Innaalilaah Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Geeridu waa Xaq. Cidhif gees ka gees Cawke waa laga yiqiin Carriga soomaale Saaka subaxnimadii hore, anigoo shaqada jooga, oo markaa uun soo galay 6:30 ayaan yara jalleecay qoraal ku qornaa Facebuugga, oo sheegaya geerida Axmed Xasan Cawke, oo ku geeriyooday magaalaga Jigjiga. Wax yar ka dib, qoraallo aad u badan oo tacsida xanbaarsan ayaa sida daadka meel kasta aan ka halacsaday. Maalin kasta waa la geeriyoodaa, ee maxaa kala jaad ah. Inta badan, qofka dad badan ay garanayaan, maqalka iyo hadal hayntu waa ay ka badataa qofka aan dad badani garanayn. Ilaahay ha u naxariisto, Axmed Xasan Cawke, oo xalay xilli danbe ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee Ismaamulka Soomalida Itoobiya.
Artiklar som handlar om somaliska historien, kultur, böcker som skrivna somaliska ect. Ninba degeladiisiyo, degmaduu ku ababiyo docdii hooyadii buu dahab uu ku sheegaa.