Fortsätt till huvudinnehåll

Dareenkii reer Finland iyo debbaaldeggii 18 Mey (15-17 Mey) 2015 W/Q Sayid-Axmed M. Yuusuf


Maalmaha is daba socsda ee sunsumaya, waxa ay ku sii siqayaan gabaw iyo geeri. Qofka banii'aadamka ahi waxa uu noolyahay waa maalmo kooban. Waxaase lagu kala duwanyahay, ka tegidda raad xusuuseed oo wanaagsan iyo mid ku liddi ah. Qofku inta uu noolyahay, waxa uu bulshadiisa ku soo kordhin karaa wax farabadan, wuxuuna u dhimi karaa intaa in le'eg. Ilaahay baa mahadleh, igu soo simay 24 sannaddood ka dib in loo debbaaldego maalintii la go'aansaday in Somaliland ay gaar uga taagan tahay isku darkii lixdankii ay la midawday Somaliya. Bayd ka mid ahaa maansadii DIRSOOC ee Ibraahin Aw-Saleebaan (Gadhle) ayaa ahaa " Waar hooy! dadkaygoow dawladnimadaad diiqada u bixiseen, degdegsiinyo mooyee doqonniimo ma ahayn. 


Dabcan isku darkii lixdankii ma ahayn wax laga naxo, balse barwaaqo mooyee, lama filayn in wixii dhacay ay dhici karaan, oo suurtogal ka noqon karaan dad soomaaliyeed gudahooda. Waaya-aragnimo la'aan badan baa jirtay, oo maanta aqoonteeda iyo waayaheedaba la sii saadaalin karo.





Xusuustayda iyo Martiqaadkii reer Finland aan ku soo koobo qoraalkayga. Waa marka koowaade, aan u mahadnaqo dhammaan reer Finland. Waxa ay si sharaf leh iigu martiqaadeen carriga Finland gaar ahaan Helsinki si aan ugala qaybgalo debbaaldegga 18 May, oo ay ku beegeen maalintii sabtida ee 15 kii Mey. Waxa aan u diyaargaroobay sidii aan u tegi lahaa Finland, laakiin waxa farxad kale ii ahayd in aan reer Stockholm-na kala sii qaybgalo maalintii Jimcaha oo ay jaaliyadda Somaliland ee Stockholm iyo Ururka Qorayaasha Somaliland si wada jir ah ugu qabteen, debbaaldegga xaafadda Tensta. Waxa xusid mudan in aan tilmaamo, ka soo qaybgalkii wasiirka deegaanka Shugri Xaaji Baandare iyo Wakiilka Somaliland ee Iswidhan Rooda. Isla habeenkii Jimcaha ee sabtidu soo gelaysay ayaan u duulay Finland.

Waxa iga horyimi Axmed Hurre oo ah guddoomiyaha Ururka dhallinyarada Somaliland ee Finland wuxuuna i geeyey goobtii aan u hoyan lahaa. Goor ay ku beegnayd goorsheegtu 12:00 duhurnimo ee maalintii danbe ee sabtida ahayd, ayey iigu yimaaddeen hudheelkii aan degennaa Axmed Hurre iyo Maxamed Axmed oo labaduba ka mid ah hoggaanka ururka dhalinyarada ahaana ururka igu soo casuumay in aan imaaddo Finland. Goobtii xafladda ayaanu tagnay, oo markiiba la soo buuxdhaafiyey, si fiicanna loo soo cammiray. Hadallo isugu jiray tusaale iyo gubaabo ayaa goobta laga jeediyey. Qaybtii aan anigu kulahaa oo ahayd dhanka taariikhda ayaan, la wadaagay ka soo qaybgalayaashii. Waxa kaloo aan la wadaagay buugaag kala ahaa Sooyaalka Somaliland, Socdaalkii Dheeraa iyo Milicsiga dagaalkii 1988kii.


Waxa xafladda ka hadlay dad badan, waxa aan se ka xusi, Maayer-xigeenka Burco Maxamed Xasan Jaamac iyo Maareeyaha wakaaladda biyaha ee Burco, Ibraahin Yuusuf Diiriye oo safar ku joogay Finland. Qoraal dheer iigama baahna mahadnaqa aan u mahadcelinayo reer Finland guud ahaan, gaar ahaan ururka SOLAY oo ay ku midoobeen dhallinyarada reer Somaliland. Ka sii gaar ah Gud, Axmed Hurre iyo Axmed Maxamed oo si fiican iigu soo dhoweeyey Helsinki. Waxa isaguna sagootintii iyo ka soo noqoshadii Finland, si wanaagsan uga qaybgalay Xildhibaan Faysal, oo ilaa madaarka ila socday. Dhammaantiinba mahadsanidin. Odayaashii kale ee aan kula kulmay debbaaldegga, iyagana salaan baan u dirayaa sida Siciid Cumar, Axmed Caymis, Cabdi Cabdillaahi iyo Cumar Cabdi Nuux... .....

Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed M. Yuusuf 

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto. 

Maalinta afka iyo Suugaanta Soomaalida ee Xaafadda Rinkeby 14-05-2016 Sabtida

Haddii aad xiisayso afka iyo suugaanta Soomaalida, fadlan nagala soo qaybgal barnaamij xiiso badan oo 14 bishan Mey lagu qaban doono guriga ummadda ee xaafadda Rinkeby. Barnaamijkan ayaa ay marti noogu yihiin qorayaal, afaqoon iyo cilmibaadhayaal ku hawlan afka iyo suugaanta Soomaalida. Martida maalintan nagala soo qaybgali doonta waxa ka mid ah Morgan Nillsson oo ah macallin afka Soomaaliga ka dhiga jaamacadda Göteborg, ahna cilmibaadhe ku hawlan taariikhda iyo habdhismeedka afka Soomaaliga. Kulankan waxa uu Morgan sharaxaad ka bixin doonaa kooraska afka Soomaaliga ee uu jaamacadda Göteborg ka dhigo. Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa afka Soomaaliga iyo duruufaha ku xeeran maata.