Fortsätt till huvudinnehåll

Caddaaladda oo la Waayaa Colaad bay Keentaa Colaadduna Caddaaladday Curyaamisaa!

Bariido wanaagsan, in nolosha la faalleeyaa, waa wax soo jireen ah, in lagu kala duwanaadaana waa wax weligeedba soo jirtay, waana jiri doontaa. Keliya waxa la ilaaliyaa ixtiraamka habka loo gudbinayo aragtiyada kala duwan. Waxa aan dhawr jeer arkay laba eray oo qaali ah oo la isku tuurtuurayo oo kala ah Caddaalad iyo Nabad. Labada eray midna ciyaar ma galo oo waa labo is barkan, oo aan kala maarmin, haddii mid la waayo ka kalana waa la waayey. Haddii maamul jira uu caddaalad darro sameeyo waxa imanaysa cabasho. Haddii cabashada laga garaabi waayo oo laga indhaqarsado waxa imanaysa kala danbayn la'aan. Taasoo aakhirka tagta colaad af iyo addinba leh. 


Maalintii isniinta ee taariikhdu ahayd 13 Nofambar 2017 ayaa loo dareeray codbixinta lagu kala dooranayey Saddex Xisbi Somaliland. Adduunka meel kasta waxa laga sheegay in doorashadaasi ay u dhacday si fiican, laakiin maalmihii ugu danbaysay ee la sugayey in lagu dhawaaqo ayaa muran xooggani soo kala dhex galay Xisbiga Waddani iyo Guddidii Doorashooyinka, taasoo saamayn weyn ku yeelatay dadkii shacabka ahaa ee kala taageersanaa Xisbiyada, gaar ahaan Waddani iyo Kulmiye. Arrinkaasi waxa uu gaadhay heer rabshado dhacaan. 

Haddaba waxa aan aad ula socday laba eray oo kala ahaa nabad doonimo iyo caddaalad doon. Labada eray si fudud waa loo odhan karaa laakiin waa erayo qaali ah oo ka qaalisan wax kasta. Caddaaladdu waxa ay ka bilaabantaa erayga dibnahaaga ka soo baxaya, oo in aad si caadil ah u sheegto waxa aad maqashay, aragtay ama samaysay ayaa caddaaladdu ka bilaabantaa. Haddii uu kuu yimaaddo qof dhaawacan oo uu ku yidhaahdo hebel baa i dhaawacay oo dhaawacaa ii gaystay, ee ii soo gurmo, waa inaad feejignaan ku dartaa oo waxa laga yaabaa in qofkii kale uu sooba dilay isagu. Waxa aad qorayso ayaa caddaaladdu ka bilaabantaa oo taas ayaa lagu xisaabinayaa aakhiro, ee cid kale laguu xisaabin maayo. Qofka maamul loo dhiibtay ee caddaalad wax ku maamuli waayaana waa ka sii daranyahay qofka keliya ee naftiisa uun ka masu'uulka ah.

Sidaasay caddaaladdu u tahay mid marwalba aad u baahantahay in aad naftaada ka bilawdo, eray kasta oo aad odhanayso, qorayso waa in uu ku fadhiyaa caddaalad. Taasoo macnaheedu tahay inaad Runsheeg tahay. Marka caddaaladda la waayo weeye marka aaminaaddu dhimanayso, ixtiraamku baaba'ayo, ka dibna aanay jirayn kala danbayn, oo colaadda ku sii dhawaata. Marka Colaadi timaaddo, waxa yaraada wax kasta oo caddaaladda looga baahnaa, oo xaaladda colaadda ayaa keenta in ay yarayso caddaaladda. Sidaa awgeed Caddaladdu waa aasaaska nolosha oo bilaw u ah aadamaha, qofkii diin aaaminsanna waabuu ka sii xagjiraa gaar ahaa ummadda muslimiintu waa u tiirweyn caddaaladdu.

Qoraalkan kooban waxa aan uga jeedaa, waar qofkastoow! bal dib isu xisaabi waxa aad qortay, waxa aad war soo gudbisay iyo guud ahaanba sida aad u samaysay caddaalad adigoo aragtidaada xorta ah adeegsanaya. Caddaaladdu waa furaha Nabadda, Nabadduna waa Gogosha Caddaaladda. 

Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed Dhegey
18-11-2017 Iswidhan

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.