Fortsätt till huvudinnehåll

Buug aan ku hungoobey akhriskiisa! W/Q, Mohamed A. Askar


Buug aan ku hungoobey akhriskiisa!



Mohamed A. Askar
Sweden, Stockhom.
December, 2018
Hadal wuxuu ammaan yahay                                                            
Inta aanad odhanin e´ (amma aanad qonrinba e´)                            
Afka haduu ka soo baxo (amma qalinka lagu qoro)                          
Adigu uma arimisid e´
Ummaduu u dhaxeeyaa 
Arkaa qaadna weeyoo,
Oodiisu kaa rogan[1],

Hordhac

Buugga Ibraahin Meygaag Samatar 1941kii-2011kii ee uu, khayr Alla ha siiyo oo cimriga Alle ha u dheereeyo e, qorey Boobe Yuusuf Ducaale oo aan dhawaan akhristay ayaa waxa uu igu dhaliyay in aan idinla wadaago qoraalkan kooban. Qoraalkani waxa uu ka turjumayaa buugga iyo sida aan anigu, qof ahaan, u qiimeeyay markii aan akhristay. Ka sakaw xiisaha aan u qabay in aan wax ka ogaado geedi socodka noloshii iyo taariikhdii Alla ha u naxariist e, Ibraahin Meygaag Samater, waxa kale oo aad ii xiise galiyay qofka u holladay in uu taariikhdaa wax ka qoro ee qalinka u qaatay oo ah Boobe Yuusuf Ducaale. Waxa aan tuhunsanaa, walina tuhunsanahay, in uu Boobe ka mid yahay dadka ugu habboon ee wax ka qori kara taariikh nololeedkii iyo marxaladihii kala duwanaa ee, nolosha Ibraahin Meygaag Samatar. Waxa kale oo xiisaha aan u qabay buugga iyo waliba qalinka Boobe igu dhaliyeen in aan akhriska buugan ka horaysiiyo buugaag badan oo ii yaaley isla markaana ka xaq lahaa akhriska buugan.
Waxa kale oo intaa dheer oo, qoraalkan igu kallifay aniga oo qaatay talada qoraagu uu inna siiyay maalintii buugga la daah furay ee ah buugga “Axadha, darsa, fallanqeeyanaqdiya oo ka hor-yimaada si aynu u soo saarno wax intaa ka badan[2]. Waxa aan qoraaga ku raacsanahay in aynaan buugaagta iska akhriyin uun sida haddalkiisa ka muuqata ee taa bedalkeeda aynu buugaagta, uu kani ka mid yahay, aan faaqidno oo aan fallanqayno. Waxa kale oo aan aaminsanahay in sida keliya ee aan ku kobcin karro isla markaana kor ugu qaadi karro fikirkeena iyo hal-abuurkeenu aaney ahayn in aynu buugaagta akhrino uun e, ay taa badalkeeda tahay in ay buugaagtu inoo abuuraan doodo iskugu jira bogaadin, naqdin iyo waliba fikirro kale oo aan labadaa hore aan midna ahayn oo laga yaabo in ay kugu dhallato inta aad buugga akhriyayso amaba marka aad ka faraxalato akhriskiisa.    
Aan ku soo dhawaado e, marka laga yimaado hordhacaa kooban, waxa uu qoraalkani ka koobnaan doonaa saddex qaybood. (1)  buugga iyo waxa uu ka hadlayo, aniga oo raacin doona qayb walba waxa uu qoraagu kaga hadlay iyo waliba inta ay qayb waliba buugga ka tahay (2)   buugga iyo waxa aan ka filayay ee aanan ka helin oo laba qaybood noqon karta: (a) qayb aan filayay oo awna buugu waxba ka tilmaamin haba yaraatee iyo (b) qayb uu wax ka yidhi laakiin uu aad u kor-ka-xaadiyay oo aan jeclaan lahaa in uu hoos ugu dhaadhaco. Waxa aan qoraalka ku soo gunaanadi doonaa, inkasta oo ay qoraal gaar ah ku fiicnayd qaybta (3) oo ah kaalinta qoraha, qoraalka iyo akhristaha oo ah fikir igu dhashay intii aan buugga akhriyay.  
Buugga

Runtii, anigu ka akhriste ahaan, waxa aan ka filayay wax ka badan isla markaana ka duwan waxa buugga ku qoran. Marka aan leeyahay wax ka duwan waxa aan u jeedaa wax cusub oo aan ahayn wixii hore looga qoray marxuumka ee, uu isagu qoray amma cid kale ka qortey. Cilmi iyo caqli toona soo kordhin mayso in wax cid kale qortay mar labaad la qoro, xataa haddii la turjumo oo aan la caddayn in shaqada kaliya ee qoraalkaa laga qabtay ay tahay turjumaad. Sida qoraaga buuguba sheegey, aniguna aan la qabo, turjumaada waxa ku luma macno badan guud ahaan, gaar ahaana marka ay noqoto in Soomaali wax lagu turjumo. Sidaa dartee, haddii aw qofku garanayo luuqada asalka ah ee wax laga soo turjumay, waxa qofka akhristaha ah u fiican in uu ku akhristo luuqada asalka ah ee aanu Soomaaliga lagu turjumay ku daalin. Marka aan leeyahay wax ka badanna, waxa aan u jeedaa wax ka badan inta yar ee buugga ku qoran ee ku sahabsan noloshii marxuumka. Waxa aan jeclaan lahaa, in uu buugu xoogga saaro marxalladihii kala duwanaa ee marxuumka halka uu hadda xoogga ka saaray qoraallo hore u jiray oo waliba aan la fallanqayn ee la turjumay uun.
Si guud, Buugga Ibraahin Meygaag Samatar 1941-2011 waxa uu ka koobanyahay 330 bog. Aan xaga danbe ka soo bilaabo e, sideetan iyo lix (86) bog oo ka mid ah isla markaana u dhiganta 26% waa lifaaqyo shan qaybood ka kooban oo dhamaantood qoraallo hore ah oo aanu qoraagu haba yaraatee waxba ku lahayn. Lab ka mid ah shanta lifaaq waxaa kala qoray, sida uu qoraaga buugu sheegay, Raage iyo Shukri oo labaduba ah ilama Ibraahin Meygaag Samatar. Saddexda soo hadhayna waxa qoray, Allah ha u naxariistee, Marxuumka.Wali gadaal gadaal baan u soconaa e, waxa uu buugga ku gunaanadayaa qoraagu saddex iyo toban bog (13) oo u dhigata 4% oo uu qoraagu u bixiyay, dad yaqaanney baa yidhi. Sida ka muuqata ciwaanka, qaybtan waxa uu qoraagu inagula wadaagey afar qof oo, sida qoraagu sheegay marxuumka yaqaaney, waxa ay ka yiraahdeen. Qaybta saddexaad, waa marka xagga danbe laga soo tiriyo e, waa qaybta ugu badan buugga. Waxa ay qaybtani ka koobantahay boqol iyo konton iyo sagaal (159) bog oo u dhiganta 48%. Qaybtan waxa uu qoraagu u bixyay, halacsiga qoraaladii Ibraahin Maygaag Samater, waxana uu ku turjumay lifaaqyada shanta ah ee aan hore u soo sheegnay. Waxa intaa raaca oo qaybtan ka mid ah, waraysi uu marxuumku, Alla ha u naxariistee BBCda laanteeda afka Soomaaliga siiyay oo uu qoraagu ku sheegay in uu yahay waraysigiisii u danbeeyay. Anigu, akhriste ahaan, ma aan fahmin xikmadda ku jirta in uu qoraagu inoo turjumo dhawr waraaqood oo horeba aan u hayney isaga oo aan inoo caddayn in shaqada kaliya ee uu qabtay ay tahay turjumaad ee taa badalkeeda uu buugga inoogu magacaabay, Ibraahin Meygaag Samatar: 1941kii-2011kii. Ku darso oo waliba qoraagu waxa uu sheegay, in dadka aw buugga u hibeeyay ay ka mid yihiin “ardayda Soomaalida meel ay joogaanba bal in uu buuggu ka caawiyo diraasadaha ay ugu jiraan samato-bixinta iyo horumarinta dadka Soomaalida[3]
Aan ku yara hakado e, sida aan hor u sheegay, qoraagu qoraallada wuu turjumay uun ee ma uu falanqayn (Discourese analysis). In aw qofku wax turjumaana ma ah cilmi sababta oo ah fikir qof kale uu leeyahay oo uu luuqad ku sheegay ayuun buu luuqad kale ku sheegay. Qofna xaq uma laha in uu wax ku kordhiyo ama wax ka dhimo fikirka qofka kale ee wixiisa la turjumayo. Haddii se, aad fallanqayneyso waa ay ka duwantahay oo waxa ay u baahantahay cilma gaar ah oo la barto (Discourse anlysis). Fallanqayntu waa in erayga iyo qoraalka laga soo saaro cilmi iyada oo la adeegsanyo isla qoraalka. Markaa shaqada qoraaga ee qoraallada buugu waa turjumaad ee ma ah fallanqayn sida aan anigu u fahamay.
Ugu danbayn, marka lag yimaado hibeynta, mahad-celinta, iyo hordhaca, waxa kale oo iyaduna qayb muhiima ka ah buugga, qaybta uu qoraagu u bixiyay, Prof. Ibraahin Meygaag: Fan-halgameedkii aan Fasakhmin. Qaybtani waxa ay buugga ka tahay afartan iyo todoba bog (47) oo u dhiganta 14%. Intani waxa ay noqon lahayd inta buugga ugu muhiimsan, haddii aanu qoraagu hore inoogula wadaagi lahayn. Nasiib darro se, sida uu qoraagu sheegay aniguna aan hore u akhristay, hore ayuu inoola wadaagey. Inkasta oo uu qoraagu sheegay in uu dib-ugu-fadhiistay oo uu wax ka badal iyo kaabisba ku sameeyay haddana xagayga waa qoraal hore u jiray oo aan buuggan ku cusbayn. Aniga oo og hawsha iyo tacabka uu qoraalku leeyahay isla markaana xasuusan odhaahda buugga ku jirta ee uu qoraagu leeyahay “Haynina waa naga intaa, hagarina waa naga Walaahi[4]” haddana waxa ay aniga ila noqotay in aa qaato talada kale ee qoraagu sheegay maalintii buugga la daah-furay ee aan horena u soo sheegay ee ah “Axadha, darsa, fallanqeeyanaqdiya oo ka hor-yimaada si aynu u soo saarno wax intaa ka badan[5]. Taa macneheedu ma aha in aan qoraaga dhaliilayo ee waa qoraalka waxa ay diiradaydu saarantahay oo aanan, runtii, anigu ka helin wixii aan is lahaa waad ka helaysaa.         

Maxaan anigu buugga ka filayay?
Sida aan hore u soo sheegay, buugga iyo qoraagiisaba aad iyo aad baan u xiisaynayay, waanan akhristay oo kuma aan khasaarin, waan se ku hungoobey. Erayga “hungaw” ee aan isticmaalay laba macne ayuu, xagayga, leeyahay; Mar waa in wixii aad rabtay aad waydo oo aanad waxba ka helin, haba-yaraatee, mar kalena waa in wixii aad rabtay aanad wada waayin, wax kugu fillana aanad hellin. Macnahan danbe ayaanan erayga “hungaw” u isticmaalay qoraalkan. Aan ku soo noqdo e, waxa aan is lahaa waxa aad buugga ugu tagi doontaa sida magiciisaba ka muuqata, 70 sanno oo, Alla ha u naxariiste e, taariikhdii Ibraahin Meygaag Samatar ah iyo waliba qalinkii Boobe oo da’aya sida malabkii doocaan.   
Si guud inta aan ka ogaa marxuumka, inta aanan buugga akhriyin, oo ahayd in uu ahaa aqoonyahay, siyaasi iyo waliba jabhad ayuun buu buuguna u sheegay si kor-ka-xaadis ah. Aragtidayda, ilama ah in uu buugu, hal marxallad oo maraxalladahaa marxuumka ka mid ah si fiican ugu daadagay, xataa tii jabhadnimo ee ay qoraaga iskgu dhawaayeen. Way jirtaa in uu qoraagu inla wadaagay safaro badan oo ay marxuumka wada galeen iyo shaqooyin badan oo ay wada qabteen. Waxa aan qabaa in haddii si fiican loo baadho taakhriikhda marxuumka ay marxallad kasta oo marxalladihiisa ka mid ah (aqoonyahan, siyaasi iyo jabhad) ay noqon karto buug gooni ah oo aaney tusaalayaa iyo waxyaabo laga soo qaato uun mooyaane aaney ku jirin qoraalada uu isgu qoray. Waa run oo buugu waa uu tilmaamay marxalladaha marxuumka laakiin: (1) Waxa uu qoray waa wax aad u kooban oo kor-ka-xaadis ah iyo (2) kuma badna waxa uu qoraagu leeyahay ee taa badalkeeda waa wax cid kale qortay oo horena loo hayay. 
Haa, waa ay jiraan wax badan oo aan filayay oo aanu buuggu waxba ka odhan, haddii aanan aniguba ilduufin. Waxa ka mid ah waxyaabaha aan aad u xiisaynayay ee aanu buugu ka hadlin ama faahfaahin halka ay marxuumka iyo Soomaaliland ku kala xidhiidh furteen. Waxa aan la soconaa, buuguna sheegay in uu marxuumka door muhiim ah ku lahaa dib-uxorayntii dalka iyo waliba bilawgii dhismaha dawladnimada Soomaaliland. Waxa kale oo aan la soconaa in aanu marxuumku ka muuqan siyaasadda Soomaaliland iyo waliba marxalladeheegii kacaa kufka lahaa ilaa uu ka geeriyooday sannakii 2011. Haddaba, waa iga su’aale, marxuumku ma go’aan shakhsiya oo uu qaatay buu siyaasadda Soomaaliland kaga maqnaa? Misa wax qarsoon, oo aynaan ogayn, baa jira? Ma wixii uu u soo dagaalamey ee, sida uu buugu qorayo isaga oo safiir ah inta uu iska casilay xilkii uu hayay uu jabhadnimada iyo kaynta ka doortay baa sidii uu moodayay noqon waayay? Su’aalahaa buugu kama uu jawaabin mana aan fahmin anigu sababta uu qoraagu uga tagay.    
Ugu danbayn, waxa aan filayay in uu buugu wax ka taaban doono waxyaabihii aan marxuumka, Alla ha u naxariistee, ugu qabsoomin sidii uu ugu tala galay iyo waliba sababaha keenay. Dad badan baa laga yaabaa in ay u qaataan ama u fahmaan haddii qofka waxa aan u qabsoomin la sheego in qofka wax laga sheegay. Anigu se sidaa ma qabo, waxa aan qabaa in qofka waxa u qabsoomay (guullo) iyo waxa aan u qabsoomin (gaabis) ay labaduba cashar yihiin oo ay mudan yihiin in si isku mid ah loo sheego.   
Qoraha, qoraalka iyo akhritaha
Ugu danbayn, aan wax yar ka idhaahdo qofka qoraaga ah, qoraalka laftiisa, qofka akhristaha ah iyo waliba mid walba kaalinta uu leeyahay. Qoraagu, inta aan fahmay, waa qofka qora buug, maqaal ama ruwaayad. Sidaa darteed qofka qoraagu waa qof hal-abuur leh oo ay shaqadiisa tahay in uu wax cusub abuurro ama, ugu yaraan, wax hore loo hayay uu si cusub u darso oo ka duwan sidii hore. Si la mid ah, sida haddalka qofku uu ammaan u yahay inta aanu odhanin ayuu qoraalkuna ammaan u yahay inta aanu gacata qoraha ka bixin. Qoraaguna waxa uu haystaa fursad kasta oo uu ku qurxin karo qoraalkiisa, qoraal ahaan iyo firkir ahaanba. Intaa waxa qoraaga u dheer, laba arrimood; (1) Si la mid ah sida habeenka iyo maalintu u kala cadyihiin, waa in uu qoraagu u kala cadeeyaa waxa uu leeyahay iyo waxa ay cid kale leedahay. Ma aha uun erayada iyo weedhaha waxa kala cadaynta u baahani ee, sidoo kale waa fikirka iyo waxa ay erayada iyo weedhuhu xanbaarsan yihiin (2) Waa in uu qoraagu madaxa iyo maskaxdaba ku hayaa in uu hormuud iyo tusaaleba u yahay jiillal dhan oo isha ku haya waxa uu qorayo. 
Shaqada qoraagu waxa ay dhamaataa marka uu qoraalkiisa daabaco, halkaana waxa ka bilaabanta shaqada akhristaha. Kaalinta koobaad ee akhristuhu waa in uu buugga amma qoraalkii kale ee uu akhriyayoba akhriyaa isaga/iyada oo diyaarsan. Si la mid ah, sida marka aw qofku qof kale la sheekaysanayo ee, wax kasta oo uu qof yidhaahdoba uu qofka kalena wax uga yidhaahdo ee uu haddalka ula darran-dooriyo ayaa la rabaa in uu buugana ula sheekaysato oo uu wax kasta oo uu akhriyona wax uga yidhaahdo. Taasi waxa ay wax u taraysaa marka koobaad akhristaha, marka labaadna qoraha, marka saddexaadna qoraalka laftiisa. Akhristaha waxa ay korrin oo ay kobcin maskaxdiisa isla markaana waxa ay ka badbaadin in uu noqdo buug buug sita oo wixii uu buugga ka akhriyay uun sida kiniinka u liqay. Qoraha wax bay tari oo, waxa ay ku celin fariin wanaag iyo wax-u-sheeg xanbaarsan oo wax ka tarta qoraalada danbe ee qoraaga. Qoraaga iyo akhristuhu waa ay isku xidhanyihiin oo haddii uu midi bukoodo ka kalena caafimaad ka dheer. Tusaale ahaan, haddii sida imika innagu badan ay kaalintii akhristuhu maqantahay ama aaney shuruudeheegii buuxin waxa dhacaysa waxa hadda dhaca oo ah in aw qoraalkii tayo beelo oo kii xumaa, kii dhexe iyo kii fiicnaaba la kala saari waaayo oo waliba dadka oo dhana wada qoraa noqdo. 
Qoraalkana wax bay tari oo, waxa ay soo saari qoraal fiican oo tayo leh. Qoraalku waa uu ka madax-banaanyahay qoraha iyo akhristahaba. Qoraaga waa uu ka madax-baanyahay oo waxa ay shaqadiisii dhamaatay markii uu qoraalka daabacay, akhristahana waa uu ka madax-banaanyahay oo waxa uu qof ama mid ka yahay akhristayaal badan. Sidaa darteed qoraalka waa in loo arkaa wax iskii u madax-banaan oo sidaa loola xaala marka la akhriyayo iyo marka la qorayoba. Qoraalku waa in uu isagu is fasiraa, uma baahna, dhadhana kuma laha in uu qoraagu fasiraad la daba taagnaado oo uu kolba yidhaa sidanaan u jeeday iyo sidaasaan u jeeday. Ugu danbayn, si aan kor ugu qaadno tayada qorista, akhrista iyo qoraalka waa in aynu qoraha, akhristaha iyo qoraalkuba u aragnaa saddex dhadhaar oo marna isku xidhan marna kala madax-banaan. Qoraaga iyo qoraalkuna tayo iyo raandhiistoona yeelan maayaan haddii aanu akhristuhu kaalintiisa ka soo bixin.
W/Q Mohamed A. Askar 13-12-2018 khamiis

[1] Heesta Aaminay xusuusnaw ee, uu qaado Xasan Aadan 
[2] Ducaale, 2017 https://www.youtube.com/watch?v=udwk3z8fWGE
[3] Ducaale, 2017, hibaynta
[4] Ducaale, 2017 b. 4
[5] Ducaale, 2017, https://www.youtube.com/watch?v=udwk3z8fWGE



Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.