W/Q: Axmed Ibraahin Cawaale; aiawaleh@gmail.com Socdaalkaygii saddexaad ee aan Turkiga ku tegay waxa uu maalintaydii labaad (24/2/2018) i mariyay, Qasriga Dolmabahche. Mahadda waxa leh wiilkayga Farxaan oo igu baraarujiyay daawashada dhismahan yaabka leh. Waxa dhisay Suldaan Cabdulmajiidkii koowaad ammintii u dhexaysay 1843-1856. Waxana uu ahaa Xaruntii Madaxtooyada Dawladdii Cismaniyiinta ammintii u dhexaysay ammintii u dhexaysay 1856-57; 1909-1922kii. Waxa ku baxday dhismaha hanti u dhigantay (2013kii) 1.5 Bilyan oo dollar (ama 1500 milyan) waxana la sheegaa in mashruucaasi cidhiidhi geliyay miisaaniyaddii Imbaraadooriyadda. Dhismaha dhererkiisu waa ilaa 600 oo mitir, waxana uu ku fadhiyaa baaxad dhuleed 220,000 mitir oo wareeg ah.
Artiklar som handlar om somaliska historien, kultur, böcker som skrivna somaliska ect. Ninba degeladiisiyo, degmaduu ku ababiyo docdii hooyadii buu dahab uu ku sheegaa.