Fortsätt till huvudinnehåll

Dharaarihii tilmaannaa. " Taariikh muhiim ah oo ku saabsan geyiga soomaalidu degto"

http://farshaxan.com/His_Somaliland/Dharaarihii_Timaanaa/Dharaarihii_Tilmaannaa_9.mp3

Barnaamijkan kor ku xusan waxa soo diyaariyey bahda Farshaxan. Waxa inoo daadihinaya weriye Cabdisalaan Cumar Jeex (Abuhurayra). Waa barnaamij aad u qiimo badan, waxa uu iftiiminayaa wax farabadan oo aan hore loo faahfaahin. Sida SYL oo la odhan jiray SYC bilawgii, waxa mudan in la fahmo bilawga SYL iyo xubnihii markii danbne hoggaanka qabtay in ay kala jaad yihiin kala aragtina ahaayeen. U fiisro, haddii SYL ay la dagaalamaysay gumaysigii, maxaa soo celiyey talyaaniga? Waxa soo celiyey isla talyaaniga ayaa ka shaqeeyey in SYL ay noqoto, mid isaga ka amar qaadata. 

Ma odhan karnaa SYL baa xornimada dhalisay dhinaca Somaliya? Bilawgii dhallinyaradii is abaabushay, waxa ay ka midaysnaayeen in maamul la samaysto, laakiin markii danbe hoggaanka SYL waxa la wareegay xubno oggolaa talyaaniga iyo maamulkiisa, waana sababta soo celisay talyaaniga, isla markaana ka dhigtay in dawladda talyaanigu noqoto, saaxiibka koowaad ee jamhuuriyaddii Soomaalida 1960kii. Wax badan oo aan laga hadli jirin baa u baahan baadhitaan xor ah.

Fu'aad iyo Abuhurayra iyo bahda Farshaxan waxa aan leeyahay mahadsanidin, taariikdu dadkay hagtaa, hanuunisaa.

Sayid-Axmed M Yuusuf (Dhegey)
21/09/2013 Iswidhan


Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Maalinta afka iyo Suugaanta Soomaalida ee Xaafadda Rinkeby 14-05-2016 Sabtida

Haddii aad xiisayso afka iyo suugaanta Soomaalida, fadlan nagala soo qaybgal barnaamij xiiso badan oo 14 bishan Mey lagu qaban doono guriga ummadda ee xaafadda Rinkeby. Barnaamijkan ayaa ay marti noogu yihiin qorayaal, afaqoon iyo cilmibaadhayaal ku hawlan afka iyo suugaanta Soomaalida. Martida maalintan nagala soo qaybgali doonta waxa ka mid ah Morgan Nillsson oo ah macallin afka Soomaaliga ka dhiga jaamacadda Göteborg, ahna cilmibaadhe ku hawlan taariikhda iyo habdhismeedka afka Soomaaliga. Kulankan waxa uu Morgan sharaxaad ka bixin doonaa kooraska afka Soomaaliga ee uu jaamacadda Göteborg ka dhigo. Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa afka Soomaaliga iyo duruufaha ku xeeran maata.

Faallo!..."ladh" Buug Cusub Oo Uu Qoray Cabdillahi C Cige

Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey — Sweden — 7 September, 2005 Markaad aragto buugga laftigiisa, ayaad garanaysaa in buuggani uu ka duwanyahay buugaagtii hore ee afsoomaaliga ku soo bixijirtay. Qaabka buuggu u qoranyahay waa qaabka loo qaabeeyo sheekooyinka "Novel-ka" loo yaqaan. Waxaad dareemaysaa in dadka soomaalidu ku tallaabsadeen, jidkii muddo dheer kasoo xidhnaa. Kaasoo ah qoritaanka sheekooyinka, ku qotoma qaababka nolosha banii'aadamka. Intaa haddaan ku dhaafo qaabka buugga. Waxaan xasuustay faallo uu ka bixiyay Ibraahin Yusuf Axmed "Hawd" buuggan la magac baxay "Ladh. Mudane Hawd wuxuu ku soo gunaanaday maqaalkiisii "qoraaga buuggan qoray, haddii buuggani yahay kiisii ugu horreeyey oo maxay noqon doonaan kuwa soo socdana."