Fortsätt till huvudinnehåll

Sooyaalkii G/S, Yuusuf Cabdi Oday W/Q, Aadan Cadde

Alle ha u naxariistee waxa xalay caweyskii la ii soo sheegay geerida Gaashaanle sare Yuusuf Cabdi Oday. Kornaylka waxa aanu si shakhsi ah isu naqaannay muddo lix sano ah. Waxa maalin maalmaha kamid ah iskaaya baray saaxiibkay Cabdilaahi kayse Guure, waxana bilawgiiba aannu isla qaadannay in aan uruuriyo taariikhdiisii iyo wixii uu waayo u soo joogay. Lixdaa sano hadba meel ay noo maraysayba waanu kulmi jirnay waanu ii warrami jiray. Balse, inta aanan kormar idiinku samaynin sooyaalkiisii dheeraa, aan taabto dhawr sifo oo aan marxuumka ku bartay.




AHUN Col. Yuusuf waxa uu ahaa shakhsi furfuran oo niyad wanaagsan. Waxa aad iiga yaabin jiray anoo daala mooyee isagu kama uu daali jirin in uu ii sheekeeyo, taariikhdiisa iyo taariikho kaleba wuu iiga warrami jiray, taasina waxay ahayd sifo uu rag badan oo aynigiisa ah kaga duwanaa. Kibir iyo islaweyni weligay kuma arag. Wuxuu ahaa addoon cibaado badan. Waxa aan xusi karaa khamiis walba wuu soomi jiray sidaas awgeed baanu maalinta Axadeed u kulmi jirnay. Salaad-sax soon badan ayuu ahaa. G/sare Yuusuf Cabdi Oday waxa uu ii sheegay in aanu weligii balwad yeelanin, taasina waxa ay layaab igu noqon jirtay marka aan isu eego sooyaalkiisa iyo balwad la’aanta. Askarinimo, jabhadnimo iyo nin dalmar ah duni badan ka soo biyo cabbay oo aan balwad lahayn baa layaab igu noqon jirtay. Askarta u timaadda marka aanu shaqaynayno sidii ay ubadkiisii yihiin oo kale ayuu ula dhaqmi jiray, taasina dhaqanka askarinimo hore ugu maan aqoon. Isku soo wada duub oo waxa aan ku macnayn lahaa uun in uu ahaa “Astaanta gobonnimada iyo dunwanaagga”. Waan ka xumahay in aanan aaskiisii soo gaadhi kari waayay anoo magaalada Burco shaqo u joogay awgeed.

Yuusuf Cabdi Oday waxa uu badhtimihii 1940-kii ku dhashay deegaanka magaalada Awaare. Noloshii dadka reer guuraaga ahi ku dhaqnaayeen ayuu ku soo barbaaray. Raacidda meesiyada kala duwan iyo geeddisocodkii nololmaalmeedka qoyskooda ayuu ka soo qayb qaatay, isaga oo ahaa barbaar firfircoon oo aan xoolo-moog iyo dan-seeg midna ahayn.

Yaraantiisiiba waxa uu noqday barbaar hiigsi leh oo uu u hirayo hummaag nololeed oo ka geddisan kii uu markaas ku noolaa. Waxa uu bilaabay isbeddel nololeed iyo hour-socod uu mustaqbalkiisa ku dhisayo. Noloshii miyiga waa uu ka soo digo-rogtay, waxana uu ku soo dhex dhacay mawjad kale oo dhan kale u socota. Magaalada Hargeysa ayuu soo beegsaday isaga oo 15 jir ah, taariikh ahaan xilligaasi waxa ay ku aaddanayd badhtamihii 1958-kii.

Waayadii hore, Magaalogalka ayaa haddana lagu kala hadhi jiray. Nin maayadaha reer-magaalnimo ku hafta oo balwad, shaxaad iyo belaayooyin kale barta iyo nin sirta nolosha fahma oo waxbarasho, ganacsi iyo shaqo-tegid ku foofa ayaa loo kala bixi jiray. Islamarkii uu Yuusuf magaalada Hargeysa soo galayba waxa uu bilaabay wax-barasho. Waxa qalinka u qabtay bare uu aad u jeclaa oo la odhan jiray Macallin Fiqi. Muddo sannad ah ayuu Macallin Fiqi qalinka iyo buugga la hoos fadhiyay oo uu afka Ingiriisida ka baranayay.

Tacliintii uu Macallin Fiqi ka bartay indhaha ayay u furtay, si weynna wuu uga faa’iiday. 15-kii bisha Ogos ee 1960-kii ayuu ka mid noqday ciidankii Ingiriisku qortay ee la odhan jiray “Somali Scott”. Ciidankaasi waxa uu isugu jiray askartii ka soo hadhay dagaalkii 2aad ee Dunida iyo qaar cusub oo xilligaas la qoray. Maaddaama oo uu tallaabadii ugu horreysayba ku aflaxay, rejo weyn ayuu ka qabay in uu tan labaadna ku foosi doono. Nolosha askarinimadu waa mid aad u qallafsan gaar ahaan layliga iyo tababarka koowaad (Dhibbooga). Hasa-ahaatee, himilada uu lahaa iyo aragtida uu mustaqbalka ka qabay ayaa u fududeeyay in uu si aan sagsaag lahayn u dhameysto tabobarkaas.

Tabobarkaas kadib, jaceylkii uu u qabay waxbarashada ayaa ku dhaliyay in uu sii horumariyo heerkiisa aqooneed. Mar kale ayuu magaalada Burco ka galay dugsi si uu u sii xoojiyo barashadii af Ingiriisida. Muddo sannadka wax yar ka waabsan ayuu Heerka dhexe (intermediate level) ee Ingiriisada kaga qalinjebiyay.

Intii hore ee noloshiisa, waxa uu si talantaalli ah isugu weydaaranayay waxbarasho iyo tababar ciidan. Kolkii uu dugsiga Burco ka aflaxayba, waxa uu haddana ka qayb galay tabobar kale oo laga furay magaalada Cadaadley. Cadaadley waxa ay kamid ahayd xeryihii Millatariga Ingiriiska, sida xeryihii Hargeysa, Burco iyo Gorayo-cawl oo kale. Tabobarkan danbe waxa uu si heersare ah ugu bartay layli-jidheed (physical training) iyo qaababka qoryaha kala duwan loogu dagaallamo. Waxa kale oo intaasba ka xeel-dheerayd oo tabobarkan lagu baranayay turjumidda eray-bixinta ciidanka, iyada oo laga soo beddelayay af Ingiriisi loona tebinayay af Soomaali. Dadka sida fiican u yaqaanay Kornayl Yuusuf Cabdi Oday iyo askarkatii uu soo tababarayba waxa ay si fiican u xusuusan karaan afsoomaaliyaynta eraybixinta ciidanka. Aan idiin tusaaleeyee, waxa uu caan ku ahaa oo mararka qaarkood laguba naaneysi jiray weedha ah: “Kamaan, kala-bood”.

12-kii Oktoobar ee 1961-kii oo uu tabobarkii Cadaadley u socdo ayuu dhacay inqilaabkii uu Xasan Kayd hoggaminayay. Inqilaabkaas oo ay wadeen 25 sarkaal oo ka tirsanaa ciidankii Soomaaliyeed, waa uu fashilmay. Bil iyo badh afgembigaas kadib oo ku aaddan dhammaadkii Feebarweri ee 1962-kii ayuu Yuusuf Cabdi Oday u wareegay magaalada Xamar.

Kolkii uu Muqdisho tegay iskama uu hawaarsane, waxbarashadiisii ayuu hore ka sii watay. Waxa uu galay dugsi uu Mareykanku Xamar ku lahaa oo la odhan jiray “Minimum Mission School”. Aqoontii uu dugsigaa ka baranayay waxa kale oo uu ka dhinac waday kooras isgaadhsiinta ah (telecommunication course). Labadaba waxa uu dhammaystay bishii Sibtember, 1963-kii. Sida aynnu sooyaalkiisa kore ka fahmaynno waxa uu hamuun u qabay kor-u-qaadidda heerkiisa waxbarasho gaar ahaan afafka iyo horumarinta aqoontiisa ciidan.

Laga soo bilaabo 1958-kii oo uu Hargeysa soo galay ilaa iyo 1968-kii oo uu ka qalinjebiyay dugsigii British Correspondence college oo xaruntiisu ahayd magaalada London laakiin xafiis ku lahaa magaalada Nayroobi, waxa uu karaariyaha u hayay waxbarasho iyo tabobar, Sooyaalkiisana waxa ka muuqata dedaal iyo hiigsi.

Raadraac iyo dib-u-eegid lagu sameeyay jaranjarooyinkiisii waxbarasho iyo firfircoonaantiisii hore ayay dawlaladdii Soomaaliya ugu dirtay waxbarasho Ruushka ah. Waxa loo qoondeeyay in uu soo barto aqoonta ciidan ee badda si uu uga mid noqdo ciidankii badda ee Soomaaliya “Somali Navy Force”. Ogos, 1968-kii ilaa dhammaadkii 1970-kii waxa waxbarasho iyo tabobar u waday ciidamadii badda ee Ruushka. Hagidda maraakiibta iyo is-gaadhsiinta ayuu si gaar ah ugu sii xeeldheeraaday. Dib ayuu ugu soo laabtay dalka, waxana uu firfircooni ka dhex muujiyay ciidankii dalka, taas oo keentay in 1972-kii loo qaato layli sarkaal (Cadet Officer). Mar labaad ayaa Ruushka dib loogu celiyay si uu u soo qaato tabobar ciidamada dhulka ah. Adeegsiga iyo hagaajinta Gaadiidka dhulka, ku-dagaalanka iyo furfuridda noocyada hubka ayuu jeerkan si fiican u soo bartay. Muddo saddex sano ah kolkii uu tabobarkan ku jiray ayuu soo gebogabeeyay 1974-kii, dibna ugu soo noqday waddanka.

Soo-noqoshadiisii kadib waxa uu tabobarro kala geddisan u bilaabay ciidamadii dalka. Waxyaabaha ugu waaweyn ee uu ciidamada ku tabobari jiray waxa ugu muhiimsanaa kuwan hoose:

 Is-gaadhsiinta ciidamadda guud ahaan. Ta badda iyo ta berrigaba.
 Furfuridda iyo ku-dagaalanka hubka kala duwan.
 Hagaajinta iyo dayac-tirka gaadiidka.
 Layliska jidheed (physical training).
 Af-celinta eray-bixinta ciidamada.
 Iyo guud ahaan shuruucda iyo aqoonta ciidan.
Muddo yar markii uu waday tabobaridda ciidamadaba waxa dhacay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya dhex maray 1977-kii.

Kornayl Yuusuf iyo dagaalkii 1977

Dagaalkaas oo soconayay July 1977-kii ilaa March 1978-kii, qayb libaax ayuu Yuusuf Cabdi Oday ka qaatay, isaga oo ka hawlgalayay aagga Goday. halgan adag iyo dirir qadhaadh ayuu ahaa dagaalkani oo Soomaalida qalbiyadooda ku suntan.

Isla 1978-kii waxa inqilaab qorsheeyay saraakiil ka tirsan kuwii dagaalka hoggaaminayay. Saraakiishaas oo ka biyo-diiday qaabka maamulka sare wax u maamulayay, waxa ay go’aansadeen in ay talada dalka gacanta ku dhigaan. Inqilaabkan oo qorshihiisu soo bilaabmay 1976-kii waxa ay saraakiishu la eegatay fursadda natiijadii dagaalka. Nasiibdarro, inqilaabki wuu fashilmay. saraakiishii ku lugta lahaydna waxa ay noqdeen danbiileyaal qaran oo madaxooda la raadinayo. Yuusuf Cabdi Oday, waxa uu kamid ahaa saraakiisha la raadinayay ee inqilaabka qayb ka ahayd. Kornayl Cirro oo ahaa ninkii ugu sarreeyay saraakiishii inqilaabka hoggaaminayay, Yuusuf Cabdi oday iyo laba Kabtan oo kale ayaa dhinac u wada baxsaday kadib markii ay maxkamaddii badbaadadu ku xukuntay dil.

Iyaga oo lugtooda maalaya ayay waqooyi afka soo saareen, wax ay soo socdaanba, kolkii ay Duqsiile meesha la yidhaahdo marayeen, ayaa la qabtay Kornayl Cirro isaga oo sigaar soo iibsanaya. Halkaas ayuu Col. Yuusuf Cabdi keligii ugu soo fakaday Waqooyi. Idiinkama sheekayn karo oo ma soo koobi karo wacdirihii iyo waayihii ka soo maray baxsadkiisaa oo kaliya, waayo waad garan kartaa sarkaal sare oo xukuumad millatari ahi raadinayso una aqoonsan tahay danbiile qaran. Dhamaan saraakiishii inqilaabkaa ku lug lahaydna wax la dilay iyo wax baxsaday ayay u qaybsameen.

Jabuuti, Sucuudiga, Eeraan, Turkiga, Giriigga, Faransiiska iyo Liibiya ayuu isaga tallaabay, isaga oo qaarkood ka shaqo-galay. Aqoontiisii isgaadhsiinta maraakiibta ayuu kaga shaqeeyay badda Mediterranean-ka, sidoo kale aqoontii uu gaadiidka u lahaa ayuu kaga shaqeeyay wershado gaadiidka lagu farsameeyo. Nolol kale iyo hir kale ayuu ka dhex heesay muddo dhawr sannadood ah.

Kornayl Yuusuf iyo SNM

Dhacdadii “Dhagax tuurka” iyo dhallinyaradii UFO ee 1982-kii ayuu warkeedu ku soo gaadhay isaga oo markaa jooga dalka Liibiya. Waxa kornaylku ku farxay in bulshadiisi dareentay wixii uu 1976-kii dareemay. Si degdeg ah ayuu uga soo baxay Liibiya. Sucuudiga ayuu u gudbay, kadibna Addis Ababa ayuu ka soo degay isaga oo diyaar u ah halgan iyo dib-u-xoraynta dalka. Waa ka haddana halkaa ka galay halgan kale iyo dagaal jabhadeed oo muddo dheer socday.

Kornayl Yuusuf Cabdi oday waxa uu ahaa tababarihii ciidamada SNM. Bilawgii aasaaska jabhadda ilaa dal-soo-galkii waxa uu gacanta ku hayay tababarka ciidamada. Marka tababarka laga yimaado waxa uu kamid noqday raggii ciidamadii Siyaad Barre wadnaha u galay. Waxay ula baxeen Abu-salca, iyagoo ka cabsi qabi jiray meesha uu soo galo iyo ciidankiisa. Wax uu halgankaasi socdana waa tii dalka la xoreeyay.

Kornayl Oday, waxa uu mar kale ka qaybqaatay dhismihii iyo aasaaskii ciidanka Soomaalilaand. Mujaahid baan ahay iyo xil baan doonayaa marna kumuu meehanaabine waxa uu guntiga u xidhay dhismaha ciidan qaran oo ah kan ay hadda Soomaalilaand ku naalloonayso. Ilaa maalintan dhaweyd ee xnuunku soo ritay waxa uu ku hawlanaa danta dalkiisa iyo dadkiisa.

Ugu danbayntii, waxa aan xusi lahaa in aan mujaahid Yuusuf Cabdi Oday la siinin derajadii ciidan ee uu xaqa u lahaa islamarkaana aan la marin wixii uu mudnaa, taasna kuma uu keliyaysane waa mid uu kala sinnaa rag badan oo jaadkiisa ah oo inta ay naf iyo maalba dalka u hureen haddana laga hormariyay soo-hangagaare goor danbe soo hambabaray. Si kasta ha ahaatee, Kornayl Yuusuf Cabdi waxa uu geeriyooday isaga oo waajibkiisii gutay, laakiin cidda aan gudan wixii uu xaq ugu lahaa waa innaga.

W/Q: Aadan D. Cabdilaahi (Aadan Cadde).

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Xog ku saabsan Afgenbegii 1961 Col, Xasan Faarax Bullaale: "Taariikh u baahan sixitaan iyo run ka sheegid"

Taariikhdu waa dhacdo ama arrimo dhacay xilliyo la soo dhaafay. Haddii aan wax laga qorin, lama ogaan karo taariikhdaasi sidii ay u dhacday. Mar haddii aan la kaydin arrimaha taariikheed ee dal iyo dad ba soo mara, waxa ay taariikhdaasi gashaa mugdi waxaanay yeelataa madmada w badan. Sida inbadani ka warqabto Somaliland waxa ka dhacay Afgenbi la isku deyey 1961kii, kaasoo lagu guuldarraysatay Dad badani xog kama hayaan, inkastoo ay noolyihiin xubno ka mid ahaa saraakiishii Afgenbigaa isku deyey. Kalhore waxa la waraystay Amb, Cawil Cali Ducaale oo ka mid ahaa saraakiishaas, xilligaasna ahaa xiddigle. Waxa uu Cawil qoray buug uu kaga hadlay wax farabadan oo uu u soo joogay, waxaana ka mid ahaa Afgenbigaas. Waana buugga la magacbaxay "Raad-Raaca Taariikh Soomaaliyeed"

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.