FG: Qoraalkan waxa aan qoray: 12-10-2004/Stockholm/Sweden . Waxa lagu soo qoray baraha Internetka qaar ka mid ah, gaar ahaan barta "Somaliweyn.com. Maanta 15-08/2016, ayaan meel kula kulmay, sidaasaan ugu soo daabacay degelkan. Waa xilligii xukuumaddii Daahir Rayaale, dhinaca Somaliland. Dhinaca Soomaaliyana xilligii IHN, Cabdillaahi Yuusuf Axmed -------------------------------------------------------------------------------------------------- Qoraalkayga waxaan ku bilaabayaa magaca Ilaahay, ee naxariista, mid gaar iyo mid guud. Bismillaahi Al-Raxmaani Al-Rraxiim. Intaa kabacdi, waxaan salaamayaa bahweynta Soomaaliyeed iyo bahda daaddihisa golahan "Somaliweyn". inta badan waxa halkan lagu soo bandhigaa dareenka dadka oo qofkastaa ceesaantiisa ayuu ceelka keenaa. Mid caytamaya (dumarku ma caytamaan) ee waa ragga, mid talinaya, mid doodaya iyo noocyada bulshada oo dhan ayaa isku haleela golahan. Inkastoo aanaan in mudda ah haleelin qalinka iyo dareenk...
Artiklar som handlar om somaliska historien, kultur, böcker som skrivna somaliska ect. Ninba degeladiisiyo, degmaduu ku ababiyo docdii hooyadii buu dahab uu ku sheegaa.