Fortsätt till huvudinnehåll

Sheeko Gaaban: Isagu wuu Fikiray!

Cidla aanu ci’ xolaad iyo cod dad midna ka soo gaadhayn ayuu salka ciidda saaray. Dabadeed sidii oo uu leeyahay dhulka, cagihiisii dhaadheeraa ku kala fidiyay isaga oo gacmahana gadaashiisa ciidda saaray. Indhihiisa caddaanka u dhashay, ee aanu waligood saxar taaban, ayuu ku fiiqayey cirka oo saafi aawadii badda u egaa. Kolkaas na nafis xoog leh ayuu dareemayey.


Raaxo kasta ku jir, marley ma waydid cid ku qasta oo tashuush kugu furta, kol ay ku tahay naftaada. Waxa uu xasuusanayaa waayo hore warkood. Waayahaas hore ma fikiri jirtay ayuu iswaydiinayaa? Haddii aad fikiri jirtay maxaad  ka fikiri jirtay? Ma qof nool oo aan fikirin ayaa jira? Maya, cid waliba waa ay fikirtaa laakiin, waxa laga fikirayo ayaa kala gaddisan ayuu isugu jawaabay. Laakiin sidee ayey u kala duwanaan karaan? Sida garaadka dadku u kala duwan yahay. Qaar aan garaad lahayn oo dad ah ayaa jira saw maaha? Kuwaasi maxay ka fikiraan? Maya dadku garaad waa wada leeyahay, laakiin heerarka garashada qofka iyo hir arraggoodu waxa  ay leeyihiin xidhiidh toos ah. Midkood oo kordha ama hoos u dhaca  ayaa sababa ka kale in uu hoos u dhaco  amma kordho.
     Su’aalo kale ayaa maskaxdiisa u soo baratamay oo uu ku mashquulsanyahay! Adigu barigii aad yarayd maxaad ka fikiri jirtay? Markii aad yar waynaatay maxaad ka fikiri jirtay? Laakiin imika lafteeda na maxaad ka fikirtaa?. Maya horta inta aanad iswaydiin kuwaas, wax kasta oo aad ka fikiri jirtay sidee ayaad uga fikiri jirtay? Waxa aad uga fikiri jirtay si le’eg ama la cabbir ah sidii garaadkaagu ahaa. Oo maxaa lagu garan karayey inta uu garaadkaagu le’ekaa? Ma qof ayaa garan kara qof kale garaadkiisu inta uu le’egyahay? Taas ka hor, maxaa  dadka qaar loo dhahaa hebel waa mid garaad yar? Cidda qiimaynaysa ayuu halbeegga garashada qofku toos ula xidhiidhsamayaa. Laakiin ka warran haddii qof garaad yar marka loo eego bulsho garasho badan oo aqoon badan, uu dhex yimaad ummad aan garaad lahayn oo isagu u sandheer yahay? Markaas na isaga ayaa garasho dheer! Haa, halbeegga garashada qofku waa hadba halka uu joogo.
    Haddaba ma jiraan dadka wax lagu qiimeeyaa? Hadba sida uu qofku isku qiimeeyo ayuun baa qiimihiisu yahay. Laakiin ka warran qof aan qiimo lahayni haddii uu islaweyni qaado, qofkaasi miyuu noqonayaa ama lagu sheegi karaa qof qiimo leh oo qaddarin mudan? Kaasi waxa uu ka qiimo sarreeya ka qiimaha leh ee cid kale ku qaddariya midab ama hayb! Haa tusaale ahaan, ka Soomaaliga ah ee sharafta leh, ee aqoonta bartay ee garaadka badani, haddii uu qof ajaanib ah oo laga yaabo in uu dibjir yahay ku qiimeeyo afkiisa iyo diirkiisa, kaas dibjirka ajannabiga ah ayaa ka fadli badnaanaya kan aqoonyahanka Soomaaliga ah.
   Horta fikirka ayeynu ka hadlaynay’e maxaa innoo geeyay ajannabi iyo maan gaab iyo baddan kale? Acuudu billaah, waa waswaas iyo shaydaan malaha! May ama aha ee waa u kas, may malaha waa wax kale. Waayahay ee fikirka maxaa tusaale loo soo qaadan karaa? Laakiin tusaalaha ka hor in la fikiraa ma wax fiican baa? Sida uu qofka garaadka lihi uga dheeraad leh yahay kan maskaxda fadhiidka ah leh, ayuu qofka fikiraa uga garaad badan yahay ka aan fikirin. Markaas saw jawaabtu ma cadda. Waayahay, bal tusaale u keen fikirka adigu? Ninkii ciidda ku fadhiyey ee cidlada fadhiyey ee cirka daawanayey ee qoraalkeennani ku bilaabmayey halkee ayeynu kaga nimid? Imika halkee ayeynu joognaa? Inta u dhaxaysa maxaa dhacay? Ma fikir baa mise …?

Sheeko Gaaban: Isagu wuu fikiray!
W/Q: Saddaam Carab

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto. 

Maalinta afka iyo Suugaanta Soomaalida ee Xaafadda Rinkeby 14-05-2016 Sabtida

Haddii aad xiisayso afka iyo suugaanta Soomaalida, fadlan nagala soo qaybgal barnaamij xiiso badan oo 14 bishan Mey lagu qaban doono guriga ummadda ee xaafadda Rinkeby. Barnaamijkan ayaa ay marti noogu yihiin qorayaal, afaqoon iyo cilmibaadhayaal ku hawlan afka iyo suugaanta Soomaalida. Martida maalintan nagala soo qaybgali doonta waxa ka mid ah Morgan Nillsson oo ah macallin afka Soomaaliga ka dhiga jaamacadda Göteborg, ahna cilmibaadhe ku hawlan taariikhda iyo habdhismeedka afka Soomaaliga. Kulankan waxa uu Morgan sharaxaad ka bixin doonaa kooraska afka Soomaaliga ee uu jaamacadda Göteborg ka dhigo. Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa afka Soomaaliga iyo duruufaha ku xeeran maata.