Fortsätt till huvudinnehåll

Xigmaawigii Xiiqsanaa......1...aad W/Q: Cali Cabdi Coomay



Muuqaal ahaan markaad ku eegto aragti caafimaad qabta waxaad is-odhanaysaa magaalada ayuu nin walaan ka qoran yahay, ma se aha sidaasi. Wuxuu si deg deg iyo jees jeesi badani ka muuqato noola soo fadhiistay goob aanu inta badan shaaha iyo sheekada ku wadaagno. Markaasuu markiiba si hubsiimo la’aan ah ugu yidhi gabadhii shaaha shubaysay” fijaan shaah ah ii dhiib”. Gabadhii ayaa qaabka dhaqan dumarka u qiimaysay markaasay hoos iyo sareba u eegtay, kuna tidhi” ma caddays mise bigays’, markaasuu ugu af-celiyey” maxaad ka sarifaysaa mid uun keen”. Intay dhoola-caddaysay ayey sida jirjiroolaha isu-sii-jajabisay.


Markii ay shaahii keentay ayuu gabadhii kula kaftamay” Maahmaah Ruush ah ayaa tidhaa, Waddada loo maro ragga qalbigoodu waxay sii martaa caloosha”, markaa ragga cuntadooda dood lama geliyo. Wuxuu markiiba cabis toos ku bilaabay shaahii, markuu waxoogaa xaraaro baxay ayuu golihii aanu fadhinay sheekadii ku soo darsada. Intuu intii goobta fadhiday indhaha la raacay ayuu si cad u yidhi waar nimanku yar yaraa. 


Wixii intaasi raaciyey, weligiin wakhtiga ha iskaga luminina wax aan faa’iido idiin lahayn, haye ayaanu niyada la nidhi. Nin dhallinayaro ahaa oo ka ag-dhawaa ayaa muuqaalkiisa ka yara shakiyey, oo ka soo yara durkay. Markaasuu ku yidhi” iska fadhi muuqaakayga ha ka didine”. Markaasuu yidhi” wixii aan idinku dhaamo ee aan soo akhriyey ama taariikh aan goob jooge u ahaa waan idiin sheegi doonaa, haatan cimrigaygu waa 69, idinkuna wixii aad igu dhaantaan igu kordhiya. Anigu haddii aan ku horreeyo. 


= Jamaal Cabdinaasi madaxweynihii hore ee Masar wuxuu carab ugu baaqay ballanteennu waa Tel Aviv “ilaa liqaa Tel aviv”. Maxaase ka dambeeyey? Waxa beddelay’ Ilaa liqaa Qaahira, oo dhul ballaadhan oo Siinaay ka mid ahayd ayaa Masar laga qabsaday” bishii Juun 1967 dagaalkii dhexmaray Yuhuuda Ameerikaanku garab taagan yahay iyo carab tafaraaruq hadheeyey oo iyadu boqonta is-wada-jaraysa, wuxuu ku dhammaaday lix maalimood in carab lagaga adkaaday oo dhul ballaadhan laga qabsaday. Diyaaradaha Yuhuuda oo Maraykanka dayaxgacmeedkiisu hagayo, markay Naabaal ku gubeen askartii Masar oo Banka Siinay taagan, waxa ay ku calaacaleen naar ayaa cirka nagaga timid” Jaxiima tatii min samaa”



Cajiib wallee ninku waa waayo badan u soo joogay oo wax akhrisna caado ka dhigtay. Markaasuu haddana yidhi.



= Xilligii dagaalkii qaboobaa, hayadihii sirdoonka “CIA iyo KGB” waxa ka dhex socotay basaasnimo iyo is-khaarjin xad-dhaaf ah. KGB waxa ay ku guulaystay inay si hoose u disho Assassination’ sarkaal CIA ka tirsanaa kuna beddesho nin muuqaal ahaan aad ugu eeg oo KGB ah. Sidaasi oo kale, CIA iyaduna waxa ay ku guulaystay inay disho sarkaal KGB ah, kuna beddesho nin muuqaal ahaan aad ugu eeg sarkaal CIA ah. Sannadkii 1980-yadii ayaa shacabka reer Iiraan waxa ay aad ula yaabeen naxariis darrada Ayaatullaha Khowweyne, ka dib suxufi reer Iiraan ah ayaa wargays ku qoray, in ninkii Khoweyni la odhan jiray beri hore uu dhintay oo Khoweyniga maanta na laynayaa uu yahay nin ay KGB ay ka keentay gobolka Tashkanti oo loo eekaysiiyey Khoweyni reer Iiraan.”



Heer sare, kooxyadii goobta fadhiday ayaa laga waayey wax dhaqaaqaya, qof kastaa siduu xigmadda u dhuuxayey ayuu shaahii uu cabayey ka qaboobay. Haddana hadalkii ayuu sii watay oo wuxuu is-raacay saddex xigmadood, oo uu yidhi”



= Jin baa ku yidhi caruurtiisi waddooyinka masaajidka loo maro ku ciyaara salaaddana ka mashquuliya dadka. Oday wayn ayaa soo maray jidkii ilmo jin ku ciyaarayeen isagoo u degdegaya salaadda ayuuna turaanturooday isagoo sii dhacaya ayuu yidhi: Xasbuna laahi waa nimal wakiil" balse intaanu dhulka gaadhinba jinkii wayna ayaa qabtay odaygii dhacayay. Caruurtiisi ayaa ku tidhi 'Aabbo maxaad u badbaadisay ha dhintee" wuxuu ugu jawaabay: Dadka jannada ayaynu ka hortaagan nahay, maaha masaajidka, haddu ku dhiman lahaa kelmeda u yidhi ogaada hore ayuu jannada ka geli lahaa”



= Marka uu Odaygu gaboobo, waxa la hadla islaantiisa oo tidhaa, miyaan kuu taliyaa mise waan kaa tagaa. Ii tali ayuu yidhaa. Kaadiduna waxa ay tidhaa miyaan kaa gobo’leeyaa mise waan kugu istaagaa. Iga gobo’lee ayuu yidhaa”.



= Wakhtiyadii gumeystayaashu joogeen Somaliland ayuu damcay ingiriisku inuu cisbitaal lagu daweeyo cudurka qaaxada dhiso, munaasibadii bilowga dhagax dhiga ayuu nin ka dhexqayliyey dadkii waxa aanu ku dhawaaqay in la joojiyo dhismaha cisbitaalka, waayo waxa aan hayaa wax kale oo daweyn dara cudurka qaaxda. Iyadoo lala yaaban yahay daawo aan ahayn (Antibiotics), ayaa la weydiiyey inuu sharaxo daawada uu hayo. Wuxuu ku hal-celiyey” daawada qaaxadu waxa ay u baahan tahay nafqo, sidaa darteed waxa habboon qofkii qaaxo qaba in la qoro shaqaalaha waaxda cashuurta dekeddaha. Markuu lix bilood laba-canleeyo xoolaha ummadda ee uu naaxo, wuu caafimaadayaa”.


Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Calicoomay@hotmail.com

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.