Fortsätt till huvudinnehåll

Taariikh kooban: IHN Cabdi Tahliil Warsame "Ifkaa laysku tudhaaye iilka laysma gargaaro" W/Q Cumar Seerbiya


Cabdi Tahliil Warsame sannadkii 1952 ayuu ku dhashay Wardheer, dhammaadka sannadkii 1968 ayuu qaaday heestii koowaad oo ahayd "Jir-jirkiyo Dartaabaan jeegada u aallaa jalkii qaadan waayey".waxaana erayada allifay Abwaan Sulub Cumar Axmed . Sannadkii 1969 oo ahayd markii uu bartay tumista Kabanka ayuu Axmed Saleebaan Bidde u dhiibay heestii labaad ee uu Cabdi Tahliil qaado oo ahayd heesta Onkod oo uu isagu laxamaystay(Cabdi Tahliil).


Sannadkii 1971 oo ahayd markii la furay Tartanka heesaha hirgalay ayuu ka mid noqday hobolo u ku tartamay heesidda oo ay ka mid ahaayeen, Muxsin Cabdalla oo isagu hore Ethiopia uga heesi jiray, Cumar Nuur Cabdille, Cabdullaahi Cumar Xarrago jecel/Xarrago, Cabdi Xasan Dige , Muuse Ismaaciil Qalinle iyo Ruqiya Cali Guutaale. Kooxdan tartantay Xasan Aadan oo keliya ayaa Waaberi ku biiray.
Cabdi Tahliil gaarkiisa ayuu u heesi jiray , ka dib wasaaradda maaliyadda ayuu shaqaale ka noqday wuxuuna maamulka xisaabaadka ka ahaa gobolka Bari , wuxuuna ahaa nin fan ahaan isku filan oo haddii uu erayo helo isagu laxamaysan kara , Muusik saaran kara sidoo kalena codkiisa ku qaadi kara. Wuxuu soo saaray heeso badan oo keligii ah marka laga soo tago haween kooban oo uu la heesay sida Faadumo Duur oo ay gobolka bari kuwada noolaayeen intii ayna Faadumo u wareegin Muqdisho iyo kooxdii booliska ee Heegan, Marwo Maxamed Cabdi iyo Shankaroon Axmed Yuusuf (Sagal).

Wuxuu Cabdi Tahliil la shaqayn jiray kooxdii Danan ee ururka dhallinyarada. Ilaa uu Waaberi la shaqeeyey horaantii Sideetamaadkii. Wuxuu in badan ka heesay waddaniyadda iyo qaabka loobaahanyahay in umadda loogu shaqeeyo, madaama uu ahaa nin wax ka yaqaanna maamulka xafiis. Sannadkii 2000 xilligii uu socday shirkii Soomaaliya dowladnimada loogu raadinayey ayuu Cabdi Tahliil ku xanuusaday magaalada Carta, xanuunkaasi oo marxalado kala duwan la soo maray ayuu ugu dambayntii u geeriyooday



Alle ha janneeyo. Aamiin

W/Q, Cumar Seerbiya
05/06/2020

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Maalinta afka iyo Suugaanta Soomaalida ee Xaafadda Rinkeby 14-05-2016 Sabtida

Haddii aad xiisayso afka iyo suugaanta Soomaalida, fadlan nagala soo qaybgal barnaamij xiiso badan oo 14 bishan Mey lagu qaban doono guriga ummadda ee xaafadda Rinkeby. Barnaamijkan ayaa ay marti noogu yihiin qorayaal, afaqoon iyo cilmibaadhayaal ku hawlan afka iyo suugaanta Soomaalida. Martida maalintan nagala soo qaybgali doonta waxa ka mid ah Morgan Nillsson oo ah macallin afka Soomaaliga ka dhiga jaamacadda Göteborg, ahna cilmibaadhe ku hawlan taariikhda iyo habdhismeedka afka Soomaaliga. Kulankan waxa uu Morgan sharaxaad ka bixin doonaa kooraska afka Soomaaliga ee uu jaamacadda Göteborg ka dhigo. Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa afka Soomaaliga iyo duruufaha ku xeeran maata.

Faallo!..."ladh" Buug Cusub Oo Uu Qoray Cabdillahi C Cige

Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey — Sweden — 7 September, 2005 Markaad aragto buugga laftigiisa, ayaad garanaysaa in buuggani uu ka duwanyahay buugaagtii hore ee afsoomaaliga ku soo bixijirtay. Qaabka buuggu u qoranyahay waa qaabka loo qaabeeyo sheekooyinka "Novel-ka" loo yaqaan. Waxaad dareemaysaa in dadka soomaalidu ku tallaabsadeen, jidkii muddo dheer kasoo xidhnaa. Kaasoo ah qoritaanka sheekooyinka, ku qotoma qaababka nolosha banii'aadamka. Intaa haddaan ku dhaafo qaabka buugga. Waxaan xasuustay faallo uu ka bixiyay Ibraahin Yusuf Axmed "Hawd" buuggan la magac baxay "Ladh. Mudane Hawd wuxuu ku soo gunaanaday maqaalkiisii "qoraaga buuggan qoray, haddii buuggani yahay kiisii ugu horreeyey oo maxay noqon doonaan kuwa soo socdana."