Waxa fashilmay habkii dimoqraaddiga ahaa ee curdinka iyo socod baradka ahaa ee Somaliland. Tuurta iyo qoriga caariddiisa ayaa la saaray distoorkii waddanka oo gacanta u galay dad aan xilkas ahayn oo awooddii qarannimo u adeegsanaya si ku-takrifal iyo jawrfal ah oo weliba ah cid aan ahayn ciddii loo igmaday ee laga la xisaabtami lahaa. Xaruntii golaha wakiilladu waxa ay noqotay shalayto gole hanuunineed oo hugun iyo durbaanno ka yeedhayaan oo haween ka mashxaradayaan. Waxa hantidii qaranka lagu nugleeyey hankii xildhibaannada oo lagu kellifey in ay calooshooda oo keliya wakiillo u noqdaan.
Artiklar som handlar om somaliska historien, kultur, böcker som skrivna somaliska ect. Ninba degeladiisiyo, degmaduu ku ababiyo docdii hooyadii buu dahab uu ku sheegaa.