Fortsätt till huvudinnehåll

Xusuus Qor: Hiilkii Dugsigii Sare Ee Sheekh 25 feb 1982kii

Goor habeennimo ah ayaanu maqalnay rasaas dhacaysa, meel ku beegan saldhigga booliska ee degmada Sheekh bay ahayd. Saacadda waxaan ku qiyaasi karaa ilaa 7-8  habeenimo. Dadka dhegta ayaa taagnayd oo waxa la ogaa xukunkii maxkamaddii badbaadadu ku riddey dhallintii UFO ee reer Hargeysa iyo kacdoonkii ardaydii dugsiyada ee arrintaa ka gadooday. Waxa kale oo dareen weyn uu ka jiray dhinaca ciidamada dawladda oo inta badan dhibaato u geysan jirey dadka shicibka ah. Waxa beryahaa jiray wax la odhan jirey RAAF oo ahaa in dhallinyarada lagu qasbo ciidamada, oo tusaale ahaan marka lagaa soo qabto miyiga magaalada Sheekh lagu geeyo Baydhabo duleedkeeda si aanaad dib ugu soo noqon. Dhinaca koonfurtana waxa looga yaqaannay QAFAAL.


Markii rasaastii dhacday ayaa qaylo iyo sawaxan aanu maqalnay, ma ogin waxa dhacay. Laakiin markiiba warkii baa soo kordhay, in ardaydii dugsiga sare ay qabsadeen saldhiggii booliska iyo inay dhammaan sii daayeen baabuurtii u kala socotay Burco iyo Berbera. Habeenimadii farxad baa lagu seexday. Dadku way cabudhsanaayeen, waxaanay u ahayd rejo. Waxa kale oo ay u ahayd muujin hiil loo hiilinayey ardaydii la xidhxidhay ee Hargeysa.

Subaxnimadii 26 feb 1982 oo sida uu i xasuusiyey Cabdinajiib Bayac, ayaanu sidii caadiga ahayd soo galnay dugsigii sare ee Sheekh. Ardayda dugsiga dhigata waxay u qaybsanaayeen laba qaybood, qayb u hoyata, hoyga dugsiga iyo arday aroortii soo gala, kana rawaxa. Ardaydaas ayaan ka mid ahaa, fasalka koobaad ee dugsiga sare ayaan ku jiray. Waxaanu soo galnay xayndaabkii Dugsiga oo askari ku wareegsantahay. Askarta lagu wareejiyey waxa laga soo qaaday xerada millteriga ee Sheekh.

Fasalladii baanu galnay. Muddo bil ah ayuu bandoo ahaa Dugsiga sare ee Sheekh. Ardaydu kamay soo bixi jirin, ciidan baa ku wareegsanaa. Maalintii danbe waxa yimi maamulkii gobolka togdheer oo aan cidi ka maqnayn. Waayo Sheekh waxay ka tirsanayd gobolka togdheer sidaa awgeed baa maamulkii gobolku u yimaaddeen. Hanjabaad iyo wax waano u egba waa loo kala danbeeyey. Hanjabaadda ugn badani waxay ka socotay xagga ciidankii booliska, inkastoo millteriga laga ammaan sheeganayey taliyihii xilligaa oo lagu naanaysi jiray Kharash Yare, haddana kollayba dareen aan fiicnayn baa laga qabay ciidamada oo dhan.

Ardaydu way habaysnayd, oo waxay kala lahayd hoggaan. Waxa aan xasuustaa Dacwi (IHN dhawaan buu geeriyooday)  iyo Beled oo ahaa ardaydii hoggaanka ahayd, gaar haan hawlgalkaas. Waxa kale oo aan xasuustaa qudbaddii IHN, Cabdiraxmaan M Jaamac (Qodax) ee uu lahaa ardaydu ha isku duubnaato. Waxaasoo dhammi waxay ahaayeen hiil la la garabtaagnaa ardaydii Hargeysa iyo xukunkii foosha xumaa ee ku dhacay dhallintii UFO. Dugsiga sare ee Sheekh waxa uu tebeyey ardaydii Burco iyo Berbera, laakiin umay suurto gelin oo wax dhaqdhaqaaq ah may samayn. Waxa aan xasuustaa Burco waxay u suurto gashay 01 Mey 1982 oo ay muddaharaad aan ku koobnayn ardayda dhigeen. Waana markii la soo xidhxidhay odayaashii reer Burco ee la geeyey Mandheera.

FG: Berigaa facebuug ma jirin, warkuna cidhiidhi buu ahaa oo BBC-da ayaa waxa ka dhaca Burco ama Hargeysa laga suga jiray. Maanta warku waa xaami ilaa cidhbaha ah. Sidaa awgeed waxaan ogahay inay facebuugga soo fadhfadhiyaan ardaydii berigaas oo maanta odayaal ah, dee bal ila baaciya, oo dareenkii xilligaas iyo magacyada aan naanaysta ku soo gaabiyey ii saxa. Gaar ahaan Muj, Xasan-Kayd C. Xuseen oo maalmahaa sigtay, markii uu ka booday derbigii dugsiga sare.

Goobjoogayaashii maalmahaas xusuutiina soo gudbiya.

Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed Dhegey
Sweden khamiis, 21 feb 2019


Kommentarer

  1. Waa qormo taariikheed aad uqiimo badan runtii kumahadsanid runtii

    SvaraRadera

Skicka en kommentar

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.