Fiiro gaar ah: Waxa igu dhiiri geliyey in aan maanta qormadan xasuus qorkaygii ka mid ah idinla wadaago, markt aan saaka akhristay qormo uu waayihiisii xasuuseed ee nolosha ka qoray saaxiibkeen Jamaal Cali Xuseen . ---------------------------------------------------------- Sac baa raaf dambe oo joogta ah igu hayey oo lugna baqaan ugu joogay lugna dirir. Maalin qudhana maan sii dayn waxbarashadii kulliyada Caafimaadka ee Jaamacada, inkastoo ballan qaadkii Wasaaraddii Gaashaandhigga, qaybteedii Marinka Soomaaliya iyo Safaaradii Talyaaniguba ay u ekaayeen qaar rumoobaya, haddana se duruustayda jaamacaddu siday ahayd baan u watay. Tiraba dhowr jeer ayey iska kay jiidheen xilliyadii imtixaannada iyo ballamahaba aan safaaradda iyo wasaarada ku lahaa oo ay iskaga kay dhaceen.
Artiklar som handlar om somaliska historien, kultur, böcker som skrivna somaliska ect. Ninba degeladiisiyo, degmaduu ku ababiyo docdii hooyadii buu dahab uu ku sheegaa.