Fortsätt till huvudinnehåll

Si ballaadhan u feker! W/Q, Saddaam Xuseen Carab

Si ballaadhan u feker

Bulshooyinka dunidu sida ay u kala ayaan badanyihiin, si la mid ah bay u kala hoog daranyihiin. Badhaadhaha ama baaba’ba bulsheed waxa uu xidhiidh toos ah ama dadban la leeyahay, heerka garashada iyo aqoonta bulshadaas. Kolkaa bulsho wali ba heerka aqoonteeda ayey kaga badbaaddaa ama ay u haleelaan colaadaha, gaajada iyo masiibooyinka kale ee noloshu. Aqoontana sideeda ba cidda xambaarsan ayaa ama fidiyisa oo tarmisa ama meel la yuurursata dabadeed iil la gasha.




Aqoonta qiimaha lihi waa tan ummad ka soo doojisa turunturrooyin ku maqnaa, ka dhayda dhaawacyo ay qabto ama waa aqoonta tusta ifka hagaagsan ee gudcurka ka soo luudisa. Haddii aanay tacliintu intaas midna tarayn - oo ay rogaalka- bulsho darxumaysnayd dalluun iyo hog baas ku sii ridayso ama iftiin yar oo u bixi lahaa ka bakhtiinayso, waa barkumataal iyo balaayo ee aqoon san ma aha.

Bulshadeenna dhirbaaxooyin xanuun kulul oo dhegahooda ka dayaamaya ayaa soo maray. Jahli badan baa colaadihii iyo dawlad la’aanta u raacay oo hoos ula sii degay. Waa taa ilaa maanta qolo wali ba ta la jaarka ah qaniinsan ee aanooyin ka tirsanaysa, waa kaa oday wali ba barigii ay reerka kale jabiyeen makhaayadaha kaga baanaya, waa taa da’yartu nolosha reer galbeed u haysta indho-sarcaad aan cidi hollin karin ee si ay u magangalaan badaha ugu le’anaya. Kalsooni haddii in uun quluubtooda ku beernaan lahayd, saw kama ay fekereen in ay nolol dhulkooda ku samaystaan? Aqoonta dhabta ah baa kalsoonida abuurta.

Bari aan sii fogeyn  baynu dunida aqoonta ba kulaalnay. Innooma ay cuntamine, waa innagii macallimiintii aqoonta innoo keentay shiidka iyo dagaalka kala hortagnay. Innagama ay daaline waa kuwii si walba isugu dayey in ay nolosha aqoonta inna dhadhansiiyaan, waa tii Guulluhu ku guulleeyay. Waa innagan ilaa hadda la korayna ee maalin ba alifku innoo kordhayo. Dhallinyar door ah baa innoo kacday oo ilqabawsi laga dhiganayaa tan iyo jeerkaas looxa iyo dawaadda aynu barannay. In ay da’yartaasi ummadda geeddi lagu badhaadho u raraan baa laga wada dhursugayaa. Oo la innaga sugayaa.

Masuuliyad culus baa tunka innoo saaran haddii aynu nahay dhallintaas darka aqoonta u hormay. Halkii Maxamuud Axmed Cali, Gaandhi iyo haldoorkii aqoontu soo gaadhsiiyeen in aynu hore uga sii wadno mooyee, in aynu dib uga dhacno kolna la innagama sugayo innaguna iskama filayno. Xilka gudashadiisu inna saarantahay waa uu ka badanyahay ku qofeed ama qoyseed. Fekerka iyo aragtiyaha la innaga sugayaa waa ay ka ballaadhanyihiin ka wiilka yar ee reergalbeed laga sugayo – bulshooyinka aynu ka kala dhalannay baa taas waajibinaya.

Ka sokow masuuliyadda guud ee da’yarta, inta qalinka sidata xil aad u wayn baa korkooda saaran. Qalinku waa awood dhakhso badan oo gaadha meelo fog, waa awood raandhiis leh oo dhignaata muddo badan sidoo kale qalinku waa qalab wax dhacsiineed kol haddii akhrisku yahay sida ugu badan ee dadku wax u weeleeyo. Sidaa daraaddeed, cid wal oo qalinka sidata waxa xil ka saaranyahay baahinta aqoonta bulshada doojinaysa, isku soo dhaweynaysa, isjeclaysiinaysa, horumarinaysa if iyo aakhiro iyo aqoonta lama huraanka u ah.

Aynu ka fekerno in aynu ummaddeena u qorno sooyaalka bulshooyinka jabkeenna oo kale soo maray iyo sidii ay kaga baxeen, tabihii dooniyihii qarqoomay ay u samato baxeen. Aynu ummadda u soo tebinno aqoonta sayniska qaybeheeda yaabka leh iyo horumarrada lagu gaadhay, laamaha iyo jaadadka tiknoolajiyadda ee silica iyo inkaaraha aynu kaga bixi karno. Maxa innoo diiday in aynu noqonno farajka khayrka leh ee awoowyadeen iyo ayeeyoonkeen ku Alle baryi jireen? Aynu noqonno waynu noqon karnaaye.

Ilmaha ku dhego barjoobay sheekada reeraha iyo qabiilooyinka tobannaan sanno ka hor kibirka isku laayey, aynu u soo tebinno qisooyin awoodihiisa iyo kartidiisa carin kara ee tusi kara in uu dunida maamuli karo oo uu awood u leeyahay. Tilmaamaha taariikhda ku xardhan iyo qofafkii isbeddellada togan dhaliyey aynu ku harqinno bulshada, la arkee in ay mid innaga mid ah ka dhigaan farajkeenna. Aynu qoraallada naxariista leh ee taariikhda ku taxan ku daweyno gasariirkan maskaxeed ee inna barriinsaday. Aynu bulshada tusno in aanay dhibta dhaxal u yeelan ee ay ka bixi karto oo aynu ka saari karno.  

Si ballaadhan aynu u fekerno oo qalinkeennu dunidan kubbadda ah hadba dhan ha docadoceeyo.   Haddii kale habaaska aynu fadhino oo waligeen tusaale ha innoo noqdo ninka qoraalkiisu wadaad dhinacna u dhaafi kari waayey ee turunturro ama gef qofeed u ekaysiiya dhaliil diimeed.

Si ballaadhan u feker.
Saddaam Xuseen Carab

Hargeysa, Somaliland

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.