Fortsätt till huvudinnehåll

Tacsi! IHN Marxuum Maxamuud X. Muuse X. Abokor Cabdulle (1937-2019)

Ilaahay ha u naxariisto Adeerkay Marxuum, Maxamuud X. Muuse X. Abokor Cabdulle waxa uu ku geeriyooday magaalada Hargeysa, maanta oo jimce ah taariikhduna tahay 15 Nof, 2019. Awoowgii Xaaji Abokor Cabdulle Sugulle, waxa uu ka mid ahaa dadkii dhidibada u taagay guriga Dariiqada Sheekh xilli ku beegan badhtamihii qarnigii 19-aad. Xilligaas oo uu soo degey Sayid-Aadan Axmed Madar oo beryahaas uun ka yimi magaalada Maka ee Xijaas. Sidaa awgeed waxa uu marxuum Maxamuud X. Muuse X. Abokor ka soo jeedey qoys ku abtirsada Dariiqada Sheekh oo ay deggenaayeen dad ku walaaloobay Ilaahay dartiis, oo la dagaalamayey qabyaaladda tan iyo qarnigii 19-aad. Waxa maanta marxuumka lagu aasi doonaa Qabuuraha Dariiqada Sheekh. Haddii Ilaahay Idmo.


IHN, Maxamuud-Dalab waxa uu ku dhashay magaalada Sheekh xilli ku begean 1939kii. Waxbarashadii hoose iyo dhexe waxa uu dhammaystay Dugsigii dhexe ee Sheekh 1957kii. Dugsiga sare ee Sheekh 1959. Aqoonta millateri waxa uu ku soo qaatay carriga Ingiriiska 1961kii. Isla sannadkaa ayaa uu ka mid noqday saraakiishii afgenbiga isku deyey. Ka dib waa la xidhay. Markii la sii daayey waxa uu waxbarasho injineernimo ah uu ku soo qaatay dalka Jarmalka. Waxa uu noloshiisa intii badnayd ka soo shaqeeyey magaalada Muqdisho. 

Maxamuud oo ku magac dheeraa Dalab waxa uu muddo dheer degenaa magaalada Muqdisho, lixdamaadkii, toddobaatanaadkii ilaa siddeetamaadkii. Waxa uu muddo dheer ahaa madaxdii wasaaraddii Hawlaha Guud. Intii uu deggenaa Muqdisho waxa dad badani u yaqaanneen SHEEKH MUUSE. Waxa uu ahaa marxuumku daacad, diinyaqaan ah, kaftan badan, dedaal badan. Sannadihii u danbeeyey oo uu xanuusanayey waxa uu deggenaa magaalada Burco. Waxaa loo qaaday Hargeysa dhawaan oo xanuunku ku soo kordhay.

Innaalilaah wa innaa Ilayhi Raajicuun
Naf waliba waa ay dhadhamin doontaa geerida

Ilaahay ha u naxariisto marxuumka dhammaan ubadkii uu dhalay iyo ubadkay sii dhaleen, ehel iyo qaraabo iyo asxaab samir iyo iimaan ha ka siiyo. Dhammaan Akhwaanka Dariiqada si gaar ah ayaan tacsi ugu dirayaa.
--------------------------------------------------------------

Sayid-Axmed Maxamed Yuusuf (Dhegey)
15 Nof, 2019 / Jimce 
Iswidhan.

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto. 

Maalinta afka iyo Suugaanta Soomaalida ee Xaafadda Rinkeby 14-05-2016 Sabtida

Haddii aad xiisayso afka iyo suugaanta Soomaalida, fadlan nagala soo qaybgal barnaamij xiiso badan oo 14 bishan Mey lagu qaban doono guriga ummadda ee xaafadda Rinkeby. Barnaamijkan ayaa ay marti noogu yihiin qorayaal, afaqoon iyo cilmibaadhayaal ku hawlan afka iyo suugaanta Soomaalida. Martida maalintan nagala soo qaybgali doonta waxa ka mid ah Morgan Nillsson oo ah macallin afka Soomaaliga ka dhiga jaamacadda Göteborg, ahna cilmibaadhe ku hawlan taariikhda iyo habdhismeedka afka Soomaaliga. Kulankan waxa uu Morgan sharaxaad ka bixin doonaa kooraska afka Soomaaliga ee uu jaamacadda Göteborg ka dhigo. Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa afka Soomaaliga iyo duruufaha ku xeeran maata.