Fortsätt till huvudinnehåll

Mar Haddaan Muftaaxii Midigtaa ku Haysto" Xisaabtanka iyo Xaaladda Xisbiga Kulmiye

Xisbiga Kulmiye waa xisbiga dalka ka taliya. Xubinta ugu sarraysa ee xisbigu waa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed M Maxamuud (Siilaanyo). Waxa kaloo jira guddoomiyaha xisbiga oo ah Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa Maxamed Kaahin Axmed. Maalmahan danbe buuq joogsanwaayey baa dadkii ku dhegabarjoobeen. Yaab iyo amankaag, xaggee wax u socdaan? Afar musharrax baynu maqalnay oo guddoomiye Muuse ku jiro. Bilawgiiba saluuggii xisbiga dhexdiisa ayaa bilaabmay, meel xun ayuu markiiba gaadhay. Madaxweyne xigeenka oo isaguna markale u sharraxan ku xigeenkii uun ayaa dhaqdhaqaaqiisii muuqday. Waxa aan isweydiiyey, madaxweyne ku xigeenka yaa u diiday in uu markan isu sharraxo madaxweyne, mar hadduu soo maray ku xigeen, miyaanuu xaq u lahayn in uu dalka ka noqdo madaxweyne---mooyi.


Xaalku si kastaba ha ahaadee, dadkii masaakiinta ahaa waxa ay u kala hiilinayaan afar murashax, oo aan ilaa haatan la hayn barnaamij iyo talo waxa ay hayaan. Ku darsa'oo lamaba gaadhin doorashadii dadka ee waa tii xisbiga dhexdiisa. Haddaba maxaa ka dhexjira xisbiga? Wax cusub maaha, waa wax la wada qiyaasi karo oo ay kala mid yihiin xisbiyada kalena ee UCID iyo WADDANI. Ilama kala duwanna, waa dameer iyo labadiisii daan. Mar haddaan xisbi dhisan aanuu midna ahayn. Waxa aynu ku xiiqi doonna hebello.

Shalay Madaxweyne Siilaanyo waxa uu si cadho ah uga qaaday xilkii gacantiisii midig Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo muddo badan la soo shaqeeyey. Tan iyo xilligii xisbigu mucaaradka ahaa ayuu Maxamed garab taagnaa Axmed Siilaanyo. Waxa uu ku eryay waxaad taageertay Muuse Biixi. Maantana tiro aan la garanayn ayaa isku casishay in madaxweynuhu uu la saftay Muuse Biixi. Yaab iyo amankaag, goormuu madaxweynuhu saxanyahay, mise wax baa isbedelay?.

Dhammaan inta is casishay oo ay ka midyihiin Maxamed Biixi Yoonis iyo Xirsi Cali Xasan, waxa ay ku doodeen waa in golaha dhexe ee xisbiga caddaalad lagu tartamaa. Cabdicasiis Sammaale ayaa isaguna ka mid ah ragga aad u saluugsan tartanka ka dhici doona golaha dhexe ee Kulmiye. Maxaa laga baqay? Haa tirada golaha dhexe lama yaqaan!! Maya waa la yaqaan, laakiin, wax baa si ah. Muftaaxana waxa haysa Muuse Biixi Cabdi, oo ah tartame. Waa halkaa halka ku tusaysa tayo xumada Xisbiga Kulmiye. Xubnaha codaynaya ayaa guddoomiyaha xisbiga iyo ku xigeenku gacmahooda ku samaysanayaan, oo uu madaxweynuhu la oggolyahay. Ma halkaasaa halka beledu ka taagantahay? Mooyi---dee maahee way muuqataa!!

In badan oo taageersan in uu murrashax noqdo Muuse Biixi waxa ay u arkaan haddii uu waayo madaxweynenimada iyo haddii uu helo---labadaba waxa kursiga guddoomiyaha si toos ah loogu wareejinayaa Maxamed Kaahin Axmed oo isna calafkiisa ka qaadi doona goorteeda. Haddii Sammaale ama Maxamed Biixi ama Kijaandhe ama mid aan ahayn Muuse Biixi noqdo tartamaha madaxweyne, waxa muran geli doonna guddoomiyaha xisbiga Kulmiye. Si yarna loogama aadi karo Muuse Biixi. Waayo, Muuse Biixi waa la doortay ilaa uu dhammaysto xilkiisa kama tegi doono guddoomiyaha xisbiga Kulmiye. Sidaa awgeed in badani waxa ay la jecelyihiin Muuse biixi in uu tartamaha noqdo la tartami doona xisbiyada kale, wax hel iyo wax waa labadaba xilka guddoomiyaha bannaanka ayuu ka yahay.

Xisaabtu waa ay farabadantahay, oo dhufsane yare ay wadaagaan baa jira qolada is casishay. Xirsi, waxa la malayn karayaa in uu guddoomiyaha xisbiga u arko in loo tartamo goorteeda. Haddii Maxamed Biixi Yoonis ku soo baxo tartamaha madaxweynaha, macnaheeduna noqdo in guddoomiyhuna ahaado Muuse Biixi Cabdi, waa si sharci ah. Sidaa awgeed in halkaa isbeddel la doono oo loo tartamo guddoomiyenimada ayaa Xirsi iyo in kaleba ka muuqata. Haddii se Muuse Biixi noqdo ka u sharraxan madaxweyne, maalintaas ayaa ugu danbaysa ku muranka guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, oo waxa la sugi doonaa uun maalinta doorashadu dalka oo dhan ka dhacdo. Taasoo macnaheedu noqon doono in uu xilka guddoomiye wareejiyo Muuse Biixi Cabdi, bil dabadeed doorashadaas.

Saadaal kale ayaa odhanaysa, Sammaale iyo Kijaandhe waxa ay siin doonaan codadkooda Maxamed Biixi Yoonis oo iyagu ilaa tartanku bilaabmo kama tanaasulayaan. Wax kastaba ka yaab, waxaase kaba horreysa in shirku qabsoomi karo ama in shir loo dhanyahayba uu dhici doono. Dhaawacaasi waa mid maanta sahlan, berri ma sahlanaan doono oo belaayo ka hortag bay leeday ee ka daba tag mallaha. Guddoomiye Muuse Biixi iyo Guddoomiye xigeen Maxamed Kaahin, haddii ay midayn kari waayaan xubnaha xisbiga, xaggee bay u socdaan?

Xisaabuhu waa ay farabadan yihiin. Qofkastaana garaadkiisa ayuu cabbirayaa, laakiin innaga reebban caydu, aflagaadada, gaar ahaan shaqsi cayga. Waxa kaloo aan dareenkayga ku gebagabaynayaa, ilama aha in ay wax dhaamaan UCID iyo WADDANI waayo xisbi innooma dhisna ee magacyada ma hagaajisannaa?

Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed Dhegey
03-11-2015, salaasa

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.