Buugga Duco-Qabe waxa uu soo baxay 2016kii. Waa buug si mug leh uga warramaya sooyaalkii Maxamed X. Ibraahin Cigaal. Waxa uu buuggani soo koobayaa Sooyaal dheer oo ka soo bilaabmaya kontomaadkii, ilaa maalmihii noloshiisa ugu danbeysay Md. Cigaal 2002-dii. Taariikhdaasi, maaha mid ku kooban qof ahaan Maxamed I Cigaal, ee waa Sooyaal ka warramaya deegaanka soomaalidu degto oo dhan. Waa taariikh u baahnayd in la kaydiyo, oo uu inoo soo koobay Qoraa Xasan Cabdi Madar. Waxa aynu u baahannahay buugaag noocan oo kale ah si loo helo raadraac sugan.
Haddaba, maalinta sabtida ee taariikhdu tahay 29-04-2017 ayaa waxa nasiib u helay in ay buuggaas la kulmaan bulshada reer Stockholm. Maalintaas oo aad goobta ka heli doonto buugga, kana iibsan karto. Waxa intaa kuu dheer in si kooban loogu soo bandhigo taariikhda Maxamed I Cigaal Ilaahay haw naxariistee.
Kommentarer
Skicka en kommentar