Kolka qof uu buug qoro, buuggaasi wuxuu
yeeshaa akhristayaal gaar ah, buug kasta cid kastaaba ma akhrisan karto! Qoraha
kolka hore garanaya ujeeddada uu buugga u qorayo laftiisu wuxuu leeyahay cid uu
ugu talo galay in ay buuggiisa akhrido oo ka falceliso. Buugna waa kii laga
falceliyo ee uu qoruhuna wax ka korodhsado. Sidaa cagsigeeda qorayaasha
Soomaaliyeed waxay wax u qoraan in shaqadaa ay qabteen gebi-ahaanteed aanay
ammaan waxaan ahayni kaga soo noqonin. Taasina waxay sabab u noqotay korriin
la’aan iyo horumar la’aan qoraha iyo qalinkiisa ba ku dhacday.
Suugaanta Soomaalidu ay caanka ku tahay waa
tix. Tiraabta oo loo yaqaan suugaanta qoran ee sheeko faneeddu ka mid tahay way
ku yartahay, guud ahaanna qoraalka oo dhan ayaa Soomaalida ku yar , oo wax ba
ma qoraan. Waayahaa nolosha ee ay la legdemayaanna
waxay iskugu dhiibdhiibaan hadal ka iyo sheekada. Sheeko faneedda oo ah ta ugu
caansan buugta la qoro, Soomaalida kuma badna, kuwo cilmi ah amma taariikho ah
na hadal kooda ba daa!
Tan
iyo intii farta Soomaaliga la qorayna buugaag sacab muggii ah oo sheeko
faneeddo ah ayaa la qoray. Mid ba heer buu taagnnaa, midba waayo ayuu ka
warramayay, haddana guud ahaan way isku wada eekaayeen ama isku wada eegyihiin oo
jacayl iyo waayo dhallinyaro ayay u badnnaayeen.
Haddaba, iyada oo wakhtigan laga soo
kabanayo burburkii ay dagaalladii waddanka ka dhacay ay laamaha nolosha Soomaaiyeed
oo dhan gaadhsiiyeen, waxaa soo kacaya dhallinyaro badan oo wax qoraysa, qoraal
kaasi ha u bato taariikho dad dhintay iyo qaar noolba noloshooda laga qorayo ama
sheeko faneedyo. Horumarkaa waxaa garab socda dhibaatooyin ka dhallanaya
xorriyadda iyo iskufuranka adduunkii maanta ka jira. Su’aalo badan iyo doodo wax laga dheefi lahaa
ayaa ka curanaya heerka qorista buugaagta farsoomaaliga lagu qoro wakhtiyadan
danbe.
Nasiibdarro se waxay tahay, ma jiraan
madal iyo cawaysyo u abaabulan hirgelinta doodaha mawdduucyada bulshadu
ku kala duwantahay ee heerka qorista buugta iyo horumarinta qoraha. Way jiraan
madalo buugta lagu bandhigo iyo qaar lagu akhriyo oo la iskugu yimaaddaa; inta
badan se qoraha waxba ugama kordhaan’e, waa lagu madaddaashaa ammaan ciidda ka
badan oo uu u qalmo ama aanu u qalminna waa loo miisaa. Sida uu akhristuhu wax
uga korodhsado buugaagta ayuu qoruhuna ugu baahanyahay in uu wax ka korodhsado
akhristayaashiisa. Qoraha wakhtiganise
waxa uu u muuqdaa in aanu u baahnnayn in uu wax korodhsado.
Ummad ahaan waxa aynu xaq u leennahay in
sida aynu u noolaanayno innagu xarriiqanno; haddii la inoo xarriiqo se
guusheennuna waxay ku qiimaysnnaan doontaa sida qof kale u eegyahay in aynu
innana u eekaano, u qorno, u soconno, iwm.
Dhexdeenna waxaynu xaq iskugu leenahay in aynu kala duwannaanshaheenna
garaad isku tixgelinno. Taa macnaheedu
ma aha in aan la isa sixin ama la is dhaliilin. Fekerka ay tahay in kala
duwannaanshihiisa la isku tixgeliyaa waxa uu yahay hab-nololeedka shaqsiga ah
iyo rumaysnnaanta afkaarta dhaqaale, siyaasadeed, diimeed,iwm.
Haddii qof buug qoro, jaadka uu doono ha
noqdee, cid baa akhrida. Qoraha laftiisuna wuu ogyahay in buuggii uu qoray la
akhriyi doono. Sidaa kolka ay tahay, dadka buugga akhriyayaa waxay leeyihiin
fahan kala wada duwan, nolol kala duwan, waayo iyo waayo-aragnimo aan midina
mid la mid ahayn, ugu danbayn da’dana way kala duwanaanayaan. Dadkaasi oo rag
iyo dumar lehi buugga ay akhriyeen isku si uguma muuqdo. Inyar baa se wixii ay
buugga kala kulantay sheegta, inta kalena uurka ayay ku haysataa.
Qoraha buugga
waxaa u hiiliyay qofka wixii uu buugga ku arkay sheegay, qoray ee daabacay; si
uu u tuso falcelinta ka soo noqotay shaqadii uu qabtay. Qoruhu laba faa’iido
ayuu joogaa: marka koowaad in qof kale shaqadiisii wakhti geliyay oo akhriyay
waa u sharaf iyo faa’iido, in aragti togan ama tabani ay buuggiisii kaga soo
noqotayna waa faa’iido kale. Sababta oo ah falcelintu waxay markhaati cad u
tahay in buuggiisii iyo wixii ku qornaa la arkhriyay oo la dheefshiiday oo
maskaxdu soshay oo wixii ay diidday iyo tii ay u bogtay ba soo celisay oo soo
gudbisay.
Intaa waxaa dheer, qoraha
buuggiisu uu muran iyo doodo ka dhex abuuro bulshada isna waa u falcelin
wanaagsan oo qoraha ku dhiirrin doonta in uu yeesho ku dhac uu farshaxankiisa
ku horumariyo. Adduunka lama arag qoraa falanqaynta ay akhristayaashiisu ku
sameeyeen buuggii uu qoray ka daba yimaadda, oo isku daya in uu difaaco. Waa
badawnimo iyo dhaqan farshaxanka qalinka dibadda uga baxsan.
Taa waxaa la mid ah, qof buugga uu qoray iyo
waxa uu ku qoray midna aan ka jawaabi karin, sababta uu u qorayna aan garanayn.
Buuggu dhaqan iyo farriin buu sidaa, erayga qoranina sida uu u muuqdo uma
sahlana. Wuxuu leeyahay quwad iyo duufsi mawjado ah oo uu qof dhan noloshiisa
ku jiheeyo oo dhanka kale u malmalo. Farshaxanka asalnimadiisa waxaa lagu
macneeyaa in aanu cidna ku dayan. Sheekooyinka jacaylka iyo nolosha
dhallinyarada ama si koobanba sheeko faneedda oo qorayaasha da’da yar ku badani
waxaa ka maqan asalkii iyo sumaddii lagu garan lahaa. Ugu horreyn ma laha farshaxan debecsan oo kuu sahla in
aanad akhriska cidhiidhi ku dhex dareemin. Waa erayo soo mutuxan oo engegen oo
carrabka kaa mudaya. Soomaalidu waxay tidhaahdaa “Hilib miid leh iyo hadal
murti leh midna lagu mergado”
Is difaaca uu
qoruhu kala hortago akhristayaasha, mar kale waxa ay dhaawac toos ah wadnaha
kaga gantaa qoraha laftiisa. Weerar-celinta qoruhu kula kaco wixii qoraalkiisa
laga sheegay waxa ay tilmaan cad u tahay heerka wacyiga “qoraha.” Maantana horteenna ayay taallaa! “Qore” gefefkiisii isku deyaya in uu difaaco,
oo haddana qaar hor leh sii muquuranaya.
Qaawinta qisooyinka dareenka labka iyo
dheddiga ee qorayaasha qaarkood ay farshaxanka moodaan waa gefka ugu weyn ee
suugaanta laga galo: dunida reer Galbeedka oo qorista iyo farshaxanka buugaagta
la yidhaahdo mala’aawaalka soo qorayay kumannaan sanno, lagama jecla sheekada
qaawan ee saamaynta ku leh dareenka jinsiga ah ee ragga iyo dumarka dhex marta.
Inta badan qisooyinka xidiidhsan ee buugaagta sheeko faneeddu waa laba qaybood
oo waaweyn: sheeko-yareed (storyline) kugu ridaysa qisada weyn, iyo midda
sheekada weyn ee qisada buuggu ku aroorayso (plot). Haddaba, haddii qisada buugga
ee [w]eyni ay ku meeraysato wiil iyo gabadh is fuulay, kolkaa buug ma aha e waa qashin!
Waxaan
qirsanahay in dadka uu qoruhu buug sheeko ah u xulanayaa ay bini- adam yihiin, malaa’ig na aanay ahayn. Kolkaa waa
in dhaqankii dad laga filan lahaa iyagana lagala kulmaa. Quruxda farshaxanku se
waxay tahay in aanay qisadu dad is fuulay ku koobnnaan ee meel wax tar leh ku
aroorto.
Xeerka qalinku leeyahay waxa uu yahay in uu ujeeddo leeyahay. Qalin ha qaadin haddii
aanad ujeeddo ka lahayn. Waajibka qoraha saarani waa intaasi.
Wixii buuggaaga
kaaga soo noqda aqbal. Falcelintu waxay markhaati ka tahay in buuggii gaadhay
dadkii kala wada duwanaa ee aad ugu talo gashay.
Buugga iyo qorihiisa miyuu xidhiidh ka
dhexayn karaa? Su’aashaasi waxaan u dayn akhristayaasha. Waxaan se ku dari
doonaa, talogalka uu qof ku talo galo in uu buug qoro waa in aanay ku
koobnaannin uun in sheeko sheego, balse waa in farshaxankiisu afka laftiisa iyo
farta ba uu waxtar u leeyahay. Farshaxanka qoraha waa in wax laga bartaa, oo
xidhiidhka sadarrada iyo cabbirka uu hummaagyada saarayo laga bartaa, waa in
laga bartaa ereyada uu u xulanayo xilliyo gaar ah, dhacdooyin gaar ah, duruufo gaar ah, iyo haasaawaha sheekada
dhexdeeda.
Bulshadeennu
waxay u baahantahay in ay dib u dhisato oo horumariso dhammaan laamihii nolosha
ee midiba midda kale kaabaysay. Si gaar ah akhriska horumarkiisa iyo qoristuna
waa in ay wada socoto oo si is-le’eeg ay u horumaraan. Dhallinyarada buugaagta
qoraysa waxaa la gudboon in ay wax akhriskana badiyaan.
Ugu danbayn maanta buug sheeko mala’awaal ah
waxaynu uga baahi badannahay buugaag nolosheenna rasmiga ah, ta wakhtigan, tii
shalay iyo ta berri ba laga qoro. Waayaha nolosha Soomaalida ee 50 kii sanno ee
ugu danbeeyay wuxuu ka mid yahay kii ugu darnnaa ee ummad ama qoomiyad dunida
ku nool soo mara. Haddana duruufahaa qallafsan tiro kooban oo buugaag ah ayaa
laga qoray; gaar ahaan ku qoran Afsoomaali.
Mustafe A. Nuur
manmustafa@gmail.com
Kommentarer
Skicka en kommentar