Qofka dedaalka badan, had iyo jeer wuu ka dhex muuqda bulshada. Waxaase lagu eegaa laba indhood oo kala taggan. Qofbaa ku eega indho togan oo dedaalka qofkaas ayuu kol kasta ku farxaa oo u duceeyaa. Isha kale waa mid taban oo mar kasta ka naxda qofka dedaalaya. Labada indhood waxa kala saari kara dadka. Dhibaatada inna haysata inta badan waa innaga oo aan sheegin qofka dedaalka badan, ee weliba dedaalkiisu aanuu kala go' lahayn, ee aan dan gaar ah ku wadan, ee aan dhaqaale ku qabin. Muuse Maxamuud Ciise (Dalmar) Waxaanu is barannay muddo haatan laga joogo 8 sannadood, waxaanse dareemaa in aanu isnaqannay in ka badan 20 sannadood. Sababtoo ah, xidhiidhka aanu lahayn muddadaa 8 sannadood ah ayaa ka badan 20 sannadood. Xogogaalnimada aan u ahay hawlaha uu inta badan wado ayaa igu dhiirrigeliyey in aan qoraalkan idiin soo gudbiyo.
Artiklar som handlar om somaliska historien, kultur, böcker som skrivna somaliska ect. Ninba degeladiisiyo, degmaduu ku ababiyo docdii hooyadii buu dahab uu ku sheegaa.