Fortsätt till huvudinnehåll

Maqaal ku Saabsan Buugga la Magac baxay Masraxa Cadaabta....W/Q, Khadar Cabdi Cabdilaahi



 
Nimcooyinka inoo soo kordhaya -Alla ha inoo siyaadiyee- ayey ka mid tahay in, laga soo koray fadhi-ku-dirirkii iyo ka dhurankii maqaaxiyaha. Xorriyadda qalbiga Ilaah baa bixiyee, maanta, dad badani arrintaa way ka soo xadhka goosanayaan. Xagga qalinka iyo hufnaanta ereyo qoran, oo dhaxalgal ah, waara, isla mar ahaantaana gaadhi masaafo dheer iyo mujtamac muggooda leh, ayaa maalin walba isa soo taraya. Sow wax Eebbe loogu mahadnaqo ma aha? Dee haa.


 




Buugga la yidhaahdo Masraxa Cadaabta ma akhiriyin. Wali gacantayda ma soo galin. Hase ahaatee, magacu aad ayuu i soo jiitay. Filasho weyn ayaa i gashay kolkii aan magacaa maqlay ama arkay. Dad badan, oo qoraaga buuggu ku jiro, waxa noo xidhnaa ballan hoosaad qarsoon, oo haddana muuqda. Waa in la ilaaliyo, la kobciyo lana naaxiyo afka Soomaaliga, ee agoonimada ku raagay.

Gorfaynta lagu samaynayo sheekooyinka dhaadheer iyo kuwa gaagaaban ee ay hal-abuurka Soomaalidu qoro, ayaa ka mid ah. Waxa se aan judhaba qirayaa, in gorfaynta qalinku wali innagu tahay ugub, dad badan oo hal-abuurkeeda iyo aqoonteeda lihina innagu yar yihiin. Waa se la doogiye, yaan la dacaroon. Shalayba lama hayn waxa maanta la hayo. Ladnaantuba waxa ay kuu ahayd laba dharaaroode, ayuu yidhi ninkii gabyey. Taariikh, suugaan iyo sheeko la qoraaba oo la soo bandhigaaba waa inoo dhawrkii sano ee u dambeeyey, xagga dhallinyarada.

Buugga, Masraxa Cadaabta, ma akhriyin haddii aan idhi, maxaa i luray ee aan la kardhanayaa, miyaan sugo inta uu i soo gaadhayo buuggu? Xagga aan u socdaa buuggaba ma aha. Xaasha! Qoraal uu ka sameeyey buugga laftiisa nin kale oo dhallinyaro ah oo sheegay in uu buugga akhriyey, iyo jawaab uu ka soo celiyey qoraagii buuggu, ayaa faduushayda furaha ku rogtay aniga oo gurigaygii iska fadhiya. Labada qoraal, oo aan isu akhriyey, ayaan holladay in aan erey iyo laba ku darsado.
Qoraaga buuggu, waa Cabdinaasir Axmed Abraham, halka Khalid Jaamac Qodax na yahay shaqsiga qormada kooban buugga ku falanqeeyey.

Aan ku horreeyo Khalid J. Qodax. Khaalid waxa aan ugu hambalyeynayaa, in uu isku hawlay kadaba-tagista shaqo uu qof kale qabtay. Waan ku dhiirrinayaa isaga iyo cid walba, in -anigana ha ahaatee- aan falanqaynta looga tudhin buug ruux qoray, rag iyo dumarba. Buugta la qorayo maanta oo kaliya kuma koobnaan doonaan. Qarniyo ayey oolli doonaan, jiilalka innaga dambeeyana waa dhaxal aynnu uga tagi doonno. Qiimaha buugga, faafitaankiisa iyo baraarujin qoraaga qudhiisa u dan ah, ayey gorfayntu leedahay. Garanayaa garanaya, doqonna loo sheegi maayo. Gorfayntu waxa ay gaashaan u tahay, mid iska soo qiirooda oo waxa uu doono inna la hor yimaadda. Waa in ka wax akhriyaya iyo ka wax qorayaaba ogaadeen in meesha dad joogo oo aan wixii la doono na loo la iman karin. Sida fannaanimadu u tol beeshay, waa in aan wax qoristuna fawdo u noqon.

Sida muuqata, Khaalid, buugga waa uu dhex galay. Sadar iyo erey walba in uu u fiirsaday ayaa qoraalkiisa ka muuqata. Meesha ugu horreysa ee Khaalid qoonsaday, waa in aan sheekooyinka buuggu aanay gudbinayn farriintii laga filayey. Tan qoraha buugguna kama jawaabi karo, aniga oo aan akhriyinna kama jawaabi karo. Qof akhriyey, ayuun baa wax ka odhan kara oo gartaa qaadi kara. Sheekooyinka qaarkood, in ay sida maqaalka u qoran yihiin, ayaa iyadana ka mid ah hadallada Khaalid. Si kooban, sheekada iyo maqaalku shaqo iyo shuqul isku ma leh. Farqiga u dhexeeya lab iyo dheddig, ayaa u dhexeeya sheeko iyo maqaal.
Maqaalkan Khaalid, waxa xoogga lagu saaray, khaladaadka xagga higgaadda, astaamaynta hadalka, waxa afka qalaad lagu yidhaahdo ''Standar''-ka buugta loo qoro, loo daabaco iyo kan sheeko qorista iyo guud ahaan sida dunidu (oo Soomaaliduna ku jirto) ay wax u qoraan. Waxa soo raaca, meelo xagga naxwaha ah oo uu xusay. Bogagga oo aan hareeraha iska leekayn, tafatir la'aan ka muuqata, jaldiga iyo buugga waxa laga yidhi ayuu sida oo kale duray. Qaybaha dambe ee tafatirka, daabacadda iyo jaldiga khusaysa, in aan buugga arko weeye.

Arrimaha kale, ee ah hannaanka wax loo qoro, dariiqa sheeko-fanneedda iyo waxa la hal maala, badankooda waan ku raacsan ahay Khaalid. Wax kastaaba minqiyaas laga qiyaas qaato waa in ay lahaadaan, haddii kale waa jaantaa rogan. Waxa xusid mudan, aqoonta maaddiga ahi, in aanay gaalnimo iyo islaamimo kala lahayn, bari iyo galbeedna waxba uga shan iyo toban ahayn. Ama waa in la tijaabiyey ama baadhis (research) lagu sameeyey ama waa in caqliga iyo aqoontii hore ee jirtay aanay liddi ku ahayn oo ay u marag furaan, guud ahaan. Qoraalka iyo sheeko-faneedduna waa sidaas. In dhaqan iyo diin loo eego sheekada, oo la waafajiyo, iyadu waa halkeeda. Cabdinaasir ayaa arrinta reer Galbeed iyo meel aan looba fadhiyin u kala kacay.

Cabdinaasir Axmed Abraham aan u baaqo. Bogaadin ka qoto dheer ta aan Khaalid u hanneeyey, ayaan Cabdinaasir u hibaynayaa. Buug in la qoraa ka culays badan mararka qaar in ilmo la foosho oo nabad lagu ummulo. Cabdinaasir waxa u bannaanayd laba arrimood midkood. 1) in uu shibta galo oo sugo in dadka kalena buugga ka hadlaan oo ama Khaalid u jawaabaan ama meel kale wax ka iftiimiyaan. 2) iyo in uu hadlo oo sidan uu imanka u hadlay si ka duwan u hadlo ama uu qodob kasta dul istaago. Labadaa midna ma yeelin. In kooban ayuu ka hadlay, inta kale in uu qirsan yahay oo xalkooda ku maqan yahay ayaan u gartay.

Dhanka wanaagsan ayaan ka eegay. Cabdinaasir hadalkiisa hore waxa uu ku furfurnayaa, in isaga iyo Khaalid hore arrimo siyaasadeed isugu jiidheen. Arrintaasi waa khatar. Dad badan oo indho caafimaad qaba ku eegi lahaa qormada Khaalid iyo buuggaba, ama wax ka odhan lahaa, ayaa dib u istaagaya. Dad kale, caddaaladda ayey ka leexinaysaa oo in ay Naasir si indho la'aan ah isu garab taagaan ayaa suurogal ah, qaar kalena Khaalid u hiiliyaan. Halkaa waxa ku lumaya wixii loo dan lahaa, waxa aan loo baahnayn ayaana soo baxaya. Waxa judhiiba ruuxa maankiisa ku soo dhacaysa, in nimanku hore isugu marnaayeen oo baroortu orgiga ka weyn tahay. Haddii ay jirto iyo haddii aanay jirinba, arrintaasi akhristaha ma khusayso. Waxa khuseeya, illayn caqli buu leeyahaye, waxa hortiisa yaalla in uu maankiisa iyo aqoontiisa la kaashado, dabadeed isagu xukumo. Cabdinaasir ma in uu naxariista naga xado ayuu isku dayayaa?

Qofka wax qoraya, qalinkiisa ayaa laga dhex garan karaa in uu aargoosi u socdo, in uu edyad wado, in uu caaddifi yahay iyo in uu ujeeddo kale leeyahay ama aanu lahayn. Tusaale ahaan, waxa faraha badan ee Khaalid taxay, waxa ay ku xidhan tahay buugga oo la akhriyo. Ma rumowday? Mise gar islaam baa loo yahaye beenowday? Midba. Haddii ay rumowdow, saaxiibkeen Cabdinaasir masaajidka cayaarta ha ka daayo oo yaanu dadkana ka dambaajin. Haddii ay beenowdo miyaa? Waxa hoos u dhici doonta kalsoonida akhrisutu ku qabi doono qalinka Khaalid, intaasina isaga dhaawac ugu filan. Waaba intaa.

Arrintaa Cabdinaasir ku cowday maxaan ugu nuuxnuuxsanayaa? Balaayada ku soo daba jirta ayaan ogahay. Waxa soo socda nimaan garanini waxa joogana ma garto. Barri ayey imanysaa, oo mid wax uu isku difaaco waayey la shir imanayaa, hebel ama heblaayo, reernimo ayuu ii eryanayaa oo isku reer ma nihin ama reer ahaan ayaannu isu haynaa. Walaalkay Cabdinaasir waxa aan leeyahay, haddii aanad foolxumadaa casuumad u fidinayn, hadalkaa mar dambe ha noo quudhin. Balaayo madax la qabto ayey leedahaye, misko la qabto ma leh.

Cabdinaasir, waxa uu sheegay, in uu si u kas ah u khilaafay nidaamka sheeko qorista. Mid Soomaalida u gaar ah, oo aynnu isku raacsan nahay, ma jirto, sababayntiisiina ima deeqin. Haddii Cabdinaasir doonayo in uu jid cusub iyo aqoon cusub inoo soo kordhiyo, waan uga fadhinnaa, waliba iyada oo abaal aan dhammaad lahayn looga hayn doono. Laakiin, waa in uu marka hore soo bandhigaa oo doodo ka dhaliyaa oo la la eegaaye, ma aha in uu buug uu allifayo qacda horeba dadka u dhex raaciyo. Qoraalka Cabdninaasir intan ayaa ku jirta:

 "...ISBN-ka shirkad gaar ah ayaa iibisa, waxa aanu ka mid yahay waxyaabaha reer Galbeedku lacagta ay ku helaan si ay dunida ugu gumaystaanna waxa ay innaga dhaadhiciyeen in la’aantii buuggu dhantaalan yahay, fikirkaasina waxa sidiisa u qaatay oo aan iska shaandhayn dad uu ka mid yahay Khaalid."

Cabdinaasir, waxa aan si karaamo leh ugu sheegayaa marka hore, in buuggayga Gurrac, labada jeer ee aan daabacay iyo marka aan Amazon-ka galiyeyba, ISBN aanan wax lacag ah ka bixin oo aan bilaash ku helay, laguna heli karo, aan ku suntay. Qoraa Cabdinaasir ayaan ka dhawrayaa, in uu inna la wadaago buugaag kale, oo aan Masraxa Cadaabta ahayn, oo bilaa ISBN ah, anigu wali ma arage. Summadda Soomaalida ee uu inoogu baaqay Cabdinaasir, waa mid caynkee ah, illayn ma uu sharrixine? Soomaalidu maddane dhamac la galiyey oo caddaaday ayey ku gubtaa xoolaha, summad ahaan, oo dabadeed bil, faro, qalin, shummayaal, far, kolmo iqk. ku samayn jirtaye kuna samaystaa wali. Buugta ma dhuxul dab ah ayeynnu ku juquuqinnaa mise maxaad ayeynu ku gubnaa?
Cabdinaasir, dooddiisa ayey ka mid tahay, in aanay daruuri ahayn mar wal oo joogsi la dhigo in fakaag la baxo. Ka dar oo dibi dhal! Haddii aan qalinku ka boobin, halkaa sharraxaad dheeraad ah ayaan ka codsanayaa qoraaga mar kale.

Hadalka Cabdinaasir, saddex arrimood ayaa isugu yimi. Kow, in uu qirsan yahay khaladaad jira. Laba, in uu saxayo dhammaan khaladaadka Khaalid iyo gabadh kale oo uu sheegay buugga kale heleen. Saddex, in uu dood ka soo celiyo meelaha qaar. Labada hore raganimo, meelaha uu dooddo ka qabo, ma shishla dooddiisu.

Cabdinaasir, waxa uu yidhi, gefafka qoraalka lagama karo ee qof waliba waa ku dhici karaa. Waa runtii oo innaga iyo Ilaahay toona been uma uu sheegin. Laakiin, arday dugsi hoose dhiganaya iyo arday dugsi sare dhignaya iyo mid jaamacad dhiganaya, isku gef ma gali karaan lagamana fili karo. Waxyaabaha aan arkayo qaarkood, kaagama fadhiyin in lagugu qabsado. Qoraalkan falcelinta ah ee u dambeeyey, ayaa xataa xagga dambe iskaga daadsan. Laba arrimood oo aan midna qoraaga, Cabdinaasir, ka filayey, midna buugga kolkii aan magaciisa maqlay ka filayey, waxa aad mooddaa in ay isa soo gabayaan.

Cabdinaasir, waxa lagu yaqaannay isaga oo aad ugu fiirsada gefefka qoraalka ee ay dadka kale galaan, taas oo aanu bun amaahin jirin. In kasta oo aanan dariiqa uu u marayo ku wada waafaqsanayn, haddana shaqada uu hayo kal iyo laab ayaan u taageersanaa. Waxa aan filayey, in uu isagu aad uga digtoonan doono gefefkaas, gaar ahaan kolka uu qorayo buug isaga dabadii jiri doona. Dhaliisha Khaalid iyo qirashadiisu, candhuuftaydii ayey dib ii liqsiiyeen. Filashada labaad, waa magaca buugga. Magaca kolkii aan maqlay, wax aan sawirtay buug leeg Roge, Aanadii Nageeye, Saxarla iyo kuwa la mid ka ah ee waayeyn. Wuu mataaneeyey ninkii Naasir oo dhawr boqol oo bog ayuu ifka keenay ayaan lahaa. Hal sheeko oo isku wada xidhan, ayaan dhawrayey. 140 bog iyo shan sheeko, oo mid waliba tahay toobalcaaro, way iga degi wayday. In aan gardaran ahay se waan is ogahay.

Xarriijimaha u dhexeeya laba eray ama isku xidha laba kalmadood, qoraalka waa ka mid, laakiin meel walba ma dhacaan oo ma galaan. Qormadii aynnu ugu magacdarnay "Summadda Qoraalka" ayeynnu kaga warrannay, walina waa la heli karaa. Si kooban, xarriijintu waxa ay isku xidhaa ereyo aan sidooda isu qaadan karin. Sida oo kale, magaca caadiga ah iyo naanaysta ayey isku xidhaa afkeenna kolka la joogo. Axmed-Siilaanyo; Cabdiwali-Gaas; Cabdi-Waraabe; Cabdi-Ilay; Cabdiraxmaan-Cirro; Maxamed-Farmaajo iyo wixii la mid ah. Mar kale, ereyadan kale u fiirso: seef-la-bood; budh-la-duul; fadhi-ku-dirir; afku-xoogle; male-awaal; sanku-neefle iyo qaar kale oo badan. Khaalid ereyada soo socda in uu buugga Masaraxa Cadaabta ka soo qaatay ayuu sheegay. Waa: niyad-deeda; dan- yarta; hana-qaadeen; Qum-man; garan-maayo; hooyad-eed; macallimiin-taadii; fidhiisan-nay; gacan-taada; xidhiidh-kii; is-beddel; dhammaysanay-so; qalloocat-ay. Haddii ay buugga ku jiraan iyo haddii kaleba, qoraalka caynkaas ahi waa bidco.

Khaalid qoraalkiisa kuma arag wax aan u aqoonsado shaqsi-weerar iyo in uu buugga dhaafay. Haddii la yidhaahdo, hebel/heblaayo waa aqoonyahan ama waa jaahil, way caddahay in qofka laftiisa laga hadlayo oo aan xataa la sheegayn maryaha uu gashan yahay. Shaqsi baa laga hadlay markan ee shay lama sheegayo. Haddii, sida oo kale, la yidhaahdo, sheekadan, maqaalkan, maansadan, gabaygan ama warbixintan, fiidyawgan ama buuggan aqoondarro iyo waayo'aragnimo la'aan baa ka muuqata, waxa laga hadlayaa qof ma aha. Xataa wax nool ma aha. Waxa laga hadlayaa waa shay la taaban karo ama la arki karo. Qofkuna waa qof magac iyo muuq leh, qoraalkuna waa qoraal summad iyo sawrac leh. Buuggu, xubin jidhka qofka ka mid ah ma aha, qofkuna xaasha buugga ka mid ah ma aha. Qoraalkii aan akhriyey, kuma jirin Cabdinaasir waa jaahil iyo waa aqoonyahan toona. Kuma ay jirin waa reer miyi iyo waa reer magaal toona. Waa badow iyo waa ilbax toona kuma jirin. Maqaalkaasi waxa uu ka bilaabmayey, kuna dhammaanayey, buugga la yidhaahdo Masraxa Cadaabtu, waa faruuran yahay, oo cawaran yahay, timahana cambaar iyo toxob baa ka leeftay. Cabdinaasir haddii aan soo gebogebeeyo, 70% falcelintiisu waa weyd iyo lafo isa-sudhan. Khaalid qudhiisa, faalladiisu ma ahayn siddi-muldhukh iyo kaalay iska arag.

Khaalid maxaan ku diiddan ahay? Maqaalka Khaalid ku-talaxtag kama maqna, laakiin uma badna sida laga yaabo in dad kale qabaan. Meelo uu Khaalid buugga ka soo qaatay waxa ka mid ah; "...gabadhaha; carroorteeda aabbahood; sheekadanii..." iyo qaar kale oo badan oo uu is hoos dhigay. Badankoodu waxa ay iila muuqdaan waxa afka qalaad lagu yidhaahdo "Typical eror", aniguna aan u aqaan "surmaseegto qoraal". Kan aan iminka qoray, ayaa laga soo heli karaa intaas oo surmaseegto; xaraf aan illaabay iyo mid aan ku qoray meel aan meeshiisii ahayn. Surmaseegtadu waa waxa ugu fudud ee la sixi karo, kolka ay Afsoomaaliga noqoto. Waxa soo raaca, oo waliba loo daliishan karo in Khaalid buugga ku wada libdhay, labada erey ee "Bookhasho iyo Warwar". Khaalid waxa uu qabaa in "Booqasho iyo Werwer" la qoraa ay sax tahay. Labada siyood ee Khaalid iyo Cabdinaasriba way saxan yihiin, lahjad ahaan.

Waxa kale oo aan Khaalid ku hilaafsan ahay, hannaankiisa gorfaynta oo aan ahayn mid wada qumman. Mar hore ayaan arrintaa u sheegay, waagii uu Cali Coomay sida yakhyasiga leh uga xanaaqay gorfayn sidan oo kale ah Khaalid ku sameeyey buug Coomay lahaa. Gorfayntu, waa in buugga, gabayga, maansada, riwaayadda ama filinka la faaqidayo, si guud looga hadlaa waxa uu ka hadlayo arrintaasi. Kaddib hoos loogu dhaadhacaa, oo si taban iyo si togan loo kala dhigaa. Meesha ay ka dhutinayso gorfaynta Khaalid waxa weeye, in aanu xusi aqoon inta togan ee buugga uu qalinka u qaado. Ugu dambayntii, Khaalid, hadalka ah "ardaydnimada ayaa ka horraysa qoraanimada" waa sax boqolkiiba boqol. Laakiin bartan kuma habboonayn ayaan leeyahay Khaalid.
Wixii aan ilduufay ama aqoon yaraantaydu sababtay dadka ayaan u daayey.

06/08/2017

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.