Waa nin oday ah. Waxa uu ku nool yahay mid ka mid ah dalalka Aasiya. Waxa uu muddo dheer oo gaadhaysa 30 sannadood u shaqaynayey xafiis booseed oo ku yaalla magaalada uu deggan yahay. Imika waa hawlgab, hase yeesho ee waxa caado u ahayd, weli na u ah, in uu maqaallo qoro oo uu mid ka mid ah tifaftirayaasha wargeys uu akhristo u gudbiyo.
Maalin maalmaha ka mid ahayd ayuu ninkan odayga ahi u baahday qalin uu wax ku qoro. Dabadeed wiil uu dhalay oo maalmahaa shaqo helay ayuu u sheegay in uu qalin u soo iibiyo marka uu shaqada ka soo baxo ee uu guriga ku soo socdo. Inankii ayaa aabbihii u keenay qalimaan ka badan intii loo diray, waxana dhex maray hadalladan:
Odaygii oo faraxsan ayaa inankii weydiiyey: “Maxaad waxan oo qalimaan ah u soo iibisay, mid keli ah uun baan u baahnaaye?” Inankii oo ay degganaani ka muuqato isla markaasna dhoolla-caddaynaya ayaa yidhi: “Maan soo iibin ee waxay ka mid ahaayeen alaab-xafiiseed badan oo la ii keenay; alaabtaas oo haddii aan si walba u adeegsado sannadka oo dhan aanan badhkeedna dhammayn karayn.”
Halkaa markii uu hadalku marayey odaygii wejigiisii waa uu isbeddelay, farxaddiina waa ay ka tagtay, waxanu inankii si toos ah ugu sheegay:
-- “Ma qaadanayo alaabtan maaddaama ay tahay qayb ka mid ah hantidii xafiiskaaga. Waxa loogu tala-galay in aad hawlaha xafiiska u adeegsato oo keli ah. Fadlan ku celi halkii aad ka soo qaadday!”
-- Ma waxay kula tahay in aan khalad sameeyey?
-- Haa gef baad samaysay oo wax aad soo xadday baad ii keentay. Sida aanay arrintaa hore sax u ahayn ayaanay weydiintaadan dambena sax u ahayn!
Inankii waxa uu si dhab ah u gartay wixii uu aabbihii u sheegayey. Waxa uu aabbihii uga tegay talooyin fiican oo arrimaha nolosha wax uga taray intii uu noolaa oo dhan. Laakiin dhacdadaa isaga iyo aabbihii dhexmartay mar kasta oo uu soo xasuusto waa uu murugoodaa. Markii uu alaabtii xafiiskii ku celiyey isaga oo doonaya isla maalmahaas in uu fuliyo dalabkii aabbihii ayuu odeygii dhintay.
Ninkaa odayga ahi, sida sheekada ka muuqata, waxa uu ahaa nin fiican oo daacad ah, wiilkiisiina daacadnimada ayuu wax ka baray. Daacadnimadu waa wax aad iyo aad u qiima badan oo dadnimada qofka wax weyn ku kordhisa, la’aanteedna uu qofka qiima weyni ka maqnaanayo. Dadkeennu waxa ay rumaysan yihiin in aanu qofka daacadda ahi marnaba wanaag waayeyn, doodda caynkaas ahna ay ku xoojiyaan maahmaahda ah: “Daacadi ma hungowdo”
Dhanka kalena daacadnimadu waxay ka mid tahay sifooyinka wanwanaagsan ee in uu qofku arrimaha nolosha ku guulaysto suurta-gelin kara. Qof aan daacadnimo ku sifoobini malaha guul ma haybsan karo, haddii uu haybsadona guushaasi waa kumeelgaadh! Murti qa laad ayuu macnaheedu ahaa: “Daacadnimadu waa cutubka ugu horreeya ee dhiganaha (buugga) murtida”.
Kommentarer
Skicka en kommentar