Fortsätt till huvudinnehåll

Dharaarihii tilmaannaa. " Taariikh muhiim ah oo ku saabsan geyiga soomaalidu degto"

http://farshaxan.com/His_Somaliland/Dharaarihii_Timaanaa/Dharaarihii_Tilmaannaa_9.mp3

Barnaamijkan kor ku xusan waxa soo diyaariyey bahda Farshaxan. Waxa inoo daadihinaya weriye Cabdisalaan Cumar Jeex (Abuhurayra). Waa barnaamij aad u qiimo badan, waxa uu iftiiminayaa wax farabadan oo aan hore loo faahfaahin. Sida SYL oo la odhan jiray SYC bilawgii, waxa mudan in la fahmo bilawga SYL iyo xubnihii markii danbne hoggaanka qabtay in ay kala jaad yihiin kala aragtina ahaayeen. U fiisro, haddii SYL ay la dagaalamaysay gumaysigii, maxaa soo celiyey talyaaniga? Waxa soo celiyey isla talyaaniga ayaa ka shaqeeyey in SYL ay noqoto, mid isaga ka amar qaadata. 

Ma odhan karnaa SYL baa xornimada dhalisay dhinaca Somaliya? Bilawgii dhallinyaradii is abaabushay, waxa ay ka midaysnaayeen in maamul la samaysto, laakiin markii danbe hoggaanka SYL waxa la wareegay xubno oggolaa talyaaniga iyo maamulkiisa, waana sababta soo celisay talyaaniga, isla markaana ka dhigtay in dawladda talyaanigu noqoto, saaxiibka koowaad ee jamhuuriyaddii Soomaalida 1960kii. Wax badan oo aan laga hadli jirin baa u baahan baadhitaan xor ah.

Fu'aad iyo Abuhurayra iyo bahda Farshaxan waxa aan leeyahay mahadsanidin, taariikdu dadkay hagtaa, hanuunisaa.

Sayid-Axmed M Yuusuf (Dhegey)
21/09/2013 Iswidhan


Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto. 

Maxamed Xaashi Dhamac "Gaarriye" ----- "Dhaxalkuu ka tegey, Waa inoo dhigaal" Q-1aad

Geesibaa Dalkeennii ka go'ay, Gaadhka hayn jirey dheh Gal noo irmaanaan jiraa Gudhay Digaalow dheh Madi Geyiga wada Deeqi jirtuu Geeljirii tebey dheh Gobkii midhaha laga goosan jirey Gaarriyaa baxaye. Halyey lagu goblamay baa Dhintaye, Calamadaw gaabsha. ....................Faarax Murtiile/London/ Uk 2012