Fortsätt till huvudinnehåll

Kulankii Bandhigga Buugga Duco-Qabe Iyo Bulshada Reer Stockholm 29-04-2017

Maalintii Sabtida ee taariikhdu ahayd 29/04/2017 oo loo ballansanaa bandhigga Buugga Duco-Qabe oo ah buug lagu soo ururiyey Sooyaalkii IHN, Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, ayaa la isugu yimi Guriga Dadweynaha ee xaafadda Rinkeby ee magaalada Stockholm. Bilawgiiba waxa cod-baahiyaha uga mahad celiyey ka sooqayb galayaashii bandhigga Guddoomiyaha Ururka "Somali Nordic Culture" Muuse Maxamuud Ciise (Dalmar). 



Eraygaa soo dhawaynta ka dib, waxa hadal kooban oo furitaan iyo aayaadka Qur'aanka Kariimka ah ku bilaabay Maxamed Xaaji Ismaaciil, oo ka mid ah odayaasha reer Stockholm. Waxa uu Maxamed ku tilmaamay Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal inuu ahaa nin dad iyo dal aqoon ahaa, taasoo qofka hoggaamiye noqonaya looga baahanyahay.


Suldaan Gadhyare, oo isagu buugga soo akhriyey ayaa si heer sare ah u dhexgalay buugga iyo waxa uu ku saabsanyahay. Waxa uu si gaar ah u tilmaamay Qoraaga buugga qoray, Xasan Cabdi Madar oo uu ku tilmaamay in uu yahay nin u qalma in loogu yeedho Qoraa sare. Waxa uu taa ku sababeeyey in uu qoraagu iska ilaaliyey wax been noqon kara ama aan la hubin meesha laga soo xigtay. "Wax kasta xigashadeedii ayuu bayaaminayaa qoraagu. Buugguna waa buug loogu talo galay in Jaamacadaha laga dhigo. Sidaa waxa yidhi Suldaan Gadhyare, oo sii faahfaahiyey buugga iyo qaybaha uu ka koobanyahay. Waxaanuu yidhi: "Waxa uu ka kooban yahay Siyaasad, Hoggaamin, Nabadayn, Soyaal qof-ahaaneed iyo Taariikh guud.





Sayid-Axmed M Yuusuf ayaa isaguna baal kale iska taagay soo gudbintii buugga Duco-Qabe. Waxa uu soo qaatay codadkii laga duubay bilawgii 1960, ee uu kaga warramayey in Xornimadii la isla meeldhigay dawladdii Ingiriiska, weftigii Xamar tegey 1957kii, oo uu Cigaal ka warbixinayey, 7-10-1969 oo uu Cigaal Qaramada Midoobay kaga dooday in wax laga qabto Qaddiyadda Falastiin, lana aqoonsado dalweynaha Shiiinaha.

Waa uun maalmo yar ka hor Afgenbigii Milleterigu kula wareegay xukunkii Jamhuuriyaddii Soomaalida oo uu markaas Cigaal ahaa Raysal Wasaarihii Jamhuuriyadda. Waxa ka mid ahaa codadkii uu soo qaatay Sayid-Axmed, gabay uu Cigaal tiriyey intii uu xidhnaa. Halkan hoose ka dhegeyso gabaygaas.




Waxa isaguna hadal aad loogu sacbiyey ka jeediyey goobtii bandhigga buugga Dr. Kamaal Daahir Cashuur, oo sida uu sheegay Maxamed Ibraahin Cigaal uu waxbadan uga soo joogay. Si kalsooniyi ku jirto ayuu u yidhi: " Cigaal aniga Waalid oo kale ayuu ii ahaa" Waxa uu sheegay, in uu aad ugu faraxsanyahay buuggan laga qoray Halgamaa Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal.

Jaamac Maxamuud Cumar oo ku magacdheer Jaamac-Sweden ayaa eray kooban oo qiime leh ka jeediyey goobta. Waxa xusid mudan in uu Jaamac ka sheekeeyey taariikh ku saabsan qoys ahaan Maxamed Xaaji Ibraahin, aabihii iyo hooyadii iyo dhisiddii qoyskooda. Waxa uu tilmaamay in uu Xaaji Ibraahin Cigaal ahaa nin Maalqabeen ah, oo faxal ah, bixinta sadaqada na ku fiicnaa. Arrimahaas oo uu Jaamac yidhi: "Dee qaybahaasi malaa qoraaga may gaadhin oo buugga kumaan arag". 

Inbadan oo buuggan soo akhriday waxa ay sheegeen in buuggan uu qoray qoraa, aad uga soo shaqeeyey hab-qoraalka buugga, habaynta, kala hormarinta, higgaadda, Jeldiga adag ee uu ku qurxiyey sawirka Cigaal iyo arrimo badan oo is biirsaday baa buuggan ka dhigay buug aad u tayo wanaagsan. 


Inkastoo goobtu aanay ku koobnayn keliya Buugga la soo bandhigayey, waxa kaloo jiray maanso iyo Sheeko ay soo kala jeediyeen Cabdirasaaq, Ismaaciil iyo Shawqi. Saddexdooda oo si hufan oo aftahannimo ku dheehantahay u soo gudbiyey maansooyinkii iyo Sheekadii hal-abuurka ahayd. Buugga oo goobta yaallay ayaa dadweynuhu ay ka iibsadeen iyagoo aad arkaysay in dadka qaar ay labo ama saddex buug iibsanayeen, si ay hadyad ugu geeyaan ehel iyo asxaabba. Maalintaasi waxa ay ku soo afmeerantay jawi aad u wanaagsanaa.








Somaliland Nordic Culture
01-05-2017 Stockholm


Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.