Goor habeennimo ah ayaanu maqalnay rasaas dhacaysa, meel ku beegan saldhigga booliska ee degmada Sheekh bay ahayd. Saacadda waxaan ku qiyaasi karaa ilaa 7-8 habeenimo. Dadka dhegta ayaa taagnayd oo waxa la ogaa xukunkii maxkamaddii badbaadadu ku riddey dhallintii UFO ee reer Hargeysa iyo kacdoonkii ardaydii dugsiyada ee arrintaa ka gadooday. Waxa kale oo dareen weyn uu ka jiray dhinaca ciidamada dawladda oo inta badan dhibaato u geysan jirey dadka shicibka ah. Waxa beryahaa jiray wax la odhan jirey RAAF oo ahaa in dhallinyarada lagu qasbo ciidamada, oo tusaale ahaan marka lagaa soo qabto miyiga magaalada Sheekh lagu geeyo Baydhabo duleedkeeda si aanaad dib ugu soo noqon. Dhinaca koonfurtana waxa looga yaqaannay QAFAAL.
Artiklar som handlar om somaliska historien, kultur, böcker som skrivna somaliska ect. Ninba degeladiisiyo, degmaduu ku ababiyo docdii hooyadii buu dahab uu ku sheegaa.