Fortsätt till huvudinnehåll

Helsinki iyo buugaagta Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey) 04-04-2015, maalinta Sabti.

Maalinta sabtida ee taariikhdu tahay 04-04-2015 waxa aad kula kulmi doontaa magaalada Helsinki ee carriga Finland Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey) oo soo bandhigi doona dhawr buug oo uu qoray. Si gaar ah waxa uu uga warrami doonaa buug dhawaan soo baxay oo ku suntan dagaalkii dhexmaray xukuumaddii Maxamed S. Barre iyo Jabhaddii SNM 1988-1991. Dagaalkaas oo xilligaa qarxay, waxa uu soo jiitamay in ka badan 10 sannadood. 



Maxaa keenay dagaalkaas? Sababtii soo dedejisay in dhawr maalmood gudahood uu dagaalkaasi ka bilaabmo magaalooyinka Burco iyo Hargeysa, maxay ahayd? Saamayn intee le’eg ayuu ku yeeshay Jamhuuriyaddii Soomaalida?

Su’aalahaas jawaabahooda iyo faahfaahinno kaleba waxa aad ka heli doontaa buuggaas. Kuma koobna buuggaas oo keliya ee buugaagta kale waxa ka mid ah buug carruurta loogu talo galay oo la magacbaxay BISADDII ANBATAY. Buuggan carruurta oo uu Sayid-faahfaahin doono aragtidiisa ku beegan qoraalka buugaagta carruurta iyo dhiirrigelin uu u soo jeedin doono da’yarta soomaaliyeed ee looga baahanyahay in ay wax badan ka bedelaan hab-dhaqankii hore ee soomaalida. Waxa uu si mug leh uga warrami doonaa, aragtidiisa dhanka burburkii Jamhuuriyaddii Soomaalida, oo 1991kii si rasmi ah u burburtay.

Warbixinta buugaagta iyo farriimaha kale ee uu gudbinayo Sayid-Axmed, waxa lagu soo gunaanadi doonaa su’aalo ay toos u weydiiyaan ka soo qaybgalayaasha kulankaasi. Si fiican ayaa maalintaa looga hadli doonaa wax badan oo saamayn ku leh Sooyaalka Soomaalida, gaar ahaan qurba joogga.

Goobta: NOKIANTIE 2-4
Goorta: 15:00 -19:00 maalinta sabtida 04-04-2015


Maamulka Jaaliyada Somaliland ee Helsinki/Finland

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto. 

Maxamed Xaashi Dhamac "Gaarriye" ----- "Dhaxalkuu ka tegey, Waa inoo dhigaal" Q-1aad

Geesibaa Dalkeennii ka go'ay, Gaadhka hayn jirey dheh Gal noo irmaanaan jiraa Gudhay Digaalow dheh Madi Geyiga wada Deeqi jirtuu Geeljirii tebey dheh Gobkii midhaha laga goosan jirey Gaarriyaa baxaye. Halyey lagu goblamay baa Dhintaye, Calamadaw gaabsha. ....................Faarax Murtiile/London/ Uk 2012