Fortsätt till huvudinnehåll

War iyo Wacaal: Xasuus-Qorkii Rooble Maxamed Saxardiid Ee Dagaalkii 1988

Cabdiraxmaan waxa uu ahaa sarkaal ka tirsan shaqaalaha baanka ee Hargeysa oo markaas uun ilmihiisii curad afartan baxay. Waxa uu degganaa guri aan filayo in uu isagu lahaa oo xaafadda Shacabka ku yaalley gaar ahaan agagaarka halka uu imika ku yaallo macradka Good. Dagaalkii lagu hoobtay ayaa Hargeysa ka bilowday 1988 laakiin dhowr cisho uun ka dib ayuu xamili waayay madaafiicda lagu garaacayay agagaarkii guriga uu degganaa oo markaa meel buur ah ku yaallay waxaanuu go'aansaday in uu reerka ka saaro meesha oo meel uga yara ammaan badan ay tagaan inta xaaladdu is beddelayso. Guriga aanu degganayn oo aan sidaaba uga sii fogayn laakiin markaa iska ammaan ahaa ayuu u soo wareegay waxaanuu ka mid noqday labaataneeyo qof oo xaafadahoodii ka soo qaxay oo gurigayagu uu hoy u ahaa.


Maadaama la isku batay guriga, intayada ragga ahi waxaanu isugu tagnay qolka fadhiga oo aad u waynaa inta kelena dumarka iyo carruurta ayaanu u daynay in ay ku noolaadaan. Raashin wixii guriga sii yaallay iyo wixii yaraa ee dadku ay siteen baa la isu geeyay oo maalintii mar ama laba goor bariis cad ama loxoox la iska samaystaa. Biyuhu waa gabaabsi laakiin lama waayo caagado meelahaa laga soo dhaamiyo markii kaydkii taangiga guriga oo aad loo tashiili jiray ay dhamaadeen.

Maalintii sagaalaad ee dagaalka ayaa xaafadaha noo dhowdhow madaafiicdii soo beegsadeen laakiin sidii noo caadada ahayd baqe sidaa u badan maanaan qabin waayo halkaa aannu degganayn wax dagaal fool ka fool ahi kama socon dad baana intaa telefoon kula hadlayay madaxdii ciidamada dawladda una sheegayay in aanay wax dhib ahi jirin. Laakiin maalintaa dheg jalaq looma siin oo madfacu wuu iska socday. Goor ay ku beegnayd abbaaro 4 tii galabnimo, ayuun baanu mar qudha ku war helnay qaraxa dhegaha na tiray, qiiqa na qariyay iyo urta baaruudda oo sannka na carartay. Hareerahaan eegay mise dadkii I dhinac fadhiyay maba arko oo uuro madow baa nagu xidhan. Argagixii qof waliba halkii ku beegnayd buu u cararay.

Cabdiraxmaan banaanka guriga ayuu orod is dhigay isaga oon is kala garanayn, nasiib wanaag xaaskiisii oo iyada lafteedu aan is kala ogayn oo bannaanka ordaysa ilmihii yaraana laalaadinaysa ayay is heleen. Labduba intay gacmaha is qabsadeen bay orod miciinsadeen, laakiin waxa ka hor yimid taarkii ku wareegsanaa guriga oo ahaa mid dheer, isla markaana oodi ay weheliso, weliba intaana dhir ka baxday oo qodax lihi u sii dheer tahay. Iyagu isma oga oo way khalkhalsan yihiin waxaase dadkii arkayay ay sheegayeen iyaga oo salbabakhii wixiiba ka dul booday oo aan xagtini gaadhin. Sida la sheegayay isagaa booday, ka dib bay gabadhii ilmihii yaraa u tuurtay oo uu qabtay, markaasay Iyana halkii iska shalwisay. Iyaga oo orodkii dhex yaacaya garoonka kubadda ee dugsigii Xuseen Giirre meel ay u socdaana aan garanayn ayaa xaafad ka ag dhawayd oo iyaguna meeshan madfacu ku soo dhacay eegayaa ay sheedda ka garteen in uu Cabdiraxmaan yahay ninkaa meesha xaaskiisii la ordayaa, markaasay halkaa uga yeedheen oo guriga u kexeeyeen, sidii baanay ku miyirsadeen iyaga oo nasiib wanaag wax dhibaato ahi aanay soo gaadhin.

Waxa la ii sheegay in ay Itoobiya u qaxeen wax yar ka dibna ay debedda u dhoofeen, intaa ka dibna wax war ah kamaan helin.

Waxa aan is waydiiyaa tolow ilmihii yaraa ma nool yahay, intuu leeg yahay. Waan jeclaan lahaa inaan mar uun arko kollay waa 29 jir imika oo afkaasuu taagayaa ama taagaysaa e, way fiicnayd in aan la kulmo oo aan uga sheekeeyo sheekadan soona tuso halkii lagala booday iyo meeshii lala cararay.

Waxa kele oo aan jeclaan lahaa Cabdiraxmaan iyo Xaaskiisii in aan arko kollay iyagoo gaboobay oo aanu ka sheekaysanno waayaha aanu soo marnay wakhtigaa iyo waxa ay ka xasuustaan.
Ilaahay intaba ha igu simo kollay maalin uun baanu ka sheekaysan doonnaa haddii Rabbi idmo.

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.