Fortsätt till huvudinnehåll

Faallayn Buugga Dharaaraa Ina Soo Maray Sooyaalkii & Sugantidii SNM, oo uu qoray Boobe Yuusuf Ducaale


Wednesday, 10 June 2020

W/Q, Rashiid Sheekh Cabdillaahi(Gadhweyne)



Buuggan Dharaaraa Ina Soo Maray waxaa ka dhex muuqada oo uu akhristahu la kulmayaa qoraaga Boobe Yuusuf Ducaale iyo kaalintii uu ku lahaa halgankii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed(SNM). Taas ka ma wado in buuggu ka hadlayo Boobe iyo waxqadbadkiisii, waxaan uga jeedaa xogaha buugga ku jira oo aan hubo in ay yahiin kuwo aan baaxaddooda cid kale laga heli karin. Boobe waxaa uu waqtiga u badan hayey hawlaha xoghayta ururka.

Dhammiba Shirweyneyaashii ka dambeeyey kii labaad ee lagu qabtay magaalada Nasaret(Itoobiya) iyo shirarkii Golaha Dhexe ba waxa uu ku jiray kaalinta xoghaynta; Guddida Fulinta na waxa uu, si joogto ah, u hayey isla kaalintaas ayada ah. Marka ay xog-qoraalnimo tahay, waxqabadka ururka SNM, warhayn iyo kaydin ba, xubinta koowaad ee loogu iman karaa, asaga ayuu noqday oo uu ilaa maantadan yahay. Barnaamij, xeer guud iyo xeer hoosaad; bayaan iyo baaq; iyo ilaa hadal-qoraalka shirarka iyo kulammada, Boobe wax ma ay dhaafin. Waxa dheer, ururin iyo ilaalin, anigu kollay ba, Boobe cid ku la mid ah ma ogi. Haddii uu buug ahaan, u gacan-qaadayna, laba ba way ka muuqdaan oo waa baaxadda xogta iyo tacabka uu Boobe buuggan geliyey.

Haddii aan u qalin-qaaday faallada buuggan, laba geesood bay ila noqotay in aan ka maro oo aan ereyo ka idhaahdo. midi waa obocda buugga oo aan woxoogaa isdul-taago; midda labaadna waa weydiimo uu buugu igu dhaliyey. Runtii qoraalka culayska mowduucan oo kale, waa in uu akhristahiisa ku abuuro su'aalo hor leh oo aanu buuggu ka jawaabin. Haddii kale waa qoraal aan wax badan kuu sheegin. Marka laga bilaabo qaybta sooyaalka uu Boobe ugu gogol-xaadhayo dhalashadii SNM ee lagu daro halgankeedii iyo raadraaca, waxa uu buuggu ka koobmaa afar boqol iyo sagaal iyo lixdan bog oo labada u dambeeyaa yihiin nuqullo sawir ah oo laga qaaday dastoorkii ka soo baxay shirweynihii lixaad ee SNM iyo qodobbadiisa qaarkood.

Nuxur ahaan, marka la soo koobo, waxa lagu tilmaami karaa buug ku saabsan ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed(SNM) ee soo hoggaaminayey halgankii dadweyne ee ka horjeeday kelitaliskii Siyaad Barre. Waa uu qirayaa qoraagu in aanay SNM halgankaas keli ku ahayn oo waxa uu xusayaa Jabhaddii SSDF ee uu Korneyl Cbdillaahi Yuusuf Hoggaaminayey iyo USC iyo SPM oo ahaa laba jabhadood oo halganka ku soo biiray, ka dib guda-galkii SNM, 1988kii. Hayeeshee buugga Dharaaraa Ina Soo Maray, waxa keli ah oo uu soo bandhigayaa sooyaalkii ururka SNM iyo halgankiisii uu woqooyigii Soomaaliya (Soomaalilanta maanta) kaga xoreeyey xukunkii Siyaad Barre; sooyaalkaas oo soo taxnaa muddo ahayd hal toban-guuro iyo dheeraad. Midda kale na, ka ma taggana buuggu qaybtii halganka SNM ee koonfurta, gaar ahaan koonfurta shishe ee ku aaddanayd gobollada Bay iyo Gedo, taas oo runtii kaalin muddakar ah ku lahayd halganka ururka. Waxaa se dhab ah in quwadda halgankaas iyo guushiisu u badnayd aaggii Woqooyiga.

Waxaa uu Boobe dib ugu noqonayaa oo uu ka bilaabayaa buugga guuxii gudaha iyo debedda ee aakhirkii u soo geeddigalay asaasiddii Shirkii London, 1981kii, kaas oo markii u horraysay lagu dhawaaqay ururka Somaali National Movement(Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed). Nuxur ahaan, waa buug badi la odhan karo waa diiwaangelin geeddi-socodka dhacdooyinkii abyinta dhismaha ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed(SNM) iyo halgankiisii. Sidaas darteed waxa aynu odhan karnaa buuggu waa agaabayn ku saabsan xogta ay u baahan doonto cilmibaadhista taariikheed, maanta iyo berri ba.

Waxa aan halkan ka hadlayaa waa qoraallada ururka ka sugan ee uu Boobe na ugu ereybixinayo suganti, kaas oo asagu na ku xardhan halkudhegga labaad ee buugga. In badan, qaayaha buuggu na, runtii diiwaanintaas buu ku jiraa. Marka laga maro dhinaca sugantidiisa qoran(ereybixnta Boobe), waxa uu ina tusayaa wejiga qoran ee ururka SNM. Warbixinta qoraagu na taas bay, si cad u bandhigaysaa. Waxaa buuggu diiwaangelinayaa shiweyneyaashii ururka iyo shirarkii Golahiisa Dhexe, taariikh ahaan, iyo kaalingudasho ba; qoraalladii kala ahaa barnaamij, xeer iyo xeer-hoosaadyo, go'aammo iyo war cad iyo baaq, intii ka soo baxday ba, sidooda ayuu u soo naqlinayaa.

Waxa uu xusayaa ilaa awoodda sharciyeed ee saxeexday ee uu qoraalku ku diiwaangalay, waxa uu si faahfaahsan u soo bandhigayaa dhismihii waaxyaha 'xilgudashada Guddida Fulita' iyo hay'daha ururka iyo waxqabadkoodii. Waxaa buuggu ka warbixinayaa in badan oo ah dhaqdhaqaaqii halganka wejigiisii siyaasadeed oo badi ba ku saabsanaa xidhiidhka dalalka taageersanaa halganka jabhadaha Soomaaliyeed, gaar ahaan Etoobiya; arrimihii dhexmarayey SNM iyo jabhadaha kale ee Soomaalida iyo hawlaha siyaasadeed ee gudaha SNM iyo garabyadeed u gaarka ahaa. Waxa uu buuggu ka hadlayaa oo muhiim ah aagaggii halganka hubaysan; kuwaas oo, sida uu Boobe u dhigay, kala ahaa aagagga Dhexe, Koonfur iyo Woqooyi. Waxa uu ka warbixinayaa gudagalkii halganka hubaysan iyo wacaalahii keenay ee ka dhashay heshiiskii Jabuuti ku dhexmaray Siyaad Barre iyo Mingiste Hayle Maarem. Waxaa raaca kulammadii SNM iyo SSDF la yeesheen madaxda sare ee Etoobiya iyo taladii uu ururka SNM ku go'aasaday ku na dhaqaaqay ee ahayd gudgalinta halganka. 

Waxaa halkan xusid gaar ah mudan warbixinta ballaadhan ee ku saabsan arrimahan uu Boobe buugga ku sheegayo, waxa uu cuskanayaa, ka sookow qoraallada ururka, xusuus-qorkiisii gaar ahaaneed. Intaas ka dib, sida ay ila tahay, waxaa buugga qaayahiisa u mudani ku jiraa weydiimaha uu akhristaha ku dhalinayo. Tusaale ahaan, sida aynu hore u soo carrab-baabnay, waxa uu buuggu u badan yahay, oo uu ina tusayaa wejiga ahaansha ururka SNM, marka dhinaca qoraalkiisa laga eego. Hayeeshee dhinacyada falaadka na ururku weji ka duwan dulucda qoraalladiisa ayuu lahaa oo ay su'aashiisu kugu soo dhacaysa. Tusaale ahaan, waxa jiray oo uu Boobe buugga ku soo hadal-qaaday- in kasta oo aanu ku raagin- garabyada hiyi-raaca ahaa ee ururka ka aloosmi jiray. Waxaa buugga ku xusan kooxo la odhan jiray wadaaddada, kuwii la jiray Calan Casta iyo laba kooxood oo ahaa saraakiil, si ayaga u gaar ah na, isaga soo horjeedi jiray, ama la isaga soo hjorjeedin jiray oo loo bixiyey labada magac ee 'Shiish' iyo 'Khaakh'.

Sida Boobe ba buugga ku qirayo, labada magac ee dambe waxa ay ahaayeen astaan daacayadeed ay labada kooxood, mid waliba, midda kale ku dhejinayso; ma se lahayn duluc fikir iyo ujeeddo siyaasadeed oo koox na ba gudaheeda isku xidha. Labada kooxood kale, midda Calan Cas loo baxshay, bilowgii halganka hubaysan, waxa lagu tilmaami jiray xubno aad u tiro yar oo ka doodi jiray, si weyn na u dhalliili jiray dhismaha qabyaaladeed ee labada urur(SNM iyo SSDF). Kooxdaasi waqtigaas hore ma lahayn saamayn ka durugsan maansooyinkii Hadraawi iyo Gaarriye; Intii se ka dambaysay Shirweynahii 4aad ee SNM, (kaas oo Siilaanyo loo doortay Guddoomiyaha ururka), magacu wuu ka guuray kooxdii tirada yarayd oo waxa uu noqday magac dacaayadeed lagu nabo had ba cidda ay hoggaanka ururka iska soo horjeedaan.

Kooxda wadaaddadu ayagu na in kasta oo ay lahaayeen baaq siyaasadeed diin ku salaysan oo astaamaha wahaabiyada Sucuudigu ka muuqdo, hadda na isku xidhnaan xooggan ma ay lahayn; waayo, mabda'ooda diineed waxaa ka xoog badnaa loollankooda salka qabyaaladeed ku fadhiya. Waxa ay taasi, si weyn, u soo baxday Shirweynihii labaad ee SNM, ee lagu qabtay magaalada na Nasaret, Etoobiya. Intii ka dambaysay na maalin na may muujin kooxdani mid ahaansho u yeeli kara meel-joogsi loogu soo hagaago. Waxa kale oo ahaanshaha falaadka ururka sugayey, ka na geddisnaa, bal ka soo horjeeday wejiga qoraalkiisa, abtirsiinta qabiil iyo jilibbada uu ku kala qaybsanaa. Runtii Halganku qabiil dagaallamaya oo tiis qabiil difaacaya buu ahaa.

Halkan waxa ku jirta su'aal ku saabsan heerku ay siyaasaddii Siyaad Barre ee eexada iyo dulmiga qabyaaladeed ku lahayd falcelinta qabiil ee ururka SNM iyo taageerayaashiisa. Tabaha uu Taliska Siyaad Barre u adeegsado dibindaabayada dadweynaha waxaa ka mid ahaa weerar weji qabiil leh; waxa na uu adeegsan jiray ciidammo iyo xooggag amni oo magac qabiil leh. Waxaaa na sidaa ku abuurayey cadho iyo colaad weji qabiil leh. Sidaas darteed waa la isweydiin karaa ilaa xadka arrintaasi saamayn ku yeelanaysay dhismaha qabiil ee ururku yeeshay. Runtii, marka laga yimaaddo magaca hay'adaha hoggaaminta ee Shirweynaha labadii sannaddood ba, mar la isugu yimaaddo, shirka Golaha Dhexe ee dhawr biloodlaha ahaa iyo Guddiyada Fulinta iyo Joogtada, gebi ahaan ba, salka halganka SNM waxa uu ahaa qabaa'il iyo reero. Meesha ururka SNM ku sugnaa ee uu urur ahaan uga muuqanayey waxa ay ahayd xarumahiisa hoggaaminta Sare iyo Maamulka dhexe; ayaga na waxaa ugu sokeeyey xafiiska taakulaynta ururka oo ahaa magaalada Jigjiga.

Marka halkaas laga dhaqaaqo waxa saldhigyada halganka hubaysan lagu la kulmayey koox ciidan ah malleeshiya hubaysan ah oo reer-hebelnimo isugu xidhan; ayna isu keentay hiilo tolliimo. Sarkaalka, aqoonyahanka siyaasiga ah iyo odayga iyo ciidanka ba tolliimadaas baa ka dhexaysay oo lagu wada joogay; isla ayadaas baa na dagaalka lagu wada gelayey. Hoggaanka sare ee ururku na magaca SNM mooyee, awood iyo nufuud ururnimo badan ku ma lahayn. Intii ka horraysay heshiiskii Jabuuti ee Abriil, 1988kii, hoggaanka dhexe ama dheh Sare ee ururku waxa uu gacanta ku hayey maaliyaddii ka imanaysay taageerayaasha ururka ee dalalka Sucuudiga iyo Khaliijka iyo taakulada hubka iyo raashinka ee ay Etoobiya bixinaysay. Labadaas arrimood waxa ay hoggaanka Sare siinayeen awood ay taliyeyaasha ciidammada iyo madaxda odayeyntu, ilaa xad ugu hoggaansamaan.

Heshiiskii Siyaad Barre iyo Mingiste ka dib, taakulayntii raashinka ee Etoobiya way joogsatay; tii hubka na qaabkeedii wax badan baa iska beddelay. Ta se ka mudani waa maaliyaddii ku soo dhaci jirtay sanduuqa(account) uu ururku ku lahaa Bangiga Etoobiya. Markii Sanduuqaas la xidhay taageeradii maaliyadu way ka baxday ururnimadii ay ku imanaysay. Waxa ay noqotay lacag qolo waliba ciidankooda gaar ugu soo ururiyaan oo toos ugu diraan. Gacantii hoggaanka ururka na lacagtaas badankeedu way ka leexatay. Mid ahaanshahii ururnimo dhaawac weyn bay taasi u geysatay. Weydiin kale oo buuggu akhristaha ku dhalinayaa, waa guda-galkii dagaalka ka dib, saamaynta uu dadweynihii gudaha dalka ka soo qaxay ku yeeshay dhismaha ururka. Dad aad u faro badan oo ururnimada SNM aan wacyi u lahayn, baa ku soo biiray. Saldhigyadii ciidammada halganka hubaysan ee awelba abtirsiinta qolada ku dhisnaa baa sii ballaadhay oo xataa kuwo jillibbada hoose ah baa abuurmay. Halkii awel la kala ahaa xubno ururka ah iyo taageerayaashiisa, ayaa SNM la wada sheegtay; sidaas darteed ururkii waxa uu ku milmay qabiilkii u badnaa oo Isaaq la yidhaahdo.

Waxa ay xaqiiqdani, si weyn uga muuqatay Shirweynahii lixaad oo ahaa kii SNM ugu dambeeyey. Waxa uu ahaa shirweyne in badan ka duwanaa kuwii ka horreeyey, marka laga eego ergooyinka magacyada jililbbada qabiill ku kala socda ee ku kala fadhiga ah iyo loollanka dhexdooda ka aloosmay. Su,aasha kale halkan ku jirtaa waa sida uu ururkii SNM, ugu dambayntii, ku dhammaaday. Ururku qabiilkii uu ka koobnaa uun buu aakhirkii u dhurtay; wax kasta oo uu qoraallo lahaa na dadkiisu dooc iyo dareen u ma yeelan, ama loo ma geyn ba dadka. Shirweynahaas dabadii SNM wey isweydey. Qabaa'il bay ku dambaysay oo waxii dhex yimid odayaal baa maareeyey. Aakhirataankii na SNM, waxii urur ahaan, uga dhexeeyey oo ahaa xeer, hab iyo hay'ad iyo hantiba waa la illaabay; sidaas darteed na ma jirin wax ay wadaag u lahayd oo ay isugu timaaddaa. Xataa hubkii iyo gaadiidkii la hayey kooxo qabiil baa ka la haystay. Ka soo-waaddeed na odayaal qabiil baa soo xereeyey oo dawladii Maxamed Ibraahim Cigaal ku wareejiyey. Warkeeda joogtada ahi na waxa uu ahaa "Reer Hebel baa hubkoodii dawladda ku wareejieyey" (Ma aha SNM baa wareejinaysay).

Waxa aan kaga hadhay, Buuggu, su'aal aan cidi na isweydiin oo daraasada taariikhda u taal ah buu ina dareensiinayaa; waxa ay tahay oo aad u muhiim ah, ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed SNM, halkee ku dhammaaday? Maalintii Burco la joogay ee lagu dhawaaqayey dawlad Soomaaliland la yidhaado oo ka madaxbanaan Soomaliya, SNM -magaca mooyiye - ma ay lahayn, hoggaan siyaasadeed, hay'ado iyo ciidan dhab ahaan, mid ah. Ma na ay lahayn muuqaal mid ah oo gooni ka ah qabaa'ilkii iyo reerahii shirka isugu yimid. Ayadu na waa su'aal daraasadda taariikhda u taalla.

Buuggani, in kasta oo aanu ka wada madhnayn taariikhdii halgankii SNM, badi waa xogtii ay u baahanaysay daraasada taariikhyahanku. Sideeda na ciddii ku dhexjirtay ee samaynaysay dhacdada sooyaalka taariikhda, sida Boobe iyo intii la midka ahayd, xogteeda ayaa loo doontaa, lafagurkeed cilmiyaysan na aqoonyahan aan ku dhex jirin baa si cilmi ah uga yool-gaadhi kara. Aqoonyahankkaas buu Boobe xog badan u diyaariyey. Qaayaha u mudan ee buugga Dharaara Ina Soo Maray na taas buu ku jiraa.

W.Q Rashiid Sheekh Cabdillaahi(Gadhweyne)
Arbaca 10 Juun 2020, UK

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.