Fortsätt till huvudinnehåll

Sheeko Gaaban: Beedkii la koolkoolin jirey armuu naga jabaa Q/ 3-aad 15 Mey, 2008

Markii ay is horfadhiisteen Oday Ducaale iyo Carraale ayey Canbarona aqalka gashay. Ducaale ayaa hadalkii bilaabay oo yidhi: “Adeer socoto ayaan ahaa oo magaalada xaggeeda ayaan ku socday ee qaylada ayaan ku soo baydhay, ee bal warka iiga dhac, maan fahmin digaagad baa, Ugxan ka soo dhexbaxday oo ninkaaga intan dhererka le’eg qaniintay”. Adeer haddaad socoto tahay dee malaa arrinkan ma dhammayn kartide maad innaga daysid…. Carraale ayaa sidaa ku jawaabay. Mayee adeer waan iska hoyan doonaa caawa’e bal warka i sii. Carraale sidii wax u dheceen buu bilaw ilaa dhammaad u galay. Markii uu warkii u dhammeeyey ayey Canbaro inta ay soo boodday tidhi: Adeer waxa uu ka tegey in ay Cawrali nagu tidhi beedka keligiin ma lihidin, dabadeedna aan faaliso u tegey oo ay sidii si le’eg igu tidhi faalisadii. 

Afku ku go! Faal iyo wax aan diintuba ogolayn ayay afka uun ku haysaa...Carraalaa islaantiisii sidaa ku afwaajiyey.
Ducaale waxa uu la yaabay faalka, markaasuu yidhi: ”Oo maxay tidhi faalisadu? Dee waxa ay nagu tidhi beedka labada reer ee agtiinna yaal ayaa idinla leh ee la tashada oo ha isku keliyeynina. Canbaro hadalkii ayay sii wadatay oo tidhi: Ninkan aad arkaysaa weligii lama tashan labadaa reer ee nala yaalla, markasta waxa uu talada ka qaataa, laba oday oo aan dhulkan ba oollin oo midna la yidhaa, Digaale, ka kalena malaa magaciisu waxa uu ahaa Danle. Labadaasaa jar ka tuuraya, ee odaygu taluu u baahanyahay. Halkaa markay Canbaro hadalkii marinaysay ayuu Carraale odaygii gacanta qabtay oo yidhi. ” Waa haweene innaga keen, wax aanay ogayn uunbay ka hadashaa, afkaasaa wax lagaga rogay”. Meel aan aqalka ka fogayn ayay labadii oday istaageen. Ducaalaa hadalkii qaatay oo yidhi: ”Waar Marwadaada sidaa ha ula hadline, maxaa dhacay warka ii balballaadhi”.
Waar ninyahaw, Ugxanta anigaa soo qaaday, oo dumaashiday ayaa ii soo dhiibtay. Markii aan guriga keenay ayuunbaa dhibkaniba nagu bilaabmay. Islaan uu qabo oday dhib badan oo halkaa yaalla ayaa Canbaro ku tidhi, Kediye iyo Warfaa ayaa beedka idinla leh, Hadda gara’oo waa beedkaan anigu keligay ka soo qaaday magaaladii, waxaasi ma wax rag loola yimaaddaa? U malayn maayo in aad ka garnaqi karto xaajadan beedka’e adeer caawana iska hoyo berrina kallah oo halkii aad u socotay ku toos. Intaa markii uu Carraale yidhi, ayuu Ducaale hadalkii boobay oo yidhi. Waaryaahe! waa la is maqlaaye wax ma ku weydiiyaa? Carraalaa yidhi: Haa adeer!. Beedka miyaad garanaysaa sida loo ilaaliyo? Maya oo dhawrkii maalmood ee aanu haynay aniga iyo Canbarro, laba indhood isumaanu keenin. Miyaad haysaa imminka wixii beedka ka soo dhexbaxay? Mayee wuxuu ahaaba dee imminka maba hayno. Haddaba Waagu, ha innoo beryo ayuu hadalkii ku afjaray Ducaale.
Markii uu waagu beryey ee ay koob-koob shaah ah cabbeen ayuu Ducaale, hadalkii bilaabay oo yidhi: ”Mar haddaad oggolaatay in aan arrinkan wax ka galo, ii ogolow in aan kuu sheego sida aan is leeyahay xalka ayaa ugu dhow. Adeer soo daa, ma oday da’daasa ayaan hadal ku soo celinayaa, buu Carraale ku jawaabay. Ducaale waxa uu yidhi: ” Labada reer ee aad wada taallaan waan u tegayaa, maxay magacyadoodu ahaayeen? Adeer maad nimankaa iska daysid, muddo dheer baanu wada naallay, weli ma aan arag laba nin oo ka tolliimo xun, afxumada ayay kaga dareen. Haaye magacyadood ayuu Ducaale ku celiyey markale. Midna Kediye ayaa la yidhaa ka kalena Warfaa. Labadaba waan u tegayaa oo waan soo waraysanayaaye sidaa ma igu oggoshahay. Intaanuu jawaabin ayay Canbaro qaylo dheer ku dhufatay. Ducaaloow! Ducaaloow, i dhegayso, marka aad ka tagto ayuunbuu u iman doonaa Digaale oo uu la socdo Danle, iyagaa beddelaya ee maxaad kaga daali. Waxa aan ku odhan lahaa magaaladii aad ku socotay dib ha uga dhicin!. 
Markay halkaa marinayso ayuu Carraale, afka kaga booday, Buus baanu ku nidhi. Naa marka ay raggu wada hadlayaan waa laga xishoon jiray, ee hadal taagtaaganidee. Digaale hadduu yimaado, waa ninka keliya ee aan ku kalsoonahay, waa nin waaya arag ah, oo aan xaasid ahayn. Carraale ayaa hadal dheer galay, mar danbe ayuu Ducaale yidhi: Muxuu ahaa Digaale? Adeer waa nin tol iyo xidid ba garanaya, waa ninka ii sheegay waxa uu galo iyo waxa uu gudo ninkaa la yidhaa Kediye. Ilaa yaraantoodii ayay isyaqaaneen, inuu Kediye yahay nin aad u xun oo ficil xun oo aftahannimadiisa ku qariya xaasidnimo waxa ii sheegay Digaale. Adeer, ma wax laguu sheegaybaa mise xumaan baa idin dhexmartay Kediye ayuu weydiiyey Ducaale. Mayee weligayo wax xumaani annaga nama dhexmarin aan ka ahayn intii beedka aan guraygayga keenay oo uu isha igu gubay dhawr jeer, hadallo aanaan u adkaysan karayna kolba igu soo tuuray. Waar haaye, Carraaloow miyaad wax kale uu xumaan ah aad ku aragtay.? Adeer labadooduba isma dhaamaan oo xataa kan kale ee Warfaagu ma inuu dhaamaad moodaysaa, anigu waxa aan ku odhan lahaa waxba ha u tegin nimankaas.
Odaygii waxa uu go’aansaday in uu u tago Kediye iyo Warfaa oo uu soo waraysto. Carraalena waa uu ka aqbalay in Ducaale arrinkooda galo oo bal marka hore la raadiyo Digaagaddii. Canbaro oo labada dhaban gacmaha ku haysa ayaa tidhi: Ogorey Ogor! Maxaa la iskaga daalin Ma xaajo Digaale ka danbeeyo ayaa xal loo heli, dee! Waa Maya.
Nabad iyo caano
Sayid-Axmed Dhegey
15 Mey, 2008

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.