Fortsätt till huvudinnehåll

Dhoofkii 1987 (Page 71-76) W/Q Maxamed Yuusuf Bidhiidh (Badda) 9/2019


Fiiro gaar ah: Waxa igu dhiiri geliyey in aan maanta qormadan xasuus qorkaygii ka mid ah idinla wadaago, markt aan saaka akhristay qormo uu waayihiisii xasuuseed ee nolosha ka qoray saaxiibkeen Jamaal Cali Xuseen. 

----------------------------------------------------------

Sac baa raaf dambe oo joogta ah igu hayey oo lugna baqaan ugu joogay lugna dirir. Maalin qudhana maan sii dayn waxbarashadii kulliyada Caafimaadka ee Jaamacada, inkastoo ballan qaadkii Wasaaraddii Gaashaandhigga, qaybteedii Marinka Soomaaliya iyo Safaaradii Talyaaniguba ay u ekaayeen qaar rumoobaya, haddana se duruustayda jaamacaddu siday ahayd baan u watay.  Tiraba dhowr jeer ayey iska kay jiidheen xilliyadii imtixaannada iyo ballamahaba aan safaaradda iyo wasaarada ku lahaa oo ay iskaga kay dhaceen.


Duruufta xilligaa joogtayna iyo intii aan ugaba soo joogayna intii aan koorsadan (course) helideeda daba socday may howl yarayn oo rafaad bay ahayd. Inta jeer ee la damcay in la iga reebo koorsada hadday hadal tahay iyo hadday ficilba noqotaba iyo siday waxbarashadaydii hore ee dhisnayd ii caawisay, siday safaarada talyaanigu hiil iigu noqotay ee ay wasaaradii gaanshaandhiga ugu suurtoobi weyday isku daygoodii reebidayda, inta jeer ee marmarsiiyo la iigu xidho la ii gaadhay ee rag waaweyn oo kornaylo ku labisani isku dayeen in ay i xidhaan. ”Ma adiga oo 26 june ka soo baxay oo reer hebel ah ayaad doonaysaad in aanu maanta qaranka kuu dirno” ma qiyaasi kartid, sheekana kuma dhamayn karo , inta jeer ee General Boodhe isagoon aqoon ii lahayn iiga hiishay taliyahii xidhiidhka dibbada ee wasaarada,midkiina ma qiyaasi karo, "Waar ilmahan yar iska daa inkaarane oo qayrkaa raadso ayaanan marnaba ilaabin".
Maalin qudha ka hor ayuun bayna ahayd markii marinku noo wareejiyeen qunsuliyadii talyaaniga ee aynoo sheegeen in aanu habeen dambe bixi doono fiidkii, raacina doono diyaaradii Somali Airlines tii. Baasabooradii iyo waxoogaay sahay ahna ay qunsliyadu na siin doonto. Barri subaxa horena iskugu nimaadno qunsilayada. Barqadiina imtixaankii biochimico ah oo waliba oralaha (afka lagaa weydiinayay) ayaan leeyahay, medicina hal maado lama aad gudbi karayn, haddaan dhaco ama aan seego galida imtixaankaa ama se airportka caawa layga soo celiyo xaalkaygu waa dhan walba seeg, iyo bariga dhexe.
Calool adayg iyo ku tuuntuunsi bay talo iigu soo urusrtay, iyo ilow iyo ilow waa in aad imtixaankaa baastaa. Walaalo qaali ah, saaxiibo rumaad oon medicina ku lahaana qayb bay ka ahaayeen,Kamaal Cabdilaahi Xuseen, Mustafe Calideeq -ba kow ka yahay, oo Dr piccolo ka yahay oo Dr Jibriil Ibaahim Ceelaabe ka yaha, iyo qaar kaloo badanba. Imtixaankii galay , Alle mahadi ha gaadhee igu astur oo baasay.
Balanteenu waa caawa iyo airportka ee shamdada uun soo qaata oo anagaa baasaboorka, tigidhka iyo sahayba airportka idinkula sugayna ee uga dambayn waa inoo sideeda iyo badhka ayaanu qunsuliyadii talyaaniga ku kala nimid duhuirkii. Qof dareenkaa i hayay uun uu soo maray, ayuun baa dareemi kara sheekadaydan, inaba sheeg-sheegid iyo sheeko kuma soo gudbin karo. Baqasho badan baa iga haysay in in la soo celiyo, sabab xaalada wadanku marayay xilligaa aawadeed , farxad baddana wey i haysay ooo Allaha iga kaxeeyay ee iiga dhameeyay nimankii ayaa mahad leh baan lahaa. Kolba xasuusta dhabta ah ee in aanay wali howshii dhamaan ee kolba aan hiq lahaana wey jirtay, iyo haddana sidaan isku caqli celinayay ee qalinka Alle u xasuusanayay iyo in qalinka Alle uun ay noqon doonto ayaan galabtii oo dhan u dhaxeeyay.

Waligay diyaarad maan raacin, Xasan Yusuf Bidhiidh oo iga weynaana Western geophisical oo CONOCO u shaqayn jirtay ayuu beryahaas uun, markuu engineeriya dhameeyayba uu Nugaal oo uu ka shaqayn jiray tagay oo Xamar ma joogo, shillin lacag ah oo la sheegana ma hayo, Mahdi Yuusuf Bidhiidh Fookarna qudhiisaa Lafoole ayuu dhigtaa oo isku jeeb baanu ahaynoo waxba ima dhaamo oo wuu qiiqayay.
Galabtii ayaan Habaryartay Siraad AHUN oo Xamar joogay soo maray, waxoogaa bay i soo siisay aan timahana iskaga soo yara xiiray, beer kabo ahna halkii ceel gaabtii ka soo iibasaday. Casar gaabkiiba asxaabtii medicina ayaan soo nabad gelyeeyey, intoodii baddanaydna kaasihii(Casa balbalare, Xamar)bay ii soo raaceen, shaahna ku wada cabnay makhaayadii Almis, iskuna sii nabadgelyaynay. Aakhirkiina waxaanu isku wada raacanay xagaa iyo makhayaadii Cagaaran ee Hodan, markaanu se shaneemadii kassaha hor marayno ayaa Axmed dheere oo aanu isku kalaas juun ahayn, saaxiibo dhowna ahayn iga soo hor baxay.
Nin xarago badan ayuu ahaaye suudh iyo tay bunni ah ayuu gashanaa, mabaan u kaadin ee waar Axmedow in aan caawa dhoofo ayaa laga yaabaa ee suudhka ii bixi taygana ii fur saaxiib.Kaftan iyo qosol ka dibna wuxu ii furay taygii, suudhkiina iiga dhaaray. Taygii sidaan u wad waday ee xidho is lahaa ayaanu makhaayadii Cagaaran ku galnay. Cashaynay waxaanan dib ugu soo noqonay kassahii (Casa Balbalare), si aan u helno baabuur i qaada ilaa airportkii. Cabdirisaaq Xirsi Cumar Jaah AHUN ayaa waxoogaa lacag ah i siiyay, balse baabuur kamaanaan helin, Mohamed Ali Bile ayaa isna sidoo kale waxoo kale oo lacag ah i siiyay, isna baabuur kama aanan helin. Cali xiis cabdi jaama Cali Xiis oo wata baabuur land cruiser ah ayaanu se nasiib wanaag isgoyskii kula kulanay, markaan u sheegayna si gobonimo leh ayuu u soo dhoweeyay. Wuu ogaa awalba in aan howshan ku jiro, iyo in aan bixi rabay, nugaal buuse ku maqnaa oo Xasan Yusuf bay wada shaqaynayeen oo fasax buu xamar ku yimid ayaamahan. 

Taygii oon isku guntay iyo shaadh gacma dheere ah oo madoow khafiif ah ayaan xidhnaa, iyo kabihii cusbaa, buudh madoow. Anoo is leh waar yaa koodh uun kuugu dara meeshaad ku socotaa koleey waa qaboobe, ayuu Xasan madoobe, oo ganacsiga ka baxay sanadkaa, oo ay Xasan Yusuf, walaalkay saaxiib ahaan jireen (Annigana berigii xarunta NSS -ta ee KM4 la nagu wada xidhay, eeg Anniga iyo Xamar) oo koodh madoow gashani makhaayadii nagu soo maray. Halkii baan Xasana koodhkii kagala baxay ” Waar Xasanaow , waar ind ii saar koodhka , kii xumaa ee Axmed oo koodh xidhan baa ii diidee, tay kaliyuu ii furee ii saar”, qosol iyo kaftana noo raac iina saar,” Waar bal taygana si fiican iigu xidh, iina xidh”. Sideedii oo wax la' ayaan shamdadii ka doontay hoygii kulliyada medicina.Qolka hoyga medicina,oon wada deganayn Dr Idris, Dr Ducaale iyo Dr Rashiid Xaashi sidii isku soo nabadgelyaynay ,horena waanu u baxnay, waa aniga , Cabdi Kayd, Cabdi Ibraahim iyo Cali Xiis. 
Airportkii Xamarna wax yar ka diba tagnay, waxaa na sugayay nin kornayl marinka ahaa iyo nin talyaani ah oo qunsuliyada talyaaniga aan ku baranay awalba, oo halkaa ka shaqayn jiray. Waanu isa sugnay intay shantaydiiba ka imanayeen, waa shantii qof ee aanu koorsada ku tagaynaye. Baasabooradii iyo tigidhadii ayuu noo qaybiyay. Nimankii aanu wada soconayna is nabad gelyeynay, gudihiina galnay. Waligayse maan dhoofine oo diyaarad caalamiya ma raacin, diyaaradba, cabsi badanina weli wey i haysaa oo malaha runba noqon mayso in aad caawa dhooftaa ayaa wer wer badan igu haysay.
Madmadow aad u badan ayaa igaga jira si ay wax u dhaceen iyo sidaan u galnay gudaha, waxaanse iga gu’i la' oo aan aad u xasuustaa iyadoo uu Cabdiraxmaan Maxamed Cumar oo ardaydii aanu koorsada wada tagaynay ahaa uu i leeyahay waar shamdadaa la wareejinaa ee "yaa leheey" la leeyahay tii aad sidaytay u eekaa, ma iyadiibaa?. Haayoo waa shamdadaydii, cayn ay u eekaydba dirqi baan ku xasuustay, waa taan jabuuti barigii ka soo iibsaday (eeg anniga iyo Jabouti). Show shamdadii halkii baan kaga soo dhaqaaqay, halkii uu tigidhka iigu dhiibay ninku ee meesha tigidhada lagu eego (counter) hortiisa, ka joogayna mid muu ahayne, taloow miyaanu i waydiinba shamdadaadii meeday.
Badawnimooy ba’. Haa, haa waa taydii, annigaa leh, iyo xageed kaga timid iyo mooyaan iyo fur hala baadhee. Furay, afar shay oo hunnaa' iigu jiray, manaa tirsanayayba, Ilaahow yaa mar uun meeshan kaa saaray iga taagnayde. Adigu furay, lana calaamadi, in la soo baadhay.Tag iyo waxan iminka aan bartay ee shamdadaha lagu dhajiyo, aduunbaaba sheegaya, xaasha. Kaadi baan baystay ahaa, show caawa oo layl mabaan xasuusan. Diyaaradii la gal, may kacdo dee, kolba qof baa soo galaya. kacday oo hawada galnay, dhagihii xanuunka, kacday bahashii, Alxamdulilaahi calaa salaama , maansha alaah, taloow miyey noqon, mayee noqon mayseee, sidaan iskugu maqnaa garawsaday in aan Xamar ka soo dhoofay. Alxamdulilaahi. 

Si kasta iskugu dayay in aan xasuusto qofkii i ag fadhiyay rag iyo dummar wuxu ahaa, ha ka yaabin, waxanse xasuustaa iyadoo kaadidii i gubayso oon isku kaadhsi gaadhay aan gabadh i ag taagnayd weydiiyay, waan ogaa in ay diyaaradu musqul leedahay oo filimadaan ka arki jiray balse dhan ay iga xigto maan garanayn ” Walaal mushqushii meeday ” oo ay si naxariis leh iigu tilmaantay in taa hore banaantahay. Waxay ahayd innan soomaliyeed oo hostis ahayd oo ka shaqaynaysay diyaarada. Subaxii, cabbaara toddobadii subbaxnimo ayaanu Fuomicina Airport ka soo dhaadhacnay. Waxay ahayd in aanu transit Alitalia ugu badalano oo Pisa tagno si aanu Accadamia Navale de Livorno u beegsano oo hoy noo noqon lahayn afarta sanno ee soo socda kuna baran lahayn Naval enginering.

Soo baxnay, cidna namay sugayn, malaha wey na ilaabeen, mise cidiba dan nagama ay galin. Talyaanigii medicina shaqayn waa, annigu waan fahmayaa waxay leeyihiin balse anniga ima fahmayaan, nimankii ila socdayna imaba dhaamaan, hadda xariif baan ahaa, ingiriisi iiska miciinsaday. Garanay in diyaaradii naga qaadi lahayd Fuomicina (airportka Roma) ee na gayn lahayn meeshay jaamacadaan u soconay ku taalay ee Pisa /Livorgno in ee Alitalia in ay mudaharaaday.Ok. Safraaradii la hadla, waa tanoo cidina namay qaabilin. Waar Taxi aynu raacnee maxaad haysaan, aboowe lire ma hayo, maad waad waalantihiin, sowdinkii Xamar ka yimid, may walaahi shilin ma hayo... Waad idiin soo sheeko dhaafee, sarkaalkii Marinada iyo ninkii talyaaniga ahaa shilling sahaydii la sheegayay xalay namay soo siin, annaguna , kolley annigu mabaan xasuusan. Dar Allay u gudhay, xataa " anche un solo centesimo per telefonare l'ambasciata" .. Waxay ahayd beryihii Roma iyo Vienna uu Abu Nidal qarxiyay ee dad badan ku laayay, isku socodka iyo dhaqdhaqaquna wuu adkaa.  

Xigasho: Buugga soo socda
W/Q, Maxamed Yuusuf Bidhiidh (Badda)

Kommentarer

  1. Waan qiirooday.Makhaayadii Almis iyo Cagaaran iyo waayo waayo iyo sheekada quruxdeeda.

    SvaraRadera

Skicka en kommentar

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.