Fortsätt till huvudinnehåll

Faallo: Buugga Qaran iyo Qabiil Laba aan is Qaban "Kulli Fidma Cinda Geel" W/Q, Sayid-Axmed Dhegey






 Buuggan waxa qoray Rashiid Sh Cabdillaahi oo ku magacdheer Gadhweyne. Rashiid dad badan baa garanaya oo weliba ku xasuusta inuu yahay waaya-arag ruug-caddaa ah gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo bulshada. Sidaa awgeed waxa uu inbadan wax ka qoray arrimaha bulshada, siyaasadda iyo suugaantaba. Waxa aan u aqaan anigu abwaan, maanso uu tiriyeyna maan maqal. Tirinta maansada laguma noqdo abwaan, waa sida aan u haysto ereyga “abwaan”. Abwaan waxa aan u dhigi karaa erayga “filasoofi”. Intaa haddaan hore u sii dhaafo, buuggan aan faallada kooban ka bixin doono, waxa uu gacantayda soo galay, 10 maalmood ka hor. Waxaan uga mahadnaqayaa saaxiibkay Xasan C. Madar oo maalmahaas noogu yimi Stockholm. Xiise gaar ah ayuu ii lahaa magaca buuggu iyo sida uu qoraagu u sharxi doonno. 


Waxaan xasuustaa hees ay ku jirtay “Ummadyahay Qabiil iyo Qaranimadu waa laba, aan is qaadi karinoo weligood is qabanayn” Erayadaa hal-abuurkii tiriyey waxaan malaynayaa Xasan X Cabdillaahi (Ganey) mase hubo. Qofkii erayadaa iyo midhaha lahaa qofkii  garanaya, ha inoo soo gudbiyo. Buuggan magaciisuna, halkaa kama foga. Wuxuuse dheer yahay baadhitaan, xaqiiqooyin ku qotoma oo uu qoraagu aad u baadhay. Isagoo la kaashanaya waaya-aragnimadiisa, Ilaahay ku soo simay wakhti uu kala fahmi karo qaladka ku qotoma dawlad la’aanta soomaalida. Waxa aan la kulmay si aad u heersarraysa oo qoraagu uu uga hadlay Qabiilka iyo Qabyaaladda. Hore uma arag qoraa sidan oo kale u sharxay, dhibaatada soomaalida haysata, ee soo jireenka ahaydna la xidhiidhiya tolliimada iyo hiilada reerguuraaga xoolodhaqatada ah. Buuggu waxa uu ka kooban yahay 178 bog, waxa uu soo koobayaa sooyaal iyo xilliyo aad u kala fog sida: Qarniyadii hore, kuwii dhexe ilaa Q-19aad. Waxa uu qoraagu, baadhitaan ku sameeyey sooyaalkii hore ee soomaalida, habdhaqankeedii, dhismayaashii bulshada, deegaankii soomaalida iyo sida ay ilaa maanta isugu midka tahay, habkii hiilka iyo tolliimada oo aan lahayn bardhammad. Waxaad mooddaa in arrinka tolka iyo hiilku uu yahay sidii halkudheggii “Kulli Fidmo Cinda Geel” oo aynu odhan karno (Kulli Fidmo Cinda Qabiil)

Waxa uu mar kasta ku xasuusinayaa, halka sartu ka xumaatay inaanay ahayn, hebel ama kooxo ee ay tahay habdhaqanka soo jireenka ah oo wax kasta ka hor joogsada dadka iyo horumarkooda. Waxaad isweydiin kartaa sidee horumarka loo diidi karaa? Waxa uu si yaab leh kuugu sawirayaa, sida aanay marnaba soomaalida dhexdeeda uga suurta-gal ahayn in ay u dhisanto dawlad dhexe. Waxa uu farta kuugu fiiqayaa, inaanay soomaalidu marnaba yeelan qaran lugo ku taagan. Waxa laga yaabaa inaad tidhaahdo, “dee horeba intan waynu u ogayn”, waxaanse qabaa sidan qotoda dheer ee uu ka soo bilaabay Qabiil iyo Qabyaalad oo in badan la kala saaro ayuu si sax ah kuugu sharxayaa inaanay kala bixi karin.

Meel Qabiil jiro Qabyaaladina way taallaa. Waxa kale oo aan runtii aad uga faa’iiday erayga Qabiil oo aan horeba isu weydiin jiray in aanuu ahayn sax marka laga hadlayo soomaalida ee buugaagta qaar lagu qoro “tribe” oo looga jeedo Qabiil. Waxa hubaal ah inaanay soomaalidu ahayn “tribes” ee ay tahay reero. Tusaalayaasha uu qoraagu soo qaadanayo waa ay farabadan yihiin oo ka geyoon maysid, waxaanse kaaga soo qaadi meelo kooban, oo tabanaysa qofka soomaaliga iyo maankiisa ama garaadkiisa iyo garashadiisa nolosha ku xeeran. Maaraynta nolosha oo ay lagama maarmaan u tahay wax wada lahaansho ummadeed iyo sida dadka soomaalida ay qariib ugu tahay wax wada yeelashadu. 

“Dhaqanka raacatada, Soomaaliga marka uu gardarro tirsado, ceeb buu u yaqaan in cid kale loo ashtakoodo. Haddii ashkato la la soo qaado, Soomaaligu inta uu is dhufto ayuu yidhaa: “Oo miyaan ka baqayaa?!” …bogga 28-aad

Hordhacan waxa aan ugu sameeyey, anigoo jeclaystay buugga inaan si faallo ah oo aanay ka madhnayn aragtidayda aan ka qabo tusaalayaasha iyo sawirrada uu qoraagu ka bixiyey dadka soomaalida, oo aan inta badan la qabo. Sidaa awgeed qoraaladu si aanay u dhaadheeraan Ayaan u kala jebin doonaa qaybo. Waxaan ku soo gebagabayn doonaa, codsi iyo talo aan u hayo qoraaga. Taladu ma aha tii aan abwaan siin lahaa, ee waa dareenka aan anigu u leeyahay Rashiid Gadhweyne oo aan ogahay inuu wax badan u soo joogay. Ilaahay cimriga iyo caqligaba u barakeeyo. Dhawrkii cutubba waan is raacin doonaa oo qoraal kooban baan ka diyaarin, haddii Ilaahay yidhaa. 

Qabiil ama tribe

Sida uu wax ka taabanayo qoraagu isagoo raadraac samaynaya soomaalida lama odhan karo waa qabaa’il. Waayo qabiilku wuu ka ballaadhanyahay reeraha soomaalida. Waxaaba la odhan karaa soomaalida oo dhan baa qabiil ah. Inkastoo qoraagu uu sharraxaad dheeraad ah oo uu ka soo xigtay bulsho-yaqaankii caanka ahaa ee Lewis, waxa uu ku soo koobay, in erayga “clan” oo ingiriisi ah  ama cashiirah oo af carabi ah aynu u adeegsan karno reearaha soomaaliyeed. Taasi waa dhanka erayga Qabiil oo uu si kooban inoo dareensiiyey sida aanu u ahayn eray afsoomaali ah oo aynu markiisa horeba macnihiisa fahmaynay. Waxa kaloo aad la kulmaysaa marka uu sharxayo Qabyaalad, oo uu inoo sheegayo in aanuu eraygaasi ku jirin adeegsigii reerguuraaga xooladhaqatada soomaalida. Balse uu soo galay adeegsiga Qabyaalad iyo ha dhacdo xilliyadii gobonimo doonka iyo qiiradii soomaalida ee ku abaabulnayd saancaddaalihii dalka maamulayey. Qabyaaladdu ha dhacdo waxa ay markii danbe u soo wareegtay maamulkii soomaalida oo eraygii waxa uu macno yeeshay markii la dhisay jamhuuriyaddii Soomaalida 1960-kii.

Geela iyo Habdhismeedka Dawladeed

Markan waxa uu qoraagu si fiican uga warramayaa aragtida lahaansho ee qaranku leeyahay. Qaranku waxa uu leeyahay hanti ma guurto ah oo dhulku kow ka yahay iyo inta la la xidhiidhin karo. Qofka soomaaliyeed waxa ay hantidiisu ahayd xoolaha nool, sidaa awgeed ayuu u raadin jirey biyo iyo baad. Gaar ahaan geeljirenimadu, waxa ay ahayd ta ugu badan soomaalida, nolosheeduna ay ku tiirsanayd abtirsiinta iyo hiilada reer-tolkii. Geela waa la soo dhacayey ama waa lagaa dhacayey. Taasoo noqotay in qofka soomaaliga ahi, mar kasta uu dirir u taagnaado. “Lugna baqo lugna dirir”. Qaybtan waxa uu si gaar ah u sii tilmaamayaa inaan geeljire yeelan karin qaran uu u hoggaansamo. Geelii reer hebel ama Geelu waa tolley!! Halkan ayey ku soo arooraysaa dareenka qofka soomaaliga ahi inuu ilaaliyo hantida reer hebel ama wax ha ku qabo ama yaanuu ku qabine, waa fooqii ama hudheelkii reer hebel. Waa marka geeljirihii ama reerguuraagii soomaaliyeed magaalo soo degey.

Nabadda iyo Soomaalida.

Nabaddu waa wax loo wada baahanyahay noolaha oo dhan ayaa u baahan. Haddaba bani’aadamku waxauu samaystay xeerar iyo xakamayn ay u hoggaansamaan. Xeerarkaasi waxa dheer in bulshadu tahay mid u hoggaansan aaminaaddooda diimeed. Soomaalidu waa dad muslin ah oo muddo dheer soo ahaa. Xeerarka Islaamka inta muhiimka ah way yaqaanneen, laakiin waxa ka xoog badnaa habdhaqankooda reerguuraanimo. Tusaalahaa ayuu buuggu si deggen oo aqooni ku dheehantahay uu uga warramayaa. Waxa uu tusaalayaal u soo qaadanayaa: “Nabad iyo Caano, Nabad baa caano macaan”.

Maadaama oo aan idhi faallo kooban baan ka bixinayaa buugga, aan soo kobo cinwaannada ugu muhiimsan ee buugga ku jira oo uu mid kasta sidiisa u sii dhexgelayo. Rashiid Sh Cabdillaahi, waxa uu isku deyey in uu si ka duwan sida caadiga ah ee hadalka loo qoro aanuu u qorin buuggan. Waxaana ka muuqata eraybixinno qoraaga u gaar ah ama uu u doorayo weedh kasta halka ay ka bilaabanto ilaa halka ay ku dhammaato. Xataa Cinwaannada waxa aad arkaysaa in uu eray ama laba eray oo uu isku xidhay u dooray.

-      Sillansuganta Colaadda iyo Nabadda
-      Qaranimoseegga Raacatada Soomaalida
-      Toogada Qaran
-      Xorriyad iyo La’aanteed
-      Fikir iyo Farsamo
-      Bulsho Dawlad la’aaneed
-      Dawlad Dawlad la’aaneed

Itaasuun maaha cinwaannada iyo qaybaha buuggu waa ay ka badan yihiin ee tusaale ayuunbaan u soo qaatay. Qaybaha waaweyni waa shan qaybood oo mid kastaaba cinwaanno gooniya leeyahay oo ka sii farcama. Sooyaalka soomaalida ee uu mid kasta halkiisa ugu tegey waxa ka mid ah. Boqortooyadii Ajuuraanka, Dagaalkii Daraawiih iyo Maxamed Cabdulle Xasan, Soo geliddii reer Yurub iyo xaaladdii ay soomaalidu ku sugnayd, magaalooyinka xeebaha iyo xaaladdooda nololeed sida Muqdisho, Marka iyo Saylac. Bal markan aan inyar ku hakado sida uu miisaanka u saaray dagaalladii Daraawiish iyo Maxamed Cabdille Xasan. Waxa uu marka hore qoraagu si heer maangal ah u sheegayaa inay jiraan laba dhinac oo isku liddi ah, oo midna aad u taageersan yahay Daraawiish iyo Hoggaamiyaheedii, oo uu dadka ka soo horjeedayna ku tilmaama “Gaalo-Raac) iyo qaybta kale oo ka dhigaysa tuug iyo budhcad aan wax ujeedda ah lahayn. Labadaba gaar buu isaga riixayaa qoraagu, waxa uu lafta iyo cadka u kala saarayaa xaaladdii dadku ku noolaa. Qof ahaan hankii iyo himiladii Maxamed C Xasan iyo sida ay ula muuqatay inuu dadka ku hanto, oo aan ka badbaadin habkii reer guuraaga xooladhaqatada soomaalida. Taasoo aan marnaba lagu hanan karin bulsho maankeeda, waana ta ilaa maanta taagan.

Soo geliddii reer Yurub

Halkan waxa aan aad uga helay habka uu u dhigay, oo aan inta badan la soo hadalqaadin. Taasoo aan ku gaabsanayo, in tusaale ahaan Ingiriisku markuu dhulkeenna soo galay, uu nasteex u noqday, kuna kala badbaadeen maamulkiisii. Halkaa markaan marayo, inbadan u cuntami mayso, laakiin Rashiid Sh Cabdillaahi, si aan weligayba aaminsanaa ayuu ii sii xaqiijiyey oo ah laba arrimood. 1. Dadka soomaalida waxa ka dhextaagnaa colaado aan dhammaad lahayn. Colaadahaas oo sii xumaan jiray marka ay abaari jirto oo dad badani ku madhan jireen miyiga, gaajo iyo harraad, maadaama oo ceelkii uu col ka fadhiistay. Safarrada ayaa iyaguna aan nabadgeli jirin. 2. Xabashida uu xilliyadaa go’aansatay inay xeebta soo taabato, awood soomaalidu ku celiso may lahayn. Waxaana ay soo gaadheen oo qabsadeen Jigjiga ilaa dhinaca koonfureed, iyagoo yoolkoodu yahay Berbera iyo Saylac ayaa heshiisyadii ay beelaha soomaalidu la gashay Ingriis uu dhacay. Labada aa arrimoodba badbaado ayuu u ahaa Ingiriisku. Laakiin, sannadadii soddomaadkii ilaa kontomaadkii ayaa kacdoonka gumaysidiidka, xammaasadda waddaninimada, soomaalinimada ay cirka isku shareertay. Maadaama oo nin saancaddaale ah lagu jihaysnaa waxoogaa, midnimo aan fahamkeeda la hayn iyo ha inna dhaafo saancaddaaluhu ayuunbaa la isku raacsanaa.  

Arrimahan marka uu qoraagu ka warramayo, waxa uu mid walba u soo qaadanayaa tusaale ama tusaalayaal is barkan. Ma aha inuu maanka soomaalida yasayo, ee waa xaqiiqo aad maanta u hayso caddayn. Dhibaatada soomaali haysata dhawr siyaabood baa loo tiriyaa. 1. Qaybi waxay tidhaahdaa, soomaalida waa loo tashaday oo saancaddaalihii iyo Xabashida ayaa u tashaday, oo diin ahaan ayaa sidaa loogu galay. 2. Qayb kale ayaa tidhaahda, saancaddaaluhu waxa uu sii rabbaystay dad uu kaga tegey dhulka soomaalida oo midabka inoo eg laakiin wakiil u ah saancaddaalihii. Inta badan waa la sheegaa qabiilka iyo qabyaaladda, laakiin waxa laga dhigtaa wax kolba sidii la doono lagu macnaysto. Tusaale ahaan waxa la odhanayaa hebel baa qabiiliiste ahaayoo xilligii uu xukunka hayey ayuu wax kharribay ama xilligii gobonimodoonka soomaalidu waxay ahaayeen dad wanaagsan oo isku duuban ee intan danbe ayaa la kharribmay. Mar kale ayaaba la yidhaa, xilligii Siyaad Barre Qaran baynu ahayne, jabhadihii ayaa wax kharribay. Kolba meel baa loo saaraa, laakiin buuggani meel keliya ayuu sabab ka dhigayaa oo tusaalaynayaa. Haddii loo maaro waayo tolliimadaa abtirsiinta ku aroorta, ha sugin Qaran Soomaaliyi samaysan karto.

Haddaad doonto miisaanka saar Qaranka Somaliland. Ma Qaran jirabaa mise waa Dawlad Dawlad’laaneed? Dawladda Dawlad la’aaneed waxa lagu gartaa kolba qofka madaxda noqda ayaa loo arkaa reer hebel, mar hadduu ka soo jeedo reer hebel reer hebelka kale kuma qanacsana. Geela la iskuma darsan jirin, ee waa la kala dhici jiray. Dawladnimaduna waxa ay ku jirtaa halkii geela!. Waxa aan ku soo afmeerayaa tusaale uu qoraagu u soo qaatay qofka soomaaliga ah sida tolliimadu ka dhigtay. 

” Sheeko hiddoodda reeraha ee ku saabsann nin isbiday aad bay u badan yihiin. Qolo waliba sheekadeeda nafta ayey ku hafartaa oo way ku faantaa, wixii hebelkoodu uu dad ku falay, umana aragto gardarro iyo faldhagareed. Ha yeeshee, geesta kalena, ninkani ma laha shakhsiyad qof ahaaneed oo tiisa u xor noqda, waayo masuuliyaddii falkiisa ayaa laga korqaaday oo reer tolkii loo nisbeeyey. Falka haddii aan masuuliyadi raacin, xornimo kuma sal yeelan karo. Mar haddii aan loo raacaynin falkiisa (Waxa uu sameeyo) iyo waxa ka yimaadda, ka ma duwana dhaqdhaqaaqa xayawaanka. Neefka xoolaha ah ee daaqay beer nin leeyahay la ma weydiiyo khasaaraha uu geystay ee lahaagiisa ayaa loo raacaa. – Ninyahaw lo’daada beerta deriskaaga ka cesho—iyo hebelkiinna gardarroonaya ceshada. Labadaba waa la yidhaahdaa, waayo waxba kuma ka la duwana.” boog 65-aad.

Qoraalkan sare ayaa dhammeeyey, oo si qof kastaa isweydiin karo u dhigay. Ugu danbayn, waxa aan inyar ka odhanayaa buugga iyo meelo kooban. Inkastoo aanan ahayn naaqid naqdiyeya buugga waxaan inyar saluugay cinwaannada oo aan si habaysan ugu qornayn halkii loogu talo galay, una haybaysnayn hab cinwaan ahaan ama cinwaanyareba ha noqdee. Waxa kaloo aan buugga kula kumay qalad ah Dariiqada Sheekh iyo inay ka soo jeeddo Qaadiriya. Bogga 105-aad.

Taasoo aan filayo inuu ka soo xigtay qoraagu buug kale, laakiin aan ku tuhunsanahay inaan cid uga dhaw sixitaanka qaladkaas aanuu jirin. Balse waa laga yaabaa in aanuu xogtaas hayn. Waxa jiray laba goobood oo keliya oo Dariiqada Axmadiya ay saldhig ku yeelatay oo kala ah; Xaaxi oo Oodweyne duleedkeeda ah iyo Degmada Sheekh. In uu Maxamed C. Xasan gubay Dariiqada Sheekh waa ay ku taallaa, oo waxa la sheegaa inay u qaxeen dhinaca buuralayda galbeedka ka sii rogan, meel ku dhow Laasa-Dacawo ayey muddo dheer deggenaayeen. 

Qoraa, Abwaan Rashiid Sheekh Cabdillaahi (Gadhweyne) waxa aan leeyahay hambalyo, waxaad bilawday hab iyo tubtii loo raadin lahaa dhibka soomaalida haysta guud ahaan. Isla markaana loo heli lahaa xal looga gudbo abtirsiinta tollayda iyo tolanaha aan bar dhammaadka lahayn. Sidaan ku bilaabay, taladaydu, waa in aad qorto buug ku saabsan noloshaadii. Waxa aan sidaa u leeyahay, waxa aan ogahay inaad ka mid tahay dhallintii ku kacaantay dedaalkii in la helo qaran soomaaliyeed, balse ku hungoobay. Taasoo soo martay maraaxil kala jaad ah. Waxa aan odhan karaa: 1. Yaraantaadii iyo dugsiyadii hoose, dhexe ilaa sare. 2. Shaqooyinkaagii ugu horreeyey, gaar ahaan xilligii kacaankii halkudhegyada fiicnaa. 3 Jabhadayntii .4 Qurbaha. Intaasoo qaybood waxa ku dhexjirta taariikh is beddelaysay iyo aragtiyo aad kolba si wax u arkaysay, oo aan isleeyahay ugu danbayn waxaad ogaatay inaan soomaalidu sinaba u samaysan karin Qaran lugo ku taagan, haddaanay tolliimada iyo abtirsiinta si uga wareegin. Taasi waa iga codsi iyo talo guud ahaaneed.


Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed Dhegey
06/02/2019 Sweden

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.