Fortsätt till huvudinnehåll

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.



Marka laga tago, habka ama qalabka ay adeegsanayaan, ee loo yaqaan qurxiyeyaasha, waxa aan anigu iska taagayaa dhan kale oo ah sawirka guud. Wax badan waa ay ka midaysnaan karaan, wax badanna waa ay ku kala duwanaan karaan. 


Waxaase ii muuqatay in laba qodob oo waaweyn ay ku kala geddisantahay maansada Hadraawi iyo Qays---taasoo ah in inta badan Hadraawi, uu maansadiisa dhexgeliyo sheeko soo jireen ahayd ama mid uu isaguba maanka ka allifay. Waxaase badan kuwa soo jireenka ah ee uu inna xasuusiyo. Waxa aynu u daawannaa sida filimka, sheekada uu Hadraawi innoogu dhexdaro maansadiisa inta badanna ah halka aadka u sii qurxisa maansadiida yaabka leh.

Cabdi-Qays, waxa aad innoo soo jiidata waayo-kawarranka, inta baddana naftiisa iyo dareenkeeda ayaa hoggaan u ah maansadiisa. Naf la hadalka, ka hadalka, isu jawaabidda, dhexgelinta maansada riyo iyo runba. La sheekaysiga haadda, dameeraha, fardaha oo uu ku salaynayo naftiisa, waayihiisa ayaa ka dhex muuqda maansada Cabdi-Qays.

"Shinbiryahay lalaysaa, Adna laydha guudbaad, Leexaysanaysaa, Ragna laba diblaa tiir, Xadhig loogu loodshoo, Luguhuu ka xidhanyahay". 

Tuducyadan sare, waa uun mar uu xidhnaa oo uu tusaale ku bixinayo sida aanay shinbirta wax macno ah ugu fadhiyin duul-duulka ay kolba gidaar isku soo taagayso. Dabcan waa jeelka qodimadiisa, tiirarkiisa, gidaaradiisa, daaqadihiisa oo ay kolba shinbir ama shinbiro soo joogsanayaan, haddana ka duulayaan. Cabdi Aadan Xaadna uu xidhanyahay, dee shinbirtii ayuu la hadlayaa oo uu leeyahay warba ma hayside, "Ragna laba diblaa tiir, Xadhig loogu loodshoo, luguhuu ka xidhanyahay". Laakiin shibirta maansada iyo qaab uga hadalka Cabdiqays baa soo geliyey ee dadka ayaaba aan ogayn qofka xidhan waxa uu dareen iyo dhib qabo. Weliba marka gacan kaa awood badani kuu xoogsheegato-na waaba ay ka sii darantahay.

Intaasi waa uun iga hordhac ee aan u galo meelaha aan inoo soo dooray. Anigoo ka afeefanaya, in aanay i wada hor oollin maansooyinkoodii, balse waa inta yar ee aan ka gaadhay ama helayba. Aan ku bilaabo Hadraawi iyo maansadii caanka ahayd ee "Goljanno" waxa aan innooga soo qaaday baalyar oo ka mid ah--Waa ay badanyihiin hummaagyada sheeko maanseedda uu Hadraawi adeegsaday isla maansada Goljanno, balse aan intan yar innooga soo qaado:


Wax la yidhi guyaal hore
Bahal geed is-marisaa
Maqlay gobol Islaamoo
Wadaad gaasa baxay raba
Gadh intuu samaystuu
Kutub garabka soo sudhay
Soo gaadhyey beeshii


Hadba dadabta loo goo
Hadba goolal loo loog
Badhi iyo leg loo gee
Gallad loogu roonaa
Hoosna gaadhku kala socoy


Gahan gaha abaaraha
Sida weerka guuree
Hadba reer ku soo gaas
Hadba galab carraabaha
Masallaha gabboodkiyo
Hoos galbeedka soo dhigey
Gelin qudha maqnaan waa
Guryihii ku fara badey
Galgal iyo xasarad keen
Gacan dhaafna lagu arag


Gungunuuska beenta ah
Ku galgaley Quraankii
Guudaankii dhayi waa
Goosan lumay bariin waa
Lagu barey gaddiisiyo
Inaan Geeddi Baabow
Naf gunaanadkeediyo
Garshada ku dheerayn


Misna gogosha loo badi
Isna laba gar-daaqii
Hadba taako sii gudub
Ganacsiga ku sii durug
Guul-darraa ka salaglee
Galab buu ka kacay meel
Gegi laysu soo baxay
Dadkii joogey goobtaas
Kadin geela weydii
Warka Geedi Baabbow
Gujo iyo faq hoosiyo
Isha laysku gaadhsii
Waa dad soo gubtoo jabay
Dhegahay gufaysteen
Sii garooc hankiisii
Gu’rin qaalinuu yidhi
Yaa godkiisa hoosiyo
Geysanaaya aakhiro?
Shirkii ruux garaaboo
Gacan taaga laga waa
Iyadana ka sii gudub
Kuye gacallayaalow
Boqol shilin ha lay guro
Goroddaa la wada lulay
Ku go’ baana lagu yidhi.


Gonduhuu u sii degey
Kuye geed is-mariskii
Gini lagaca yaa hura?
Laga gaabsey hadalkii
Wuxuu yidhi galkiisiyo
Yaa kitaabka naga gada?


Gaw baa lawada yidhi
Go’a boodhka laga tumey
La bannee gawaankii
Dadku galab carraabaha
Badhba gees u siigee
Raabe raabe loo guran
Golihii ku noqoy keli


Goobtaas la kala dhimey
Isna Geeddi Baabbow
Galalkiyo khamiiskiyo
Garan gari kitaabkii
Ged kaluu u diga rogey
Miciyii gahaydhiyo
Daba goojinaysiyo
Gawsihii u sheellaa
Gibishii u duubnayd
Gashey saamihiisii
Gaaleemadii tuur
Gafi waa runtiisii..............................   Xigasho: Mareegta maansada Hadraawi


Waxa aynu tuducyadan korka ku xusan ka dheehanaynaa, sheeko qosol leh, maad leh, xikmad xanbaarsan. Waxa uu Hadraawi, innoo dhiibay sheeko uu leeyahay, ninba siday ula qummanaato ha u qaato. Sheekadii bilawga ee maansada ayuu inoogu dhexdaray sheekadan. In ay tooganayso halkii maansadu ka bilaabantay iyo in ay baal kale innaga tustay dhibaatadii markaa jirtay--bal adba. Waxaanse anigu u soo qaatay, quruxda sheekada uu ku dhexdaray maansadii, iyadoon xarafkii lumin, habdhicii maansadu aanuu dheeliyin ayuu sheeko innooga sheekeeyey--ma aha in uu inoo maansooday oo keliya, sheeko ayaan idiinka sheekaynayaa buu yidhi, waanuu inoo sheekeeyey. Sheekadaas ayaa xikmadi ku duugantahay, ku jirtaa ee kala baxa ayuu inna yidhi.

Markanna aan idinla wadaago heestii "Hargeysi Ma toostay". Waxa maansadaasna ku jira sheekooyin yaab leh, xataa afsoomaali erayadiisa aan la macnayn karin ama si fudud aan loo garan karin ayaa maansadaa ku jirta. Laakiin sheekadan aan inoo dooray waa ay ka duwantahay, oo waa mid la maqlay, oo wax badan huwan, aqoon badanna lagala bixi karo.


Hawraar iyo sheeko
Haween laga reebay
Beraa habar guurtey
Hayaan raraygeeda
Culaab iyo haamo
Waxay hilif saartay
Haldhaa kici waayey
Hiyeeda gadh jiidka
Markuu hollan waayey
Ayey hindiskeeda
Halaanhal ku keentay
Midaan kolkaa haabka
Markaa lagu haynin
Waxay tidhi “Hoogey
Hayaay Cabdi-Qaadir
Hareer qabo awrka”
Markuu hayinkeedu
Hagaag isu taagey
Ayey tidhi ” haakah”

Hebloo gabanteed ah
Hilowna basteeda
Malaa u han weynna
Karaamadan hiirta
Ku soo hormanaysa
Hilmaanina weydey
Wadaadka hoggiisa
Ka soo hangallaystay
Siduu ugu hiishey
Ayaa tidhi “hooyo
Muxuu horta sheekhu
Inoo yahay haybta”?


Waxay tidhi “heedhe
Hibooy ratigeennu
Markuu hinqan waayo
Ayaan huriwaaga
Haleel cuskadaaye
Habeen ma wadaagno
Haddaan magaciisa
Dantaydu higgaadin
Ma soo hadal qaado”


U fiirso sida uu inoo soo hordhigay Awr, Islaan iyo inanteedii. Waxa uu si cad oo aan madmadaw lahayn innoogu iftiimiyey in Awrkii oo fadhiya la raray, oo malaa rarkii laga badiyey la kici waayey, islaantii u yeedhay Cabdilqaadir. Inantii yaabtay markii hooyadeed u yeedhay Cabdilqaadir oo aanay arkayn, balse malaysay in uu yahay oday mar hore dhintay, siduu ugu hiishay. Waxa xataa aanuu ka tegin Hadraawi sida uu u sawiray, indhihii ama aragtidii inanta oo uu yidhi "Wadaadka hoggiisa ka soo hangallaystay" hangallaysi, waa qof lug keliya ku boodaya, mar hadduu hoggiisii ka soo baxay, caadi maaha oo waa in uu il la'yahay, ama lugo la'yahay ayuu sawiray abwaanku in inantu sidaa malaysatay oo sidii heestii Maykal Jakson, ee Thriller ee siddiitamaadka horraanteedii sida dadkii xabaalaha ka soo baxay ay u hangallaysanayeen ayuun baad ka tusaale qaadan---qof xabaalo ka soo baxay illayn caadi u soconmaayee!!.

Labadaa sheeko aan ku soo gunaanado, tilmaan ka bixiskii maansada Hadraawi ee quruxda badan, ee xanbaarasan sheekooyinka xikmadaysan. Lagama geyoon karo, maansada Hadraawi, waxa aanse jeclaystay bal in aan baal yar innaga tuso, si maansayahannada, aqoonta fiican u lihi ay inoogu sharraxaan, qaababka maanso ee kala jaad-jaadka ah iyo qurxiyeyaashooda. Bal aan inoo baadho badweynta maanso ee Cabdiqays. Inkastoo aanay urursanayn, habaysnayn, oo ay kala filiqsantahay, bal wixii aan inoo helo ayuunbaan halkan idinla wadaagi.

Curaddii Aan dhalayey
Cosob iyo dhul baadloo
Geed caws ku caan oo
Iyo dhira caleemeed
Sadexdu is cidhiidhsheen
Oo darar cawaysimay
Kaga hooray cidhifyada
Qoraxduna cadaysoo
Casaan gaaban ay tahay
Oo camalka doogada
Dhulku midab cagaar yahay
Curubtii magooshiyo
............................................

Noloshaadu ceerceer
Yey cidhib xumaan mudan

Waxa uu Cabdi-Qays la hadlayaa, waa inantiisii curad Ilaahay ha daayee. Ducadaa aabaheed waa ay ku dhacday. Waxa se aynu uga jeednaa, sida uu Cabdi uga hadlayo noloshiisa wax la xidhiidha, oo taabanaysa nololo dad kale. Dadku dee waa isku dareen meelaha qaar, meelaha qaarna waa lagu kala duwanaadaa. Sidaa awgeed waxa ay maansada Cabdi taabanaysa markasta dadka in ka mid ah. Mar-marka qaarna dadka intooda badan. Caashaqa oo lagu tilmaansado Cabdi Aadan ayaa markan waxa uu leeyahay---waar nimanyahay markastoo aan caashaqa ka hadh is idhaahdaba wuxuunbaa igu soo kicinaya. Ladh hoosaa jira ayuu leeyahay. Bal heestan oo aan inyar oo aad u kooban ka soo qaatay, ila dhugta. 

Ka hadh-baan lahaa"
Cilmi kuu la hoydoo"
Hore uga marbaan idhi"
Wixii qays haleelee"
Marka aan habeen qudha"
Hurdo nabad u seexdaba"
Saw hees walwaaleed"
Habluhu iima qaadaan"
Caawana hirkaan degay"
Ma hawd iyo calaydh-baa"
Hawlihiyo caashaqa"
Maka galay halkaygii"
Waxaabuu inna leeyahay caashaqa adaa marka aad doonto geli kara, kana bixi kara. Inkastoo uu tilmaamayo in aan laga baxsan karin oo mar uun aad ku soo noqonayso. Ujeedada se aynu ka leenahay, waa sida quruxda badan ee uu maansada u dhigay, isagoo naftiisa la hadlaya. Dee immisa nafood baa odhanaya HAA; waa runtii, Caawana halkaan degey, ma Hawdiyo Calaydhbaa.

Ninkii dooxa reer fura
Daad kama foogaadee
Anoo tayda u daran
Biyo igu dullaamee
Doon raacayeey
Duufaan cir iyo
Doonnidii bad weyn
Ila durugtayeey
Haween waa kuwa i dilay
Igu duwayna naaskoo
Waa belo rag loo diray
Mana dayn karaayee.

Ninka dooxa reer fura, bal adba! dee ninka reerkiisa dooxa Dubureed ama kii Xayramadle, ka togdheer ama kii Waaheen ama dhex dejiya--maxay kula tahay? Waxa uu abwaanku inna weydiiyey, weydiin uu ogyahay warcelinteeda. Waase xikmad sideeda u qotonta. Waxa innoo raaca, waa naf la hadal, ka hadal miyaanuu innala hadlayn si toosa ah. Miyaanuu haddana isagii isla hadlayn. Quruxda maansada Cabdiqays waxa ay u badantahay waa sida uu dareenkeena inoo xadanteeyo, mar uu innaga nixiyo mar uu innaga farxiyo iyo mar uu su'aalo inna weydiiyo. 

Dadku waaari maayee,
Kol haddaan la daynayn,
Duunyo iyo kaneecaa,
Ajashada go'ysee,
Durki mayso taaduye,
Dibna looma dhigayee,
Inta dulin ku dili laa,
Ama ciil ku dili laa,
Ilaahay daraadii dadyow,
Maad u dhimataaan. "

Dadku waari maayee, waa ayo dadku waa innagii, oo uu haddana si kale, xaalad kale innagala hadlayo. Wuxuu ku soo hordhigayaa iyadoo kaneeco ku dishay ama dulin kaleba ku dilay. Waar geesi noqo oo wax iska celi oo dagaal ku dhimo ayuu markanna inna leeyahay. Nafta banii'aadamka ayuu carinayaa, la hadlayaa. Waxa aan ku soo afmeerayaa maansada "Beledweyn" ee uu curiyey Hadraawi jawaabteeda bilawgeeda oo uu Cabdiqays tiriyey isla beryahaas todobaatanaadka horraantiisii.

Boqorkii Ammaantoow
Baashihii Aqoontoow Maqlay in ad baxaan-baxa"
Socotadaa ku baahdoo"
Beledwayne aadoo"
Barwaaqadiyo raaxada"
Badarkii ka heestoo"
boqor aad u qurux badan"
Bilan aad la kuluntoo"
La wadaagtay barashoo"

Jacayl kugu bariistoo"
Boholyowna ku haystee"

Dumar waa badhaaha 
Ragna waa bi'iisee
Nin afkiisu bayd adag
kaga giijay boqonaha
Alluunbaa ka bixiyee
Is banbaanin weydaye

Bulshada iyo kooxdaa
Hadmaad wada baqoosheen
Baabuurka yaa waday
Ma midaan ........?
Kumaa taliye baasoo
Beeneeyey taadii
Bal noo sheeg ninkaa ba'an

FG: Sidan kuma saxna ee waa intaan helay ee xasuustu ii saamaxday

------------------------------------------------------------------------

Saddexdaa qormo ee kookoobnaa, waxa ay iga ahayd uun in bal aynu qaabab kala duwan u eegno maansada. Waxaaba inoo soo bixi waxyaabo aynu sharraxaad ka bixin karno oo si ka fiican sida maanta aynu u dhadhanasanno erayada maansada ama tuducyada maansada, si ka duwan ay innoogu muuqan lahayd. Waa laga yaabaa in qaldaad madbici ahi ku jiro maansooyinka qaar. Waxa aan qaar ka mid ah maansada Cabdiqays ka soo xigtay cajalado ay ku duuban yihiin, qaarna maanka ayey ku jireen.

BAAQ ju socda Cabdi Aadan Qays
-----------------------------------------
Ugu danbayn, waxa aan baaq dheer u dirayaa anigoo ku hadlaya magaca inta jecel maansada guud, gaar ahaan ta CabdiQays, in dhakhso loo qoro oo ay buug gasho. Maaha in gidaarada lala fadhiyo, ama la yidhaa hebel baa qoraya ee hallooga danbeeyo, cid looga danbaynayaa ma jirto, ee waa in la qoraa. Buug soo baxay cidina lacag kama hesho, ee lacag baa gasha. Waxa aan ka hadlayaa waa buugaagta afsoomaaliga ku qoran, cidna wax kama hesho aan ka ahayn magac iyo sharaf iyo xoolahaagii uu kuu xaraysma. Maanta xoolihii Cabdi-Qays isagoo nool baanay xaraysnayn oo ay Dubur Hawd ka xuleen. Qofkii baaqan akhriya ama farriintan ha iga gaadhsiiyo Cabdi Aaadan Qays. Geelaaga xarayso oo waa laguu diyaar oo rag iyo dumarba waa kuu diyaare aan geela kula xarayno. Waa haddii kale "Caawana Hirkaan degey Ma Hawdiyo Calaydhbaa---habar baa iska hawhawlee heellada inoo tuma. Arkidoonee!!

FG: Hadraawi, oo aan kula kulmay Stockholm 2005kii ayaan weydiiyey in aan maansadiisa wax ka qaadan karo oo qori karo, kuna dari karo buug kale. Waxa uu igu yidhi; "Adeer gebigeedaba qaado, haddaad daabici kartona daabaco". Sidaasay xooluhu ku soo xaraysmaan haddii kale waraabaha yeelanaya.


(Wixii khalad ah ama talo ah iigu soo dir mailka hoosta ku qoran.



Xigasho: 

-Golaha suugaanta Hadraawi, 
-barta internetka ee murtida iyo madadaalada 
- Cajalad cabdiqays laftigiisu ku duubanyahay
-Iyo xusuustayda oo meelaha qaar aan ku daray



W/Q, Sayid-Axmed M Yuusuf
15-07-2013 Sweden
gacanlibaax2001@yahoo.se
1







Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Xog ku saabsan Afgenbegii 1961 Col, Xasan Faarax Bullaale: "Taariikh u baahan sixitaan iyo run ka sheegid"

Taariikhdu waa dhacdo ama arrimo dhacay xilliyo la soo dhaafay. Haddii aan wax laga qorin, lama ogaan karo taariikhdaasi sidii ay u dhacday. Mar haddii aan la kaydin arrimaha taariikheed ee dal iyo dad ba soo mara, waxa ay taariikhdaasi gashaa mugdi waxaanay yeelataa madmada w badan. Sida inbadani ka warqabto Somaliland waxa ka dhacay Afgenbi la isku deyey 1961kii, kaasoo lagu guuldarraysatay Dad badani xog kama hayaan, inkastoo ay noolyihiin xubno ka mid ahaa saraakiishii Afgenbigaa isku deyey. Kalhore waxa la waraystay Amb, Cawil Cali Ducaale oo ka mid ahaa saraakiishaas, xilligaasna ahaa xiddigle. Waxa uu Cawil qoray buug uu kaga hadlay wax farabadan oo uu u soo joogay, waxaana ka mid ahaa Afgenbigaas. Waana buugga la magacbaxay "Raad-Raaca Taariikh Soomaaliyeed"

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.