Fortsätt till huvudinnehåll

Sirta noloshu waa ku qanacsanaanta hadba wixii aad haysato W/Q, Muse M. Ciise (Dalmar)



Si kasta oo dadyawga dunida ku nooli u kala duruufo duwan yihiin haddana waxa uu qof kastaa raadinayaa in uu helo nolol ka fiican ta uu haysto. Waxaana hubaal ah in aan laysku raacsanayn liibaanta adduunyada iyo halka u sarraysa ee uu qofku derejo iyo nolol ka gaadhi karo. Dad badan ayaa aaminsan in guusha noloshu tahay in aad heshid lacag badan. Waxa ay kuwaasi ku doodayaan in ay hayntu tahay furaha nolosha iyo ta qofka u goyn karta wax kasta oo uu jecelahay sida, caafimaad, farxad, jacayl, xasillooni, madadaalo, raaxo, awood iyo wixii la mid ah. Taa beddelkeeda waxa sidoo kale dad badani isku waafaqsan yihiin in nolosha macaankeeda ama libinteedu aanay ahaynba in aad adduun badan hesho balse ay tahay in aad haysato caafimaad, cunto, hoy, xorriyad iyo qaneeco kuu horseedda in aad iimaansato hadba waxa aad haysato, dariiq fiicanna aad u marto wixii korodhsiimo ah. 

Nin taajir ahaa oo Ilaahay duunyo badan siiyay ayaa beri dalxiis ku tegay tuulo yar oo meel xeeb ah ku taalla. Tuuladu waxa ay ahayd meel ay u soo tamashle iyo nasasho tagaan dadka lacaglayda ahi. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa isaga oo ninkii taajirka ahaa ku qorraxaysanaya badda xeeligeedii, waxa uu la kulmay nin kalluumaysato ah oo afar xabbo oo kalluun ah soo jillaabtay. Labadii nin way sheekaysteen, nin kastaana waxa uu ka sheekeeyay waayihiisa iyo waxa uu ku sugan yahay. Ninkii taajirka ahaa ayaa si wacan uga sheekeeyay hantida badan ee uu leeyahay iyo in uu yahay ganacsade weyn oo lacag badan haysta oo dalxiis ku jooga meesha. Intaa kadib waxa uu ninkii taajirka ahaa waraystay ninkii kalluumaystaha ahaa, waxaana dhexmartay sheekadan: 


-      Imisa saacadood ayay kugu qaadatay in aad afartan xabbo ee malayga ah soo dabato?
-      waxa ay igu qaadatay saddex saacadood.
-      ma saddex saacadood oo kaliya? Oo maxaad saacado badan u shaqaysan wayday oo aad kalluun badan u soo jillaaban wayday?
-      maalin walba waxa aan soo qabsadaa intii aniga iyo qoyskayga nagu filan. Markaa afartan midh ayaa naga badan maanta.
-      oo haddii aad saacadahan kooban oo qudha shaqayso maxaad wakhtiga intiisa kale qabataa?
-      qoyskayga ayaan wakhti la qaataa, asxaabtayda ayaan la kulmaa, ciyaaro iyo madadaalo ayaan wakhtiga in ka mid ah ku qaataa, inta kalena waan iska cibaadaystaa. 
-      waan gartay. Ninyow talo ayaan ku siinayaa. Kalluunka ka ganacso oo ka iibi dukaanada iyo makhaayadaha tuulada, waxaanad shaqaysaa maalintii oo dhan. Kadib magaalooyinka waaweyn u wareeg oo halkaasi ganacsi fiican ka bilow. Waxaad noqon doontaa taajir lacag badan haysta.
-      oo imisa sanno ayay igu qaadanaysaa in aan lacag badan ku helo oo aan ganacsade weyn noqdo?
-      Ilaa waxa ay kugu qaadan doontaa 25 sanno, waa haddii aad dadaasho. Kadib marka aad lacagaysato waad isaga soo guuri magaalooyinka weyn oo waxaad iska degi tuulo yar oo tan oo kale ah maaddaama oo magaalooyinka waaweyni buuq badan yihiin. Tuulo yar oo tan oo kale ah ayaad fadhiga wax ku cuni, aanad wakhti fiican u heli qoyskaaga, asxaabtaada iyo wax kasta oo aad jeceshahayba.
       
Ninkii kalluumaystaha ahaa inta uu qoslay oo uu la yaabay sida ay noloshu giraanta u tahay ee halka uu maanta joogo uu ugu soo noqon doono haddii uu lacag kasta haysto ayaa ninkii taajirka ahaa ugu jawaabay:

-      oo ninyow haddii ay noloshu ugu danbaynta kuba soo ururayso intan aan imika haysto maxaaban halganka intaa leeg u gali oo aan aniga oo 60 jir ah ugu soo noqon tuuladii aan nolosha ka bilaabay? Imika ayaaban haystaa nolosha intii aasaaska u ahayd, waanan ku qanacsanahay. 

Sheekadani waxa ay inna tusaysaa in noloshu kaliya aanay ahayn in aad lacag yeelato balse ay tahay in aad nolol xasiloon hesho. Waa mihiim in adduunyada si fiican looga shaqaysto balse sirtu maaha in qofku hadafkiisa koowaad ka dhigto sidii uu lacag badan u heli lahaa isaga oo wakhtigiisa oo dhan galinaya, una maraya jid kasta. 

      Muddooyinkan danbe waxa xoog isu soo dhawaaday dadyowgii dunida ee kala durugsanaa, waxaanay dunidii noqotay xaafad yar oo layska wada war hayo. Waxaana taasi fududeeyay aaladaha casriga ah ee maalinba maalinta ka danbaysa xawliga ku socda. Tani ayaa keentay in bulshooyin badan oo kala durugsanaa ay maanta is xaal ogaadaan, si dhib yarna u kala warqaataan. Waxa ay tani dhashay in badi dadka aalada casriga ah isticmaalaa ay inta badan dadka la wadaagaan waxyaabo badan oo noloshooda ku saabsan, iyaga oo mar walba wixii wanaagsan ee noloshooda ku soo kordha soo bandhigaya. Halka ay marar badana buunbuuniyaan si ay asxaabtooda iyo dadka ku xidhan u tusaan in ay nolol fiican haystaan. Tani ayaa culays dhanka maskaxda ah ku keenta dadyow badan, kadib marka ay arkaan sawirada iyo muuqaallada quruxda badan ee ay dadka kale soo dhiganayaan, waxaanay is waydiiyaan sababta ay iyagu noloshaa quruxda badan u heli waayeen. Sida ay cilmibaadhayaashu qirayaan dhallinyarada ayaa ugu badan kuwa uu dhaawaca ugu weyni soo gaadho, waayo aad ayay isugu faanaan mid kastaana waxa uu soo dhigaa hadba shayga noloshiisa ku soo kordhay. Sida, dhar cusub, gaadhi, cunto, xafladayn, dalxiis, carruur, guur iyo in badan oo kale. Marar badan waxa dhacda in qofka waxyaabahan quruxda badan soo dhigayaa aanu farxadba haysan balse uu haddana dadka kale waalayo, isaga oo ka beensheegaya noloshiisa. 

Hadal iyo dhammaan, liibaanteed adduunyada ninna laasan maayee, waxa mihiim ah in aynu oggaano in aanay noloshu kaliya ahayn in aad hesho lacag badan balse ay tahay in aad hesho qaneeco iyo dadnimo wanaagsan taasi oo kuu horseedda aqoon, lacag iyo degganaansho.  Yaanu hadaf kaagu noqon maxaad adduun dhaqataa adiga oo xaaraan iyo xalaalba u maraya, balse ha noqdo maxaan dunida ku soo kordhin karaa? Hadba ku qanac inta aad hayso, waddo wacanna u mar inta kaa dhiman. Yoolkaagu ha noqdo maxaan maanta nolosha ku soo biirin karaa iyo sideen u caawin karaa inta jilicdasan ee adiga kaa liidata. Ku kalsoonow noloshaada, yaanay noloshaada hagin ama oo ayna dhaawac u gaysanin hadba wax ay hebel iyo heblaayo haystaan. Ilaahay ugu mahadceli nimcooyinka badan ee aad haysato, waydiisana inta kaa dhiman adiga oo dadaal ku daraya. 
Hees baa ay midhaheeda ku jireen, 

Ha ka deyrin waligaa 
Noloshaad la deris tahay
Ha doodin waligaa
Mid kaloo ku dayasho ah.


Musa M. Isse
haji_musa@hotmail.com
2019-01-02

Istanbul, Turkiga

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.