Fortsätt till huvudinnehåll

Erey aan Ka Idhi Gorfeynta Buugga Masraxa Cadaabta. W/Q, Siciid Maxamuud Gahayr

Faallooyinkii Khaalid Jaamac Qodax iyo Cabdinaasir Axmed Ibraahin!

Aniga oo aan madasha keeni doonin gorfeyn la mid ah tii Khaalid Jaamac Qodax iyo fal-celin u dhiganta tii Cabdinaasir Axmed Ibraahin ayaa aan si gole-ka-fuul ah ereygii guurtiyeed si guudmar ah geestaydana ku cabbiri doonaa dareenkayga qof ahaaneed. Labada qoraaba waa saaxiibbaday iyo walaalladay. Waa laba nin oo milgahooda iyo maamuuskooda leh. Markaa ma jiro dhinac aan raacayaa, bulsadana waxa taas kaga filan labada qoraal ee ay soo saareen oo ay si mug leh u dhuuxaan. Gofeynta Khaalid waa siddeed bog, falceinta Cabdinaasirna waa lix bog.


Labadaba si dhugmo leh ayaan u akhriyay. Ku darso oo buugga Masraxa Cadaabtana waa aan akhriyay, qofka aan saddexdaas ka bogannin ee wax ka yidhaahda doodduna waa mid dhex cararay! Si guudmar ah waxa aan uga warrami doonaa aqoonta xagga qoraalka ah ee na dhex martay labadan mudane. Sannadkii 2009ka ayaa la soo bandhigay diiwaanka Riyaaq oo ay sheeko carruureed ku ururiyeen Abwaan Axmed Aw Geeddi Maxamuud iyo Qoraa Xasan Cabdi Madar. Dadkii akhriyay waxa ka mid ahaa Khaalid Jaamac Qodax oo markaas ka tirsanaa Naadiga Akhristeyaasha Hargeysa oo aan u aqaanno Hormoodkii Naadiyada Akhriska Somaliland.

Khaalid waxa uu buuggaas ka yidhi erey tilmaan ah, kaddibna waxa uu diiday in magaca qoraa loogu yeedho, waxaana taas awgeed loogu qoray “Akhriste ku xeeldheer akhriska buugaagta”. Maanta se waxa aan leeyahay Khaalid waa “qoraa ku xeeldheer gorfaynta buugaagta”. Xilliyadii uu Khaalid Jaamac Qodax waday qoraalka Baadisooc: suugaan-dhiganaha Axmed Aw Geeddi ayaa uu ii soo bandhigay in aan laba cisho ku akhriyo, toosiyana wixii aan qallooc ku jira diiwaan markaas ahaa ku dhawaad 200 bog. Markii aan ka qaaday xilli caweys ah waxa aan illaa 11:00kii habeennimo akhriyay toddobaatan bog, subaxnimadii dambe oo aan shaqada ka fasax ahaana waxa aan akhriyay toddobaatan kale, duhurnimadiina guriga ayaan lixdan bog ku akhriyay.

Diiwaankii waxa aan guddoonsiiyay 04:00 galabnimo aniga oo ku akhriyay wax ka yar 24 saacadood. Sannadkii 2010ka ayuu Khaalid Jaamac Qodax mar kale ii dhiibay diiwaanka Diihaal-reeb. Aniga oo mashquul ku ahaa shaqada macallinnimada oo aan labada gelinba wax dhigi jiray, waxa aan u sheegay in uu iga soo doono habeen ay Sabti soo gelaysay. Markaas waxa aan akhriyayba hadda 25 bog. Subaxnimadii, duhurnimadii iyo galabnimadii Jimcaha ayaan baaqigii si mug leh u dhuuxay. Marka laga yimaaddo kuwaas, waxa uu Khaalid Jaamac Qodax akhriyay diiwaannadayda Culuumta Maansada, Quraanka iyo Sayniska iyo Hal-diiq (Suugaanta Gaaxnuug), weliba waxa dheer in uu tifatiray Silsilad-maanseedka Aliflay oo aanu aniga, Axmed Aw Geeddi iyo Qoraa Maxamed Xirsi Guuleed ka wada hawl-galnay.

Cabdinaasir Axmed Ibraahin waxa aan ku bartay qoraalladiisa iyo gorfeynta uu ka sameeyo hab-qoraalka masuuliyiinta iyo qoraayada. Waxa maskaxdayda qoraallo door ah oo uu Halyey Cabdinaasir ka qoray xadhiggii la ii geystay sannadkii hore. Wax badan oo dhinaca qoraalka ah oo aanu wadaagnay iyo qorshe timaaddada ahiba waa ay jiraan.

Maadaama oo uu yahay falanqeeye xeel-dheer, waa aan ka filayay in uu dulqaad iyo laab-furnaan ku waajahayo gorfaynta Khaalid Jaamac Qodax. Haddii uu Cabdinaasir fal-celintiisa ku taabtay in ay wax dhex mareen isaga iyo Khaalid Jaamac Qodax, maka Qodax ma sheegin wax dhib ah oo isaga iyo Cabdinaasir si la ogyahay iyo si kale midna uga dhexaysa. Keliya waxa uu ereygiisu beegsanayay buugga iyo meelaha ka qallooca. Haddii uu dhaliil jeediyayna macnaheedu ma aha “Dhiganuhu waa eber”. Sida uu Cabdinaasir sheegayna, faallada dhiganaha laga sameeyaa waxa ay buugga u samaysaa iib-geyn: mid togan iyo mid tabanba. Ma filayo in uu marna Khaalid Jaamac Qodax u dan lahaa in uu qof ama shakhsiyadda Cabdinaasir wax ka sheego, laakiin waa ay dhici kartaa in ereyada si kale loo fahmo.

Haa.. Waa run oo buugga erey fiican ayaan ku leeyahay, illaa haddana waxa aan aamminsanahay in uu sidaas yahay. Qof ahaan waa la iiga aqoon badan yahay qoraalka sheeko-faneedda iyo xeerarkeeda, oo maqaalladaydu waa dhinaca suugaanta, siyaasadda, taariikhda iyo arrimaha bulshada. Haddii ay diiwanka ku jireen gefaf xagga higaadda iyo summadaha qoraalka ahna, ma qaadanayo keligii Cabdinaasir Axmed Ibraahin. Waa mid aanu wada leennahay oo ay ahayn in aanu toosinno intii aanu ifka imannin. Waa ilduuf dhankayaga ka yimi, waxaana sabab u ahaa wakhtiga oo cidhiidhi ahaa iyo waayaha adduun oo hadba hawl ayaa lagu jeeday.

Dooddooda waxa ka muuqda bisayl, waayo-aragnimo iyo qaangaadhnimo weyn. Weli waxa aynaan gaadhin heer uu naqdigu koro. Waxa aan ogahay in Khaalid Jaamac Qodax iyo Cabdinaasir Axmed Ibraahinba laga hor istaagay xilliyo hore in ay gorfeeyaan dhiganeyaal soo baxay, iyada oo la dedayo in dibadda la keeno waxa ay arkeen dadka diiwaannadaa akhiryay.

Sida uu Abwaan Axmed Geeddi iiga warramay Qoraa Maxamed Daahir Afrax ayaa waayadii Soomaaliya waxa uu naqdiyay riwaayado uu Maxamuud Cabillaahi Singub curiyay, gorfeyntu waxa ay sababtay in xukuumaddii markaas jirtay la iska dacwadeeyo. Miyaa aad aragteen sida looga qayliyo Barnaamijka uu Cabdi Good Abees ka baahin jiray Kalsan iyo Somali Channel? Sidoo kale, nin aanan hadda magaciisa xasuusan ayaa Fogaal-araggii ETN ka sii deyn barnaamij uu ku gorfeeyo suugaanta gu’gii 2009ka. Dad badan ayaa u nugul faallooyinka aan waafaqsanayn aragtidooda.

Marka uu qoraagu naqdiga samaynayo macnaheedu ma aha “aniga ayaa ah qoraaga ugu heerka sarreeya”. Waxa uu diyaar u yahay in la toosiyo, wax-soo-saarkiisana la lafa-guro. Farriinta Khaalid Jaamac Qodax kuma socoto Cabdinaasir Axmed Ibraahin oo keliya, waa mid talo u ah dhamaan qalinleyda Soomaaliyeed. Hore waxa uu Khaalid Jaamac Qodax u gorfeeyay Diiwaanka Colaadihii Geeska ee uu qoray Cali Cabdi Coomay, halkaasna waxa ka dhalatay dood cirka isku shareertay oo aan barkulanka Facebook iyo warbaahinta kala socday.

Ugu dambayntii waxa aan leeyahay is-toosintu waa inoo dhex. Haa! Hore waxa la yidhi “doqoni meel lagu kaftamay in lagu kala tagay ayay mooddaa”. Fagaareyaasha noocan ahi waxa ay kobcinayaan wacyigeenna qoraalka iyo akhriska, waxa ay inagu guubaabinayaan in aynu tayaynno waxa aynu bulshada u tebinaynno.

Sidaas iyo wanaag
Siciid Maxamuud Gahayr
07/08/2017 Hargeysa

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.