Fortsätt till huvudinnehåll

DUGSIYADAN DAMBE MA SAXAN YIHIIN? W/Q, Amiin Xasan Cabdi.


Dugsiyadan danbe waxay haatan shaqadoodu yihiin ardaygi wax baraan oo ay sidaasi ku dhaafaan. Ardaydan danbe waxaa ka dhiman waxyaalo aad u badan, ardayda ardaydeenii wali ma yaqaanaan habka wax loo akhristo, habka wax loo qoro, sidoo kale habka ugu muhiimsan ee dugsiyadeena laguna arag oo ah {}.,?”:;-.







Ardaydii waxay odhanayaan wax baan naqaana laakiin se ma yaqaanaan, waayo macalimiintii bari lahaa waxay noqdeen mushahar sugayaal. Waxyaalaha sidoo kale wadankeena lagu arkay waxaa ka mid ah in dugsiyadeenii ay maclinka ku shaqaalaysiinayaan waji, waxaa jira macalin habeenkii loo soo diyaariyo habeenkii wuxuu ardayda berri u dhigaayo, Oo uu imtixaankii ardayda uu ka qaadaayay loo soo diyaariyo. Haday noqoto sixista ardayda imtixaanaadkoodii uu qalad halkaas ka imaanayo qaladkaasina wax kale maaha ee waxa weeyaan ardaygii xariifka ahaa iyo ardaygii hooseeyay ma kala saari karo laga yaabaa inuu sixista ku nasiibiyo oo uu arday walba natiijo qaldan siiyo ardaygii dib u eego.

Waxaa sidoo kale macalimiinta dugsiyadeena ee ah mushahar sugayaasha aan u sheegi lahaa in ay ardayda si wacan wax u baraan, waxaa jira macalimiin ardaygii u diraaya laylis ardaygii waa ka shaqeeyay mcalinkani wuxuu saxayaa jawaabti qaladka ahayd ardaygii waxaa uu moodaayaa inay sidaasi sax ku tahay wuu qaadanaayaa, imtixaankii marka la gaadho jawaabtii qaldanayd ee uu macalinkeenu uugu saxay ayuu ku qoraayaa, dabadeed imtixaankii wuu kaga qaldaayaa sidaasuu ku imaanaya muran.

Dugsiyadeenan danbe waxaa hoos u dhac ku yimid luuqadeenii hooyo ee af –soomaliga. Waxay awooda saaraan luuqadihii kale, waxaad arkaysaa nin wayn oo kasoo baxay secondry ama primary oo aan luqadii soomaliga aan waxba ka garanayn. Waxaa aynu sidoo kale aragnaa in ardayda tarbiyadoodu hoos u dhac aad u wayni ku yimid oo la yasay diinteenii, ardaydan danbe qaarkood mucjisooyinka lagu arkay waxaa ka mid ah in ay cay ay qof ku caayaan {ILAAHEENII INA ABUURAY,NABIGEENA MUXAMED ,IYO DUIIINTEENII SUUBANAYD} waxaan ku baraarujin lahaa in ay tarbiyada ay kor u qaadaan oo ay wax walba ka horaysiiyaan.

Waxaan dugsiyadeena wax barasho ee dalkeena ku baraarujin lahaa

1: In ay ardaydeena diintooda kor loo qaado oo la dhiso sida guriga loo dhiso oo wax walba laga horaysiiyo.
2.In ay ardaydeena af-soomaligooda kor u qaadaan.
3: In ay ardaydeena ka dhisaan sida uu wax walba ay u qaadanayaan kuwan {}?.,-:;”’
4: In ay ardayda daacad u noqdaan oo ay dhisaan aqoontooda
5: In ay macalinka ku shaqaalaysiiyaan aqoontiisa oo aanay ku shaqaalaysiin waji.

Qalinkii: Amiin Xasan Cabdi Madar

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Maalinta afka iyo Suugaanta Soomaalida ee Xaafadda Rinkeby 14-05-2016 Sabtida

Haddii aad xiisayso afka iyo suugaanta Soomaalida, fadlan nagala soo qaybgal barnaamij xiiso badan oo 14 bishan Mey lagu qaban doono guriga ummadda ee xaafadda Rinkeby. Barnaamijkan ayaa ay marti noogu yihiin qorayaal, afaqoon iyo cilmibaadhayaal ku hawlan afka iyo suugaanta Soomaalida. Martida maalintan nagala soo qaybgali doonta waxa ka mid ah Morgan Nillsson oo ah macallin afka Soomaaliga ka dhiga jaamacadda Göteborg, ahna cilmibaadhe ku hawlan taariikhda iyo habdhismeedka afka Soomaaliga. Kulankan waxa uu Morgan sharaxaad ka bixin doonaa kooraska afka Soomaaliga ee uu jaamacadda Göteborg ka dhigo. Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa afka Soomaaliga iyo duruufaha ku xeeran maata.

Faallo!..."ladh" Buug Cusub Oo Uu Qoray Cabdillahi C Cige

Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey — Sweden — 7 September, 2005 Markaad aragto buugga laftigiisa, ayaad garanaysaa in buuggani uu ka duwanyahay buugaagtii hore ee afsoomaaliga ku soo bixijirtay. Qaabka buuggu u qoranyahay waa qaabka loo qaabeeyo sheekooyinka "Novel-ka" loo yaqaan. Waxaad dareemaysaa in dadka soomaalidu ku tallaabsadeen, jidkii muddo dheer kasoo xidhnaa. Kaasoo ah qoritaanka sheekooyinka, ku qotoma qaababka nolosha banii'aadamka. Intaa haddaan ku dhaafo qaabka buugga. Waxaan xasuustay faallo uu ka bixiyay Ibraahin Yusuf Axmed "Hawd" buuggan la magac baxay "Ladh. Mudane Hawd wuxuu ku soo gunaanaday maqaalkiisii "qoraaga buuggan qoray, haddii buuggani yahay kiisii ugu horreeyey oo maxay noqon doonaan kuwa soo socdana."