Waxay ahayd xilli aad loo hadalhayey dagaaladii buuralayda Sheekh ee dhexmaray ciidankii xukuumaddii Maxamed S Barre iyo ciidankii SNM oo markaa uu hoggaaminayey Ibraahin Cabdillaahi Xuseen (Dhegaweyne) 1984kii. Dagaalkaa oo Dawladdii markaa jirtay ku noqday halxidhaale aan la furfuri karin ayaa meelkasta laga hadal hayey. Inkastoo dad badani aanay ka warqabin wixii dalka ka dhacayey oo is gaadhsiintu aad u liidatay ama aan la oggolaynba in arrimahaas laga hadlo, ayaa waxa dhacday arrin meelkasta laga maqlay oo aan la qarin karin.
Artiklar som handlar om somaliska historien, kultur, böcker som skrivna somaliska ect. Ninba degeladiisiyo, degmaduu ku ababiyo docdii hooyadii buu dahab uu ku sheegaa.