Fortsätt till huvudinnehåll

Barnaamij hirgalay oo hirkiisu gaadhay heegada sare iyo Axmed Saleebaan Bidde

In badan oo dadka soomaalida ka mid ah ayaa jecel fanka iyo suugaanta. Waxaase laga yaabaa in lagu kala aragti duwanaado qaabka faneed iyo suugaaneed ee la jecel yahay. 





Qoraalkan kooban uma aan hollan in aan wax ka tilmaamo fanka iyo suugaanta kala duwanaanshaheeda, laakiin waxa igu dhaliyey aniga oo daawaday barnaamij lagu suntay Axmed Saleebaan Bidde. Barnaamijka oo loogu wanqalay "Fanka iyo Suugaanta Axmed Saleebaan Bidde" waxa soo diyaariyey Telifishanka Saab oo kaashanayey shirkadda Color Zone oo ah shirkad wax daabacda. Barnaamijka waxa hagayey dhallinyaro si hufan u hoggaaminaysay habsami u socodka kulan-faneedka oo lagu qabtay magaalada Hargeysa. Waa bilaw fiican, oo in la joogteeyo u baahan, si kolba abwaan sooyaalkiisa loogu soo bandhigo mid nool iyo mid mootan. 

Ugu horreyn, waxa aan u mahadnaqayaa dhammaan intii hawshaa ka qaybqaadatay, hirgelinteeda, habaynteeda iyo hagaajinteediiba. Mahadnaqaa ka dib, kollay dadka jecel fanka Axmed Saleebaan Bidde iyo guud ahaanba fanka soomaalida ayaan ka mid ahay. Marka hawl la qabto ayaa qabyadeeda la arkaa, haddii aan waxbaba la qaban lama tebo wixii maqan. Maxaan tebey, maxaa se talo ah?. Waxa aan tebey wax badan oo ku xeeran taariikhda Axmed Saleebaan Bidde. Barnaamijka waxa ka hadlay dad badan oo si hufan oo qiimo leh uga hadlay oo aan ka tilmaami karo, Abwaan Aadan Tarabbi, Cabdikariin Axmed Mooge, Xasan Cabdi Madar, afhayeenka Waddani Barkad Jaamac Batuun iyo inkale oo badan oo si waafi ah uga hadlay wax badan oo ku saabsan fanka Axmed Saleebaan. 

- Heesaha caan baxay ee xusuusta aan ka go'in ee barnaamijku inna xasuusiyey.

- sawdiga kan liitee, leexadu ku sidatee, hadba laan cuskanayee, maxaa luray naftaadii.
- Onkod roobku ma daayo, aarna taaha ma daayo, anna taa ma illaawo.
- Alla aamin illayn, kuma iisho ifkee,
- Aan damaq jacayl, 
- Xareedda laguma wacnaadoo

Waa hubaal in heesaha abwaanku ciiddaa iyo camaarkaa ka badan yihiin. Mar haddii Rawaayadaha oo qudh ah la tilmaamay in ay gaadhayaan 45 waa la garan karaa tirada heesuhu inta ay noqon karaan. 

- Sooyaalkii hoboladii Onkod

Waxaase, meelihii aan tebey meel ka mid ah taabtay Cabdillaahi M. Daahir (Cukuse) oo yidhi: "Axmed waxa uu ahaa ninkii sameeyey kooxdii Onkod ee ka fadalla-caddayd hoboladii waaberi". Mudane, Cukuse qodobkaa uu dulmaray, waxa aan hubaa in aanay in badani fahmin ama aanay kaba dareenqabin. Hoboladii Onkod oo ahaa kooxdii Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, waxa ay toddobaatanaadkii ahaayeen kuwo ka dhexmuuqda fanka soomaalida. Waxa ka mid ahaa hoboladii Onkod, Muuse I Qalinle, Kinsi Xaaji Aadan, Xarrago dhammaan IHN. Waxa aan hubaa taariikhda hoboladaasi ku samaysmeen in uu wax badan innooga iftiimin lahaa.

Ahmed S Bidde iyo qurbejoognimadiisii maxaa sababay?

Arrinta kale ee aan tebey faahfaahinteeda, waxa ay ahayd Riwaayadda "Dad wadaaje qurboow maxaad duul isu keentay". Rawaayaddaa waxa uu abwaanku sameeyey isaga oo jooga Imaaraadka, oo aan qiyaasayo in uu sannado badan joogay. Sababta uu qurba joogga u noqday siddeetamaadkii horraantiisi, waa mid u baahan in la faahfaahiyo, markaa ka dib ayaa la fahmi karaa xaaladda uu abwaanku ku sugnaa markii uu rawaayaddaa sameeyey. Sababta oo ah, dad badan baa isweydiinaya dada kala duwan ee qurbaha joogaa maxay ahaayeen? Waa in marka hore la weydiiyaa abwaanka sababtii Imaaraadka geysay. Berigaa waxa iyaduna joogtay IHN Xaliimo Khaliif Magool, oo sida aan maqlay ka cadhootay xukuumaddii kolkaa jirtay, inkasta oo ay markii danbe soo noqotay qiyaastii 1987 ayaan ku qiyaasayaa in ay Muqdisho timi, oo ay garoonka kubbadda kolayga ee Muqdisho Stadium ka dhigtay "habeenkii Magool iyo Muqdisho". Sida ay uga maqnayd dalka ayuu Ahmed S. Bidde uga maqnaa siddeetamaadkii dalka.

- Fanka iyo suugaanta xukuumaddii Maxamed S. Barre miyey dhiirigelisay mise minjaha ayey ka xidhay?

Waxa aan in badan maqlaa in fanku uu cirka gaadhay xilligii dawladdii kacaanka. Ilama aha aniga, ee waxa aan u arkaa in uu dhabarka ka jabay fanka soomaalidu. Waxaana aad ka dheehan kartaa hadallada Abwaan Axmed S. Bidde oo u soo joogay tan iyo isticmaarkii. Marka lagu cabbudhiyo ee laguu diido xorriyadaada faneed, macnaheedu marnaba ma noqon karto in fan iyo suugaan la hormariyey. Waa mawduuc ballaadhan oo doodiisa leh, balse in yar aan ka iftiimiyo. Waxa aynu wada naqaan koox la odhan jiray: "Walaalo Hargeysa" yaa dhaqaale siin jiray? Ma dawladda? maya, iyagaa is maamuli jiray, xor baa ay u ahaayeen hawshooda faneed. Magacoodu kor ayuu u kacay, ilaa maantana waa la yaqaan taariikhdooda. Kooxaha fanku marka ay iyagu is maamulayaan, ee aan faafreeb iyo cagajuglayn lagu hayn oo aan seeto lagu xidhin ayuu fan han sare noqdaa oo hiigsi yeeshaa. Marka mushahar loo qoro, ee la hoos geeyo maamulka dawladda, kaasi fan maaha. haddii dawladdu taageerayso waa in ay dhaqaale ku taageertaa, laakiin waa in aanay faragelin hawlahooda faneed. 


- talo ku socota inta isu xilsaartay in ay ururiyaan fanka iyo sooyaalka abwaanka


Waa wax lagu farxo in gacanta lagu hayo qoraalkii lagu soo ururiyey fanka iyo suugaanta abwaanka, oo gaar ahaan sida aan barnaamijka ka daawaday uu gacanta ku hayo Ibraahin Cali. Qoraalka iyo hadalku isku mid ma aha. markasta waa in uu qoraalku qoto iyo ballaadhba yeeshaa, sidaa awgeed waxa an kula talinayaa ciddii qoraalka abwaanka ku Hawlan, gaar haan Ibraahi Cali, in uu u dhugmo yeesho, abwaanka ku noqdo waxbadan oo uu xasuusan karo, marka wakhti la siiyo ayaa jiri kara. Haddii ay suurto gal noqoto buugga laga qori doono waa in laga kala dhigo laba buug si sawir fiican looga helo fankiisa iyo suugaantiisa, oo la raacinayo mid kasta xilligay soo baxday, taariikhdii, goobtii, kooxdii la dhigtay, haddii ay rawaayad tahay. Xadhiggiisii iyo sababihii lagu xidhay, jacalykiisii, arrimahaas oo dhammi dabcan waxa ay qaadanayaa bogag fara badan. Waayo, Axmed waxa uu koobsaday, wax badan, jilaa, gabyaa, Rawaayad qore, halgan kala jaadjaad ahaa ayuu u soo joogay.

Taladaydu waa yaan lagu degdegin ee buug hufan oo la haadiyey, oo la habeeyey ha soo baxo, haddii Eebbe idmo wuu soo bixi.

Raadraac: barnaamijka Saab TV ee "Fanka iyo Suugaanta Abwaan Axmed Saleebaan Bidde"
https://www.youtube.com/watch?v=3ukxUqgn8-0

Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed Dhegey
Iswidhan, Jimce, 20/12/2019


Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.