Fortsätt till huvudinnehåll

Axmed Xasan Cawke IHN: "Cidhif Gees ka Gees Cawkeyare Waa Laga Yiqiin, Carriga Soomaale."

Innaalilaah Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Geeridu waa Xaq. 

Cidhif gees ka gees
Cawke waa laga yiqiin
Carriga soomaale



Saaka subaxnimadii hore, anigoo shaqada jooga, oo markaa uun soo galay 6:30 ayaan yara jalleecay qoraal ku qornaa Facebuugga, oo sheegaya geerida Axmed Xasan Cawke, oo ku geeriyooday magaalaga Jigjiga. Wax yar ka dib, qoraallo aad u badan oo tacsida xanbaarsan ayaa sida daadka meel kasta aan ka halacsaday. Maalin kasta waa la geeriyoodaa, ee maxaa kala jaad ah. Inta badan, qofka dad badan ay garanayaan, maqalka iyo hadal hayntu waa ay ka badataa qofka aan dad badani garanayn. Ilaahay ha u naxariisto, Axmed Xasan Cawke, oo xalay xilli danbe ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee Ismaamulka Soomalida Itoobiya. 




Axmed waxa uu ahaa weriye caan ah. Waxa aan odhan karaa, waxa uu ahaa weriyihii ugu caansanaa ee soomaalida soo mara. Waxa uu gaadhay magaciisu in loo bixiyo qof kasta oo codkarnimo lagu astaynayo. Waxa aan xasuustaa sannadihii 1983kii ilaa 1985kii oo aan ku jiray dugsiga sare ee 15 Mey oo ku yaallay magaalada Muqdisho, waxa ardayda ka mid ahaa, wiil lagu naanaysi jiray CODKA. Naanaystaasi waxa ay ka soo jeedday CODKA CAWKE, oo marka la soo gaabiyona noqonaysa Codka. Magacaas ayaa uu inankaasi ku magacdheeraa. Waxa kaloo aan garanayaa, Axmed Abokor Maxamed oo ku magacdheer Cawke. Waxa magaca loogu bixiyey weriyaha Axmed Xasan Cawke. Waxa laga yaabaa tiro badan oo soomaali ah in magacaa laagu magacdaray Axmed Xasan Cawke.



Qoraalkan kuma eegayo taariikh-nololeedkiisii, oo waxa laga yaabaa in badan oo garanaysaa in ay taa innala wadaagi doonaan. Waxaanse jecelahay in aan waxyar ka taabto, afar arrimood oo maankayga ku yaalla laga soo bilaabo yaraantaydii. Waxa aan jeclaystay in aan la wadaago dhallainyarada maanta joogta ee magaciisa iyo muuqiisaba arkay, laakiin laga yaabo in aanay garanayn halka ay ku aroorto caannimada iyo jacaylka Cawke. Waxa aan garaadsaday, bilawgii toddobaatanaadkii, iyada oo idaacadda Muqdisho, marka uu warka sheegayo Axmed Xasan Cawke ama barnaamij kaleba la yidhaahdo Cawke-yare. Taasoo ku tusaysa in uu da'yaraa marka uu bilaabay weriyenimada. Bal haddaba aan oraalka ku soo koobo afar xusuusood oo aan hubo in inbadani ila xsuusantahay.



1. Warka: - Marka uu warka sheegayo, waxa la odhan jiray war muhiim ah ayaa jira, mar haddii Cawke sheegayo warka. Waxa laga yaabaa, in aanuu warkuba muhiim ahayn, waxaase uu soo jiidan jiray dhegaha dadka oo dhan. Waxa uu adeegsan jiray erayo, uu u xulay, isagoo ku iidaamaya codkarnimo. Qaabka uu warka u sheegi jiray, warka uu sheegayo waxa uu dhegahaaga u geli jiray, si yaab leh oo aad fahmayso erayga uu ka bilaabay iyo ka uu ku dhammeeyey.



2. Barnaamijkii Imaqashii i madadaali: Barnaamijkan, haddaanan qaldanayn, inta badan waxa la sii dayn jiray shanta galabnimo. Waxa la sugi jiray inta barnaamijkaasi ka soo gelayo, oo reerka haysta Reedhyaw, ayaa loo soo dhawaan jiray. Dadku Reedhyawga ma wada haysan, laakiin dad badan waxa caawin jiray Meheradaha oo dallici jiray barnaamijkaas, gaar ahaan Makhaayadaha oo lagu soo ururi jiray. barnaamijkaasi wuu ka dad-badnaan jiray BBC-da sidii berigii danbe loogu soo ururi jiray. Inta ku garaadsatay barnaamijkaas iyo intii markaaba garaadka lahayd waxa ay ku xasuusan yihiin oo ku suntan Imaqashii i Madadaali Axmed Xasan Cawke (Cawkeyare).



3. Dagaalkii 1977: Dagaalkii inna dhexmaray Itoobiya, waxa uu ahaa weriye, codkiisu uu ka xoog badnaa madaafiicdii la isku ridayey. Waxa aan xusuustaa erayo u gaar ahaa Cawke. Taliska nacabka ah, taliska Naxashka saaran, taliska tiisii dhammaatay. Laga yaabaa erayadan in weriyeyaal kale bilaabeen, waxaanse qiyaasayaa in codka Cawke ay ku ahaayeen kuwo u dhigma gantaallo, lagu ridayey cadawgii berigaas. Warka ka sokow, faallada oo gebi ahaan ku saabsanaan jirtay dagaalladaas 1977-1978kii waxa inta ugu xiisaha badan ee loo dhegtaago akhriyi jiray ama soo diyaarin jiray Axmed Xasan Cawke.



4. Ciyaaraha: marka kubbada cagta lagu ciyaarayo garoomada ayuu Cawke si toos ah u soo tebin jiray, waxa uu caan ku ahaa in uu kiciyo dareenkaaga xiisaha kubbadda. Waxa uu abuuri jiray hab aad u fahamto kolba halka kubbadu marayso. Waxa uu si fudud u qaybi jiray ciyaartoyga magacyadooda, isagoo marmarka qaar ku dari jiray qaylo iyo sawaxan ku sii xiise geliya----xataa haddaanaad labada kooxood ee cayaaraya midna taageersanayn, dhegaysiga Cawke iyo tebintiisa ayaa ku gelin jiray dhegtaag iyo yaa goolkaa dhaliyey.



Afartaa qodob ee aan tilmaamay, maaha sagaashanaadkii ee waa siddeetamaadkii horraantoodii iyo wixii ka horreeyey. Waxa aynu odhan karnaa bilawgii todobaatanaadkii ilaa bilawgii siddeetamaadkii ayaa magacan, Cawke uu cirka sare gaadhay. Maaha intii uu BBC-da joogay, mana aha intii uu Universal iyo Tv-yadan casriga ah ka ahaa weriyaha. Xilliga lagu astaynayaa Cawke, maaha maanta oo uu ahaa 72 jir, waa xilli hore, waa mar uu da'yaraa, oo loogu yeedhi jiray Cawkeyare. Ilaahay ha u naxariisto, aamiin, dhammaan qoyskii, qaraabadii, asxaabtii iyo bulshada soomaalida oo dhan meel kasta oo ay joogaanba, samir iyo iimaan. Ilaahay jannadii Fardawsa ha ka waraabiyo aamiin.



17-11-2015 salaasa

Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey)
Iswidhan/Stockholm

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.