Fortsätt till huvudinnehåll

Muhiimmadda Taariikhda W/Q Maxamed Yuusuf


Ciid Mubaarik dhamaantiin! Idam Alle, Sannadka sannadkiisa farxad iyo caafimaad ku gaadha dhamaantiin. Taariikhdu waa waxa ummadaha aduunka is dhaafiyay, waa waxa ay reer galbeedku ku guulaysteen ee ay maskaxda aduunyada ku hantiyeen, waa waxa caruurta isku ayniga ah is dhaafiyay, waa waxa taariikhdiinii, iyo tii xadaaradii islaamka masaxay ee caruurteenu Michelangelo iyo John Adams u yaqaanaan balse ayna aqoon u lahayn taariikhdoodii, taariikhdii islaamka sida,casrigii RASUULKA (SCW) (1-11H) (622-632CD), tii KHULAFADA (11-40H) (632-661CD) iyo geeridii Rasuulka (SCW) ka dib, tii UMAWIYIINTA (41-132H) (661-750CD) iyo tii CABBAASIYIINTA (132-656H) (750-1258CD), tii MAMAALIIKTA (648-922H) (1250-1517CD), iyo tii CUSMAANIYIINTA (1517-1924CD) toona. 

Teenana haddalkeedaba daa, haddana reer hebel iyo qabyaalad lagu shaqaysto ay u yaqaanaan. Koroonaa aduunkii helay oo sannadkan markay in aan waddankeenii imaado ii suurtoobi weyday bal taariikhdaadii iyo halkaad ka bilowday Sweden uun caruurta iyo reerka soo tus baan is idhi, baabuur baan kaxaystay oo meel kasta oo taariikh igu leh waddankan Sweden waan geeyay, halkii maalintaan imid aan iska dhiibay, halkaan iskuulkii ugu horeeyay ka bilaabay,halkaan shaqadii ugu horeyasay ka bilaabay iyo halkaan hooyadood ku bartayba waan soo tusay. Kolba taariikh iyo meel la qurxiyay oo dalxiis loogu talo galay oo iswiidhishu samaysteen ayaa iga soo dhex gala oo iyana bal soo eeg aan is idhaa. Dal tabyaa i dishee kolba taloow aniguna waddankayga , maxaynu taariikhdiisii u qori weynay ayaa i igu soo dhacda oon is idhaa. Dib ayaan haddana iskugu noqdaa oo horta ummadan imisaa aabahood taqaan oo si dhab ah u taqaan, oo uga sheekayn karta taariikhdoodii, awoowgood iska daaye,ayaan isdhaa, iyo wax yar iyo hadaa waa maxay taariikhda aad raadinaysaa ayay naftu i tidhaa. 


Ummad marka uu aabahood soo socdo caruurta lagu yidhaa, Aabo ayaa soo socdee guriga gala oo aamusa, iyo Aabo ayaa hurdee shanqadha ka yareeya ee iyaga iyo aabahood la ka ilaaliyo, sidey isku baran karaan oo taariikh ugala hadhi karaan ayay naftu igu tidhaa.. Ilaahay baan kugu dhaarshee inteed aabaaha taariikhdiisa oo run ah ka haysaa, wey yar tahay walaahi. Taariikhna jiri mayso caruurta oo waalidkood u sheekaayan mooyaane. Berigii caddaanku madowga cabiidsanayay, wixii koowaad ee uu jaray waxay ahayd taariikhdooda oo magacooda ka ayuu ka bilaabay oo John iyo Edwerd ayuu u bixiyay intuu kii aabahood ka bedalay , taariikhdii aabihiina u diiday xasuustiisa. Stockholm oo aad 1989 degtid is lahaa( Malmö ayaan degay) ayaan geeyay fasaxan geeyay caruurta iyo reerka si aan u soo tuso meeshaan is lahaa waagaa aad degtid, anigoo tus tusidii magaalada ku jira ayaanan soo hor maray ninkan iminka boqorka ka ah Sweden oo malaha awoowgiisii shanaad uu taalo qurux baddan oo dadku ku xasuustaan uga sameeyay faras magaalaha Stockholm, qasrisgiisa hortiisa, ( isagu waa gaal ee sanam ayuu u samaystay). 

Markiiba waxa i soo hor maray sidii aniga oo taariikhdii awoowgay raadinaya aan 2016kii Hargeisa uga tagay ilaa Jiidaali si qabrigii awoowgay aanu u soo salaano. Ninkan Swedishka ahi haddaba taariikhdii awoowgii oo dhan oo waliba tafatiran oo uu waliba macaaneeyay oo uu ku qoray ( Nin dhaqanka jecel buu ahaayoo intaasoo masxar ayuu Sweden ka sameeyay….iyo qaar kaloo baddan ayuu ku xardhay) iyo taariikho baddan oo kale oo wadda maalin heblaayo leh oo uu yidhi awoowgay ayaan kala hadhay ayuu ku xardhay taalada awoowgii . Anigana waddaadayda(reerka) oo waaggaa aan Jiidaali awoowo ugu tagay, ila socotay waxa laga reebay oo ay igu tidhi ( markay wadadii rafka ahayd uu wadnuhu afka yimid) " Maxamed walaaal, awoowgaa meel banaan oo tan dhaanta muu waayay, muxuu rafkan ka soo doonay” … Sow taariikhdeena innagu ma aynaan weynayn waayin ayuun baan uga jeedaa qoraalkan, iyo in aan ogaataan in caruur eber ahi inaga dambayn doondo. Waar hooy taariikhdu waa waxa rag is dhaafiyee ubadkeena aynu taariikhada barno. 

Waar hooy. Ciid Mubaarik dhamaantiin
Maxamed Yuusuf 01 / 08/ 2020

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Maalinta afka iyo Suugaanta Soomaalida ee Xaafadda Rinkeby 14-05-2016 Sabtida

Haddii aad xiisayso afka iyo suugaanta Soomaalida, fadlan nagala soo qaybgal barnaamij xiiso badan oo 14 bishan Mey lagu qaban doono guriga ummadda ee xaafadda Rinkeby. Barnaamijkan ayaa ay marti noogu yihiin qorayaal, afaqoon iyo cilmibaadhayaal ku hawlan afka iyo suugaanta Soomaalida. Martida maalintan nagala soo qaybgali doonta waxa ka mid ah Morgan Nillsson oo ah macallin afka Soomaaliga ka dhiga jaamacadda Göteborg, ahna cilmibaadhe ku hawlan taariikhda iyo habdhismeedka afka Soomaaliga. Kulankan waxa uu Morgan sharaxaad ka bixin doonaa kooraska afka Soomaaliga ee uu jaamacadda Göteborg ka dhigo. Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa afka Soomaaliga iyo duruufaha ku xeeran maata.

Faallo!..."ladh" Buug Cusub Oo Uu Qoray Cabdillahi C Cige

Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey — Sweden — 7 September, 2005 Markaad aragto buugga laftigiisa, ayaad garanaysaa in buuggani uu ka duwanyahay buugaagtii hore ee afsoomaaliga ku soo bixijirtay. Qaabka buuggu u qoranyahay waa qaabka loo qaabeeyo sheekooyinka "Novel-ka" loo yaqaan. Waxaad dareemaysaa in dadka soomaalidu ku tallaabsadeen, jidkii muddo dheer kasoo xidhnaa. Kaasoo ah qoritaanka sheekooyinka, ku qotoma qaababka nolosha banii'aadamka. Intaa haddaan ku dhaafo qaabka buugga. Waxaan xasuustay faallo uu ka bixiyay Ibraahin Yusuf Axmed "Hawd" buuggan la magac baxay "Ladh. Mudane Hawd wuxuu ku soo gunaanaday maqaalkiisii "qoraaga buuggan qoray, haddii buuggani yahay kiisii ugu horreeyey oo maxay noqon doonaan kuwa soo socdana."