Fortsätt till huvudinnehåll

Ururka Qorayaasha Somaliland ee Iswidhan oo Hadhimo-sharafeed ku Qaabilay Duqa Magaalada Hargeysa oo ku sugan Isidhan.

Maalmahan waxa ku sugnaa carriga Iswidhan duqa caasimadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco). Haddaba, maanta oo ay taariikhdu tahay 20-12-2015, maalin Axad ah ayuu Ururka Qorayaasha Somaliland u sameeyeen Hadhimo ay ku qaabileen duqa caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Bilawgiiba waxa sharraxaad guud ka siiyey UQS aasaaskiisii iyo ilaa maanta halka uu marayo guddoomiyaha ururka Sayid-Axmed M. Yuusuf. Waxa uu guddoomiyuhu sheegay in ururka la sameeyey 2003 dii, xilligaas oo baahida koowaad ahayd isku xidhka iyo iska warhaynta qorayaasha. 




Ku talo-galladii ugu horreeyey ee Ururku waxa uu ahaa in buug laga qoro Caasimadda Somaliland, si loo helo buug koobaya taariikhda magaalada Hargeysa. Qorshahaasi ma uu qabsoomin, waxaana la dareemay in loo baahanyahay in ururku ka dhisnaado gudaha dalka. Taasoo toban sannadood dabadeed laga hirgeliyey xaruntii guud ee ururka in ay ahaato Hargeysa 2013.




Maxamed Xirsi Guuleed oo ka mid ahaa aasaasayaashii ururka ayaa isaguna talo iyo waano guudba u soo jeediyey duqa magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco). Waxa ka mid ahaa talooyinkii Maxamed, in dawladda hoose ay ilaaliso magacyada loo bixinayo meheradaha oo aan magackasta lala bixin. Tusaalaha uu bixiyey Maxamed waxa uu ahaa, in Dastuurka dalka ay ku qorantahay afka koobaad in uu yahay afsoomaali, kan labaadna af-carabi. Sidaa awgeed wax kastaba lagu qoro afsoomaali, haddii la labaynaya af-carabi, haddii af saddexaad lagu soo qorayo, waa halkeeda ayuu Maxamed ku soo gunaanaday hadalkiisii qiimaha lahaa.


Nuux Ismaaciil Maxamed oo isaguna ka mid ahaa aasaasayaashii ururka, ahaana ninkii magaca u bixiyey ururka ayaa isna talooyin halkaa ka soo jeediyey. Waxaana ugu mudnaa laba talo oo kala ahaa: 1. in Diiwaan habaysan loo sameeyo Dawladda hoose ee Hargeysa 2. in Maktabad u gaar ah dawladda hoose loo sameeyo. Labadaa qodob ayaa talo ahaan UQS ku sii adkeeyeen Duqa Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco).




Waxa kulankaas goobjoog ka ahaa Xuseen yare iyo Dr: Maxamed Yuusuf. Ugu danbayntii waxa hadalkii la wareegay duqa Hargeysa oo ka mahad-celiyey kulanka uu UQS ku qaabilay. Waxa uu sheegay in ay arrimahaas oo dhammi yihiin muhiim, oo uu qaatay talo ahaan. Dhinaca maktabada waxa uu tibaaxay in ay bilaabeen in xaafad kasta laga fuliyo maktabad, taasoo hawsheedu weli socoto. Buugaagta iyo dhiirri-gelintooda, waxa uu yidhi waa aanu ka qayb qaadannay dhawr buug oo aanu gacan dhaqaale ka geysannay ayaan jira. 

Kulanaasi waxa uu ku dhammaaday si fiican oo talo iyo tusaaleba lahaa. Si wanaagsan oo isdhegeysi iyo warcelin habboon. Waxa uu ku dhammaaday guddoonsiin la guddoonsiiyey buugaag dhawr ah duqa Hargeysa. 


Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto. 

Maalinta afka iyo Suugaanta Soomaalida ee Xaafadda Rinkeby 14-05-2016 Sabtida

Haddii aad xiisayso afka iyo suugaanta Soomaalida, fadlan nagala soo qaybgal barnaamij xiiso badan oo 14 bishan Mey lagu qaban doono guriga ummadda ee xaafadda Rinkeby. Barnaamijkan ayaa ay marti noogu yihiin qorayaal, afaqoon iyo cilmibaadhayaal ku hawlan afka iyo suugaanta Soomaalida. Martida maalintan nagala soo qaybgali doonta waxa ka mid ah Morgan Nillsson oo ah macallin afka Soomaaliga ka dhiga jaamacadda Göteborg, ahna cilmibaadhe ku hawlan taariikhda iyo habdhismeedka afka Soomaaliga. Kulankan waxa uu Morgan sharaxaad ka bixin doonaa kooraska afka Soomaaliga ee uu jaamacadda Göteborg ka dhigo. Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa afka Soomaaliga iyo duruufaha ku xeeran maata.