Bariido wanaagsan, Bariidadaa ka dib waxa aan jeclaystay in aan waxoogaa warbixin ka bixiyo qaladaadka inta badan aynu ka galno ISIRKA iyo dhalashada dal ahaaneed. Dadka soomaalidu waa isku Isir, sida aan qabo (waxa jira aragtiyo kala taggan). Waa dad deegaankoodu uu ku yaallo Geeska Afrika, isku af ah, isku diin ah, isku dhaqan ah. Laakiin waxa ay ku kala noolyihiin, shan dal oo feedhaha isku haya. Ma dhex gelayo sababta ay u kala noqdeen shan dal, oo waa aynu ka dheregsannahay. Mid baa se muhiim ah in aan tilmaan ka bixiyo. Soomaalidu dal keliya oo leh maamul kuma wada noolayn, ee waxa ay ahaayeen dad deegaankoodu feedha isku hayo, balse aan waxba wadaagin.
Artiklar som handlar om somaliska historien, kultur, böcker som skrivna somaliska ect. Ninba degeladiisiyo, degmaduu ku ababiyo docdii hooyadii buu dahab uu ku sheegaa.