Fortsätt till huvudinnehåll

Caweys Xusuus Mudnaa! Kulankii Maxamed I Warsame (Hadraawi) iyo Bulshada Reer Stockholm 02 Juun 2015


Inkastoo aan dhawr jeer oo hore la kulmay abwaanka, caanka ah Maxamed I Warsame (Hadraawi) haddana caweyskii dorraad ee taariikhdu ahayd 02 Juun 2015, maalintii salaasada, xusuus gaar ah bay ii ahayd. Waan hubaa in ay in badan oo reer Stockholmna u ahayd. Hawshan oo ay soo abaabuleen hoggaanka Jaaliyadda Somaliland ee Stockholm, waxa ay ku beegnayd maalin shaqo, balse hawshii ay geliyeen Jaaliyad ahaan iyo dareenkii shacbiga reer Stockholm oo maqalka magaca Hadraawi, u dhegtaagay, waxa la soo buuxiyey golaha shacbiga ee xaafadda Rinkeby, ee magaalada Stockholm. Xilligii loogu talo-galay in la yimaaddo, waaba laga soo horreeyey. Waxa ay ahayd in barnaamijka la furo 18:00 laakiin waxaaba la sii joogay 17:00.


Markii uu soo galay abwaan Hadraawi ayaa salaan iyo sacab la-la kacay oo wejiyo faraxsan niyadsami lagu qaabilay. Habsami u socodkii barnaamijka ayaa la guda galay, judhiiba Maxamed Xaaji Ismaaciil ayaa ku furay aayaadka Qur'aanka Kariimka ah, ka dibna guddoomiyaha Jaaliyadda Stocholm Md: Xuseen Abaaddir ayaa ku soo dhoweeyey dadweynaha eraygii ku habboonaa. Waxyar ka dibna waxa la wareegay Maxamed Xirsi Guuleed oo xubin ka ah Ururka Qoraayasha Somaliland laanta Iswidhan, oo iyagu soo diyaariyey maansadii abwaanka, una kala qaybsaday Afar Qaybood oo kala ahaa Q-ta Jacayla, Q-ta Bulshada, Q-ta Sooyaalkii Abwaanka iyo Q-ta maansadii dagaalka. Afartaas oo ay soo kala jeediyeen Maxamed Xirsi, Yuusuf Xaaji Cabdillaahi Xasan, Muuse Maxamuud Ciise (Dalmar)iyo aniga oo Q-ta maansadii dagaalka waxyar ka taataabtay.


Ujeedada ugu muhiimsani waxa ay ahayd in reer Stockholm la kulmaan abwaanka, balse aan la saarin culays ah in uu abwaanku noo mariyo maansooyinkiisii qiimaha lahaa. Balse, mar haddii la wada hayo oo qoraal iyo maqalba laga dheregsanyahay la is xasuusiyo, meelo ka mid ah maansadiisii. Waxa ka mid ahaa meelaha aad loo jeclaystay qaybo ka mid ah maansadii GOLJANNO. Maxamed Xirsi Guuleed ayaa sharraxaad ka bixiyey qaybahan hoosta ku qoran, aad baana looga helay.

Waxa la yidhi duq guunoo
Golxoshoo idlaadoo
Lafta dheeri godatoo
Gaabshey oo cuslaadaa
Guudadley ku soo baxay
Mayracaysa galab adhi.

Gooli baadhka sheekada
Haasaawe goo goo
Hadalkii gar adag iyo
Gendel iyo alool saar
Hadba garagar oodee
Hadba gooddi kala bixi
Galka ulo ku baadh baadh


Goobyaalka inantii
Garan weydey baanuhu
Geesuu u dhacayoo
Waxay tidhi geddaa hadal

Aan is guursannuu yidhi
Alla yay gujay tidhi
Kol hadduu gedmado hadal
Goobta waan ka dheelmaa
Ayay gololadii tidhi”

Wuxuu yidhi god bay hadhay
Waxay tidhi Gadh Cawsow
Adhigaa galbanayee
Aan gadaal u soo rogo”


Isna yidhi ka gaadhsii
Guusha maanta kuu dagan
God-dalooladiisiyo
Guga faraqa haystiyo
Gedihiisa qari yidhi
Ganbaraashka sii luud
Gumar buu ka jaray qodax
Geed kaluu ku soo mudey
Gabbashada ku soo noqoy
Ku soo laabey goobtii
Gabadhiina ugu timi.

Gol castii dhacaysuu
Go’a sare hagoogtiyo
Gacantiisa ka hadhsaday

Wuxu yidhi “galoolkaas
Maxaa gaari dumareey
Gunta hoose kaga mudan?

Ma gammuun ku jabay baa?
Ma fallaadh ku ganan baa?
Ma gafuudh maxaadh baa?
Ma atoor gadoodaa
Geesihii mid kaga tegey?

Geedka wey u jeedaa
Waxa gaar u raacee
Guur-doonku sheegee
Gunta hoose kaga mudan
Indhaheedu gabadhii
Markay gaadhi waayeen
Waxay tidhi inoo gee
Runta aynu gunudnee.

Fadalkaa la wada gurey
Garo oo barbaarkii
Gebgebtiyo is waalkii
Wuxuu guudka kaga dhacay
Hal fadhida gelgelin
Sow ka sokaysa geedkii

Qosol guuli keentay
Hayn weydey gabadhii

Isaguna gilgilashada
Gebi dhaca is yidhi toos
Misna gudub u soo ciir
Gabaxdii is qaban waa
Gadhka ciidda kula duul
Show illayn gardaadkiyo
Garab iyo shanshaa jaban

Jaljalleecday gegiduu
Ku burburay geyaankeed
Laye Guud-haldhaaley
Garangarisay laafyaha

Isna gocasho sii dhawr
Baalal goof ku yaalliyo
Indha gudhay ka daba tuur
Dabadeed galgalashada
La gurguurey boodhkii
Gawdiidsey meeshuu
Salka dhigey go’doonkii
Ku wadh wadhay gabaahiir

Waxa hodey garaaraha
Golxadiyo cabaadhyaha
Goobtaasi hadal ma leh
Goolkaasi dhalan waa
Guurkaasi beenow
Gabow baa da’ mehersaday


Maxamed Ibraahin Warsame waxa uu innaga mudanyahay sharaf iyo duco. Waxa uu maalmahan ku sugnaa Stockholm. Kulankaa caweyska ahaa si gaar ah ayuu xusuustayda ugu beermay. Waxa aan xusuustay markii iigu horreysay ee aan arko Hadraawi. Waxa aan malaynayaa in ay ahayd 1980kii, beryahaa oo uu ka yimi Xamar, oo Berbera soo maray kuna socday Burco ayaan ku arkay magaalada Sheekh. Gaadhi yar oo malaa Karaasiido ah ayuu la socday. Dareenka dadku beryahaa wuu kacsanaa, maqalka magaca Hadraawi na waxa uu ahaa si goonniya. Waxa laga joogaa xilligaas aan dareenkaa xusuustay 35 sannadood. In aan maanta anigoo dhinaciisa fadhiya mariyo maansadii dibedyaal waxa ay ii ahayd xusuu isku xidhaysaa maalintaas aan arkay iyo dorraato oo salaasa ahayd taariikhduna ahayd 02 Juun 2015. Ilaahay cimri iyo caafimaad baan uga beryey, aamiin. Maansadiisu waxa ay i bartaa waxbadan. Waan dhadhansadaa, dareemaa, sawirrada, hummaagyada midabada, xilliyada kala rogan baan kolba mid dhex mushaaxaa.
Uma haystoin uu Hadraawi yahay maansayahan keliya, oo erayo uun isku xidhiidhiya, ee waa Faylasoofi, ildheer, oo han iyo hal-adayg leh. Maansadiisa waxa laga qori karaa buugaag farabadan. Gu'gii 2004 tii oo aan kula kulmay magaaladan Stockholm ayaan weydiiyey in aan maansadiisa ku qori karo buug aan waday, qaybo ka mid ah. Waxa uu iigu jawaabay, gebigeedaba qoro, anigu wax lacag ah kama rabo, cid kasta oo sii qoraysana waan u oggolahay.

Waxa aan caweyskaa kula kulmay Sharmaarke A. Muxummad oo ah xoghaya madaxtooyada Somaliland. Runtii waxa aan odhan karaa waxa uu u qalmaa in uu ummad dhan hoggaamiyo, kama hordhacayo, balse inta aan hadalkii uu goobta ka jeediyey ka dhadhamiyey waa codkar han sare leh. Sharmaarke waxa uu la socday Abwaan Hadraawi oo ay dalkii iska soo raaceen ilaa Jarmalkana wada socdeen dhawaanna ay ku wada noqon doonaan Somaliland. Ugu danbayn, waxa mahad weyn lahaa dadkii madasha soo cammiray, waxa aan kaloo si gaar ah ugu mahadnaqayaa Jaaliyadda Somaliland ee Stockholm oo uu hoggaaminayo Xuseen Abaaddir iyo dhammaan guddida Jaaliyadda. Xubnihii ururka Qorayaasha Somaliland iyo guud ahaanba bulshada soomaaliyeed ee reer Stockholm.
Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed M Yuusuf (Dhegey) 
Iswidhan/04 Juun 2015 maalin khamiis ah

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.