Fortsätt till huvudinnehåll

Sheeko Xariirada iyo Farshaxannimadii Carruurta ee Maktabadda Skärholmen 03-05-2015/Axad

Ilaa bishii Jeeniweri ee sannadkan 2015 waxa ka socday Maktabadda Skärholmen, kulammo loogu talo galay kor u qaadidda aqoonta afsoomaaliga ee carruurta soomaalida ee deggan degmada Skärholmen iyo deegaanada ku xeeran. Inkasta oo ay jireen qoysas ka yimi meelo ka durugsan sida Jacopsberg. Carruurta oo markasta soo buux dhaafinayey goobta loogu talo galay in ay ku qaataan wakhtiga ay sheeko xariirada dhegaysanayaan ama iyagu sheekaynayaan, ayaa xiise dheeraad ah na gelisay haddaanu nahay
guddida waalidiinta ee Skärholmen.

Intaa marka aan dhaafo, su'aalaha qofka soomaaliga ah ku wareegaya, waxa kow ka ah: Ma lacag baa la idinku siiyaa? Maya.....nalaguma siiyo ee wax lacag ka weyn baa noo muuqda. Intaa haddii aynu ka gudbno. Dareenka aanu ka qaadannay baahida carruurta soomaalida waxa aanu go'aansannay in aanu joogtayno. Aniga oo ahaa qofka hawshan ka masuulka ahaa, waxa aan dareensanahay sida loogu baahanyahay, balse aan weli loogu dheganuglayn. Haddii carruurtu intan ka sii badato, waxa loo baahan doonaa goob ka ballaadhan goobta aanu imminka ku qabanno.

Maanta waxa sidaa ku soo geabgaboobay teeramkii hore ee inoo soo bilaabmay bilawgii Jeeniweri, kuna dhammaaday horraanta Mey. Waxa uu inoo bilaabmi doonaa teeramka labaad bisha sagaalaad ee gu'gan 2015ka.

Afka hooyo waa lagama maarmaan.
Sayid-Axmed M Yuusuf
Iswidhan





Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto. 

Maalinta afka iyo Suugaanta Soomaalida ee Xaafadda Rinkeby 14-05-2016 Sabtida

Haddii aad xiisayso afka iyo suugaanta Soomaalida, fadlan nagala soo qaybgal barnaamij xiiso badan oo 14 bishan Mey lagu qaban doono guriga ummadda ee xaafadda Rinkeby. Barnaamijkan ayaa ay marti noogu yihiin qorayaal, afaqoon iyo cilmibaadhayaal ku hawlan afka iyo suugaanta Soomaalida. Martida maalintan nagala soo qaybgali doonta waxa ka mid ah Morgan Nillsson oo ah macallin afka Soomaaliga ka dhiga jaamacadda Göteborg, ahna cilmibaadhe ku hawlan taariikhda iyo habdhismeedka afka Soomaaliga. Kulankan waxa uu Morgan sharaxaad ka bixin doonaa kooraska afka Soomaaliga ee uu jaamacadda Göteborg ka dhigo. Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa afka Soomaaliga iyo duruufaha ku xeeran maata.