oo kale in heerkulku hoos u dhaafo 20 digrii.

   
Laakiin waxay ahayd heerkulsare oo ku dhowaa 6-10 digrii.  Lama arag beryahaas, waase laga yaabaa in xilliyo fog jilaaladii soo maray dalkani uu sidaa ahaan jiray. Isla jawigaas wanaagsan baanu ku galnay magaalada Örebro, oo u jirta Stockholm ilaa 220 km. Waxaanu ka koobnayn afar xubnood oo xubno ka ah Ururka Qoraaga Somaliland, oo kala ahaa Gabayaa ahna qoraa Maxamed Xirsi Guuleed, Abwaan, Macallin, ahna qoraa Yuusuf Xaaji Cabdilaahi Xasan, Maansayahan, riwaayad qore ahna qoraa Muuse Maxamuud Ciise (Dalmar) iyo aniga. Waxa aanu judhiiba helnay Masaajid weyn oo magaalada ku yaalla, oo runtii aad u weynaa. Waxa ka socday casharro diini ah. Markii aanu tukannay ba waxa aanu u jihaysannay goobtii aanu warbixinta ku helnay in aanu halkaa ku soo bandhigno buugaagta iyo doodaha kaleba.

   Waxaanu soo galnay Örebro xilli aan ku qiyaasayo 13:30 kii, sidaa darteed waxa aanu haysannay wakhti badan, oo goobta naloo diyaariyey waxa ay furmaysay 15:00. Markiiba calool baahani waxa ay tidhi cuntaan rabaa, wax cunnay oo makhaayad farasmagaalaha ku taalla ayaanu helnay. Goobtii naloo fur, si fiican naloo soo dhawee, balse waxa aan si gaar ah u tilmaamayaa, laba mudane oo uu ka mid ahaa majaajiliistaha caanka ah, abwaanka curiya heesaha la loodin kari waayey Cabdi Haybe Laanbad. Waxa kaloo aanaanu Illoobi karin macallin Xarbi Caamir, oo ah macallin caan ka ah magaalada Örebro. Inkastoo aanaanu magaalada u tegin ganacsi buugaagta ah waxa nagala muhiimsanaa la kulanka jaaliyadda reer Örebro, si aanu isu weydaarsanno aaraa'da ku xeeran qoraalka iyo ereyga dhigan, waxaase inta badan dadku u qaataan in buugaag laga ganacsanayo la sido---haddii la yidhaahdo waa carwo buugaagta ah. Waxaase ka muhiimsan, isla eegidda, qoraalada maanta la qoro tayadooda, muhiimaddooda, jaadadka qoranaha ee soo baxay beryahan danbe, ka hadalka guud ahaanba qoraalka iyo faa'iidadiisa. Hadal haamo lagama buuxshee, maalintaa waxa aanu soo korodhsannay waxbadan---waaya-aragnimo weyn oo qaali ah baa nooga korodhay reer Örebro.

   Ugu danbayn waxa aan halkan uga mahadnaqayaa Majaajiliistaha aad wada garanaysaan Cabdi Haybe Laambad, oo bilaw ilaa dhammaad nala joogay, nala shaqaynayey, dareensanaa in aanu marti ku nahay Örebro. Waxa aanu leenahay ma illobi doono soo dhawayntaadii qiimaha lahayd, ee taageerada ahayd waanaad muujisay sida aad u tahay deeqsi martisoorka yaqaan. Waxa aan isna ka dhicin oo weliba isagu hawsha qabashada goobtu u dheerayd Macallin Xarbi Caamir oo aan mar keliya naga dultegin. Mahad ballaadhan baad naga mutaysatay. Ugu danbayn dhammaan reer Örebro waxa aanu leenahay aad baad u mahadsantihiin, sida aad garaadkayaga u kobciseen ee noo siiseen cashar aanaanu illoobi doonin oo wax weyn noo taraya iyo waaya-aragnimada aanu idinka soo qaaddannay waa mid noo guntan aad baanu idiinku hambalyeynaynaa.

Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed Dhegey
2013 Stockholm




Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Maalinta afka iyo Suugaanta Soomaalida ee Xaafadda Rinkeby 14-05-2016 Sabtida

Haddii aad xiisayso afka iyo suugaanta Soomaalida, fadlan nagala soo qaybgal barnaamij xiiso badan oo 14 bishan Mey lagu qaban doono guriga ummadda ee xaafadda Rinkeby. Barnaamijkan ayaa ay marti noogu yihiin qorayaal, afaqoon iyo cilmibaadhayaal ku hawlan afka iyo suugaanta Soomaalida. Martida maalintan nagala soo qaybgali doonta waxa ka mid ah Morgan Nillsson oo ah macallin afka Soomaaliga ka dhiga jaamacadda Göteborg, ahna cilmibaadhe ku hawlan taariikhda iyo habdhismeedka afka Soomaaliga. Kulankan waxa uu Morgan sharaxaad ka bixin doonaa kooraska afka Soomaaliga ee uu jaamacadda Göteborg ka dhigo. Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa afka Soomaaliga iyo duruufaha ku xeeran maata.

Faallo!..."ladh" Buug Cusub Oo Uu Qoray Cabdillahi C Cige

Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey — Sweden — 7 September, 2005 Markaad aragto buugga laftigiisa, ayaad garanaysaa in buuggani uu ka duwanyahay buugaagtii hore ee afsoomaaliga ku soo bixijirtay. Qaabka buuggu u qoranyahay waa qaabka loo qaabeeyo sheekooyinka "Novel-ka" loo yaqaan. Waxaad dareemaysaa in dadka soomaalidu ku tallaabsadeen, jidkii muddo dheer kasoo xidhnaa. Kaasoo ah qoritaanka sheekooyinka, ku qotoma qaababka nolosha banii'aadamka. Intaa haddaan ku dhaafo qaabka buugga. Waxaan xasuustay faallo uu ka bixiyay Ibraahin Yusuf Axmed "Hawd" buuggan la magac baxay "Ladh. Mudane Hawd wuxuu ku soo gunaanaday maqaalkiisii "qoraaga buuggan qoray, haddii buuggani yahay kiisii ugu horreeyey oo maxay noqon doonaan kuwa soo socdana."