Fortsätt till huvudinnehåll

Xog ku saabsan Afgenbegii 1961 Col, Xasan Faarax Bullaale: "Taariikh u baahan sixitaan iyo run ka sheegid"

Taariikhdu waa dhacdo ama arrimo dhacay xilliyo la soo dhaafay. Haddii aan wax laga qorin, lama ogaan karo taariikhdaasi sidii ay u dhacday. Mar haddii aan la kaydin arrimaha taariikheed ee dal iyo dad ba soo mara, waxa ay taariikhdaasi gashaa mugdi waxaanay yeelataa madmadaw badan. Sida inbadani ka warqabto Somaliland waxa ka dhacay Afgenbi la isku deyey 1961kii, kaasoo lagu guuldarraysatay Dad badani xog kama hayaan, inkastoo ay noolyihiin xubno ka mid ahaa saraakiishii Afgenbigaa isku deyey. Kalhore waxa la waraystay Amb, Cawil Cali Ducaale oo ka mid ahaa saraakiishaas, xilligaasna ahaa xiddigle. Waxa uu Cawil qoray buug uu kaga hadlay wax farabadan oo uu u soo joogay, waxaana ka mid ahaa Afgenbigaas. Waana buugga la magacbaxay "Raad-Raaca Taariikh Soomaaliyeed"


Waraysigaas iyo buuggaba waxa uu tilmaan ka bixiyey sarkaal ka mid ahaa saraakiishii ay ka wada hadleen Afgenbigaas. Nasiib darro Cawil, waa uu qariyey magaca sarkaalkaas, wuxuuse tilmaamay in uu safaaraddii soomaalida ee Bakastaan muddo dheer ka shaqaynayey, dhawaanna uu deggenaa Imaaraadka Carabta. Arrintaasi way i xiise gelisay, anigoo markiiba tilmaanta uu bixiyey gartay sarkaalka uu u jeedo.

Waxa aan jeclaystay in aan arrintaa wax ka ogaado. Waxa aan raadiyey sidii aan ula xidhiidhi lahaa sarkaalkaas,  una weydiin lahaa kaalintii uu ku lahaa Afgenbigaas. Waxa kaloo aan dareemay in aanuu faahfaahin Cawil sida wax u dhaceen, markii uu ka hadlayey Saldhiggii ciidanka ee Cadaadley. Waxa uu isu egaysiiyey laba arrimood oo midna uu yahay Sarkaalka Sheekh haystay oo ah ninka maanta nool iyo sarkaalkii haystay Cadaaley oo ahaa Ilaahay ha u naxariistee Maxamed Cabdiraxmaan Xaaji Jaamac oo loo yaqaannay"Luggooyo" ahaana xiddigle.

Dad badani kuma baraarugsana ama maba ay fahmin warbixinta uu Cawil Cali Ducaale waraysiga ku bixiyey iyo qoraalka buugga, oo aad ka dhex arkayso in madmadaw badani ku jiro. Sababta uu u qariyey magaca sarkaalka haystay magaalada Sheekh oo ahaa Xasan Faarax Bullaale (Mataan), ayaa sii gelisay mugdi. Inkastoo aanuu Cawil wax xumaan ah ka sheegin Xasan Faarax, haddana qarintaasi waxa ay qalad weyn gelin kartaa sooyaalka taariikhda. Waxa kaloo isweydiin mudan Maxamed Cabdiraxmaan (Luggooyo) oo kala qaybqaatay Afgenbiga laguna xidhay arrintaas, in uu si aan faahfaahsanayn u dulmaro una qariyo kaalintii uu ku lahaa Afgenbiga, waxa ay sii qalloocisay fahamka Afgenbigii saraakiishii reer Somaliland ay isku dayeen.

Intaa ka dib, aan soo koobo xogtii aan ka helay Col, Xasan Faarax Bullaale.

Xasan waxa uu iiga warramay dareenkii Afgenbiga iyo sidii uu u maqlay iyo wixii uu ka yeelay. Waxa uu faahfaahin dheer ka bixiyey dareenkii saraakiihsii reer Somaliland oo markiiba dareemay in lagula kacay caddaalad darro, sidaana loogu diray dhawr sarkaal magaalada Muqdisho. Saraakiishaa oo uu ka mid ahaa Xasan Cabdulle (Kayd). Waxaanay kula soo noqdeen faramadhnaan iyo iyada oo aan waxba laga garawsan arrimihii ay ka cabanayeen Saraakiishii Somaliland ee dhinaca Milleteriga.

Waxa uu Xasan si qoto dheer u faahfaahiyey sidii uu ku maqlay Afgenbigaas iyo wixii uu ku jawaabay.

"Anigu (Xasan Faarax ahaan) marnaba kulan Hargeysa ka dhacay oo Afgenbiga ku saabsan kama qaybgelin. Aniga iyo Daa'uud Cali Yaxye iyo Faysal Xaaji Jaamac ayaa waxa noo yimi Cabdilaahi Koongo iyo Muxummad Awr, annagoo Burco joogna. Gaar bay noola hadleen oo waxa ay Nagu yidhaahdeen arrinka aanu idiin sheegi doonno in aydinaan sheegayn noo dhaarta, iyagoo kitaab gacanta ku haya. Waxa aan ku idhi, mar haddii aanaydin igu aaminayn sarkaalnimada iyo sharafteeda, idiin dhaaranmaayo. Muxummad Awr IHN-tee ayaa igu yidhi waad dhaaranaysaa--dabadeedna hadalkii baa naga taagtaagmay. Waxaana soo galay Cabdillaahi Koongo oo i dejiyey. 

Dabadeena Cabdilaahi Koongo ayaa noo faahfaahiyey, arrinka ay damac-sanaayeen.Wuxuuna Cabdilaahi nooga warramay in kulammo ka dheceen Hargeysa oo ay ka wada hadleen Afgenbigaas, oo ay isku afgarteen. Sidaana uu annaga nagu soo gaadhsiiyey. Saldhigga Afgenbigana waxa uu noogu sharxay in ay caddaalad darro dhacday dalkii Somalilandna aynu la soo noqonno. Markaas waxa ii xigtay anigoo ciidankii dhibbooga ee magaalada Sheekh geeyey Burco si ay dabrid u soo sameeyaan, ayaa markii ay rasaastii rideen oo saraakiishii kalena ay daawanayeen, oo ay ka mid ahaa Xasan Kayd, Ilaahay ha u naxariistee, waxaa kaloo joogay Daauud Cali Yaxye iyo Faysal Xaaji Jaamac. Maalmahaas ayaa Muxummad Awr loo bedelay Boorame, Cabdillaahi Koongona Burco loo soo bedelay.

Markii ay hawshii Dabridku noo dhammaatay, ayaanu isugu tagnay geed weyn hoostiisa. Halkaas ayuu noogu warramay Xasan Kayd. Waxa maalintaa aanu weydiinnay su'aalo fara badan, su'aalaha ka hor waxa uu Xasan Kayd IHN-tee nooga warramay kulamadii Hargeysa iyo halka ay wax u marayaan. Warbixintaa ka dib ayaanu su'aalaha weydiinnay, waxaan weydiiyey. Sidee wax u qorshayseen? Waxa uu noogu sharxay in uu Boorame ugu talo-galay Muxummad Awr inuu qabto, Burcona Cabdilaahi Koongo, Hargeysana Xasan Kayd ahaan in uu isagu qabto, Berberana cid baan u dirayaa ayuu yidhi. Maadaama oo aanaanu war badan hayn saraakiishii joogtay Sheekh iyo Burco, waxaanu uga baahnayn warbadan in uu na siiyo oo ah sida qorshaha loo gelayo Afgenbiga.

Waxaan weydiiyey, maxaad Xasanoow ugu talo gashay Ceerigaabo iyo Laascaanood? wuxuuna iigu jawaabay, cidna ugumaan talo gelin. Waxa aan ku idhi, miyaanay ahayn meesha la innaga soo weerari karo? Namuu qancin Xasan ee sidaas ayuu ku adkaystay. Berbera Ayaan haddana weydiiyey? waxaanuu iigu jawaabay anigaa og? Wax badan oo muhiim ahaa ayaanu weydiinnay, wuxuuse noogu jawaabay anigaa og iyo anigaa diyaarinaya. Markaasaan ku idhi:  dee haddaad adigu ogtahay oo aanaad taloba naga siinayn, anigu idinkuma jiro ee wata hawshiinna. Jawaabtaas Xasan wuu ka xanaaqay wuxuuna igu yidhi, haddii nalaga adkaado waxaanu odhanaynaa wuu nagula jiray. Waxba ha iila hadhin ayaan ku idhi, laakiin anigu idin sheegi maayo."

Xasan Faarax oo aan dhinacyo badan ka weydiiyey Afgenbigaas iyo xaaladdii ku xeernayd, faahfaahinno badan ayuu iga siiyey. Waxa aan weydiiyey in uu isaga yahay sarkaalka yidhi: Xasan Kayd waa nin fudud ee muddo laba wiig ah ha laga qaado hoggaanka? waxa uu Xasan Faarax ii caddeeyey in aanuu isaga ahayn, balse arrin u baahan baadhitaan inuu jiro oo ah sarkaalkii haystay Cadaadley oo kulammada badankooda kala qaybgalay Hargeysa, ahaana xiddigle Maxamed Cabdiraxmaan Xaaji Jamac (Luggooyo) oo arrimo badani dhexmareen Cawil Cali Ducaale ay u baahantahay in xogbadan laga helo.


https://www.youtube.com/watch?v=YSqclRze8Ng&t=2821s

(Lingaxa sare ka daawo waraysiga Cawil siiyey HCTV, ka bilaw 
daqiiqadda 46-aad, Q-1-aad ee Weriye Ilig uu qaaday)


Sida uu Cawil buugga ku qoray "Raad-Raaca Taariikh Soomaaliyeed" waxa uu sharraxaad ka bixinayaa in sarkaalkii diidey uu la soo hadlay Col Maxamed Caynaanshe. Waxa kaloo uu sheegay in uu Cawil ahaan weeraray Saldhiggii Cadaadley oo uu Luggooyo madax ka ahaa. Waxa kaloo aynu ognahay in Maxamed Cabdiraxmaan "Luggooyo" uu la xidhnaa muddadii ay xidhnaayeen saraakiishii Afgenbiga isku dayday. Laakiin Xasan Faarax lama xidhin, waxaase lala yeeshay waraysi dheer oo xilliyo kala duwan ahaa, iyadoo looga shakisnaa in uu wax ka ogaa balse sida uu ii caddeeyey Xasan Faarax, mar kaliya lagama maqal in uu wax ka ogaa Inqilaabkaas. Su'aashu waxa ay tahay Cawil iyo Luggooyo maxaa dhexmaray? Halka faahfaahinta badan u baahani waa Kaalintii Xiddigle, Maxamed Cabdiraxmaan Xaaji Jaamac iyo weerarkii Xiddigle, Cawil Cali Ducaale uu ku qaaday magaalada Cadaadley.

FG: Taariikhda in runta laga sheego ayaa ay wax ku tartaa. Baadhitaanka aan dhanna u xaglin iyo qalinka runsheegga ah ayaana heli kara. Wixii xog ah iigu soo dir emailka hoosta ku qoran. Xogtan aan ururiyey waxa ay ku soo bixi doonaan buug ku saabsan Afgenbigii dhicisoobay ee 1961kii. Haddii Eebe Idmo

Sabti, 22-04-2017Stockholm
Sayid-Axmed Dhegey
dhegey2013@gmail.com

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.