Faallo kooban: Buugga Dhaxal Abwaan Sooyaalkii Suugaanta Abwaan Dheeg "Waxay bisadi jiir uga shakiday eey shay kale u moodey Shalaytaba way cunaysaye waxay maanta uga shaacday". W/Q, Sayid-Axmed Dhegey
Maalintii Khamiista ee taariikhdu ahayd 18 Okt, 2018 ayuu gacantayda soo galay buugga "Dhaxal Abwaan". Waxaan uga mahadcelinayaa saaxiibkay Maxamed Xirsi Guuleed oo buugga qoray isaga oo uu ku wehelyo Aadan Daahir. Buugga maansooyinka ku jira way farabadanyihiin waxaanse si gaar ah u xiisaynayey in ay kaydka abwaanka galaan heeso dhawr ah oo dadku aad u jeclaa sida: Beri hore waxa jirey, ee ay ku luuqeeyaan Maryan Mursal iyo IHN, Maxamed Jamac Joof iyo heesta kale ee Sida Canabka beeraha, ee IHN Maxamed Axmed iyo Magool ay ku luuqeeyaan. Kuwaa iyo kuwo kaleba waa dhaxal.