Fortsätt till huvudinnehåll

Madaxweyne Axmed M. Maxamuud (Siilaanyo) Taariikhda waxa uu Kaga Qormay baal Dahab ah.

Maalmahan waxa socda Olole ku saabsan tartanka Madaxweynaha iyo ku xigeenka Somaliland oo codka loo dareeri doono 13-11-2017. Waxaana ku tartamaya Xisbiga UCID oo uu u sharraxanyahay Faysal Cali Waraabe, Xisbiga Waddani oo Cabdiraxmaan M. Cabdilaahi (Cirro) u taagan yahay jagada madaxweyne iyo Muuse Biixi Cabdi oo isna u taagan jagada madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye. Waxaase taariikhda ku xardhan in Madaxweynaha maanta jooga, oo aan isagu u sharraxnayn madaxweynenimo. Inta badan waxa  dhacda in aan madaxweyne kursiga ku fadhiya aanuu sinaba u bannayn jagadaas, ilaa laga helo cod ama cudud.


Taariikhda ayey u gashay Axmed Siilaanyo in uu si sharaf leh u caddeeyey in aanuu kursiga isku sii dhejinayn ee bannaynayo. Waxa ay mudantahay ku dayasho. Waxa aan xasuustaa markii uu ahaa guddoomiyaha SNM ayaa koox ka mid ahayd SNM ay abaabuleen sidii xilka looga  qaadi lahaa, maadaama oo laba jeer oo hore loo doortay jagadaas. Waxa jagadii guddoomiyenimo u tartamay Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) IHN, Ibraahin Meygaag Samatar IHN, Xasan Ciise Jaamac iyo Maxamed Xaashi Cilmi. Laakiin Axmed Siilaanyo, tartan ma Gelin ee waxa uu sii caddeeyey in uu wareejinayo oo aanuu tartanka ka mid noqonayn. Taasina waxa ay ahayd taariikh la soo maray. Xilligaa waxa ku guulaystay guddoomiyenimadii SNM Cabdiraxmaan A Cali. IHN-tee.

Axmed Siilaanyo, tan iyo markii uu Xukuumaddii Rayadka ahayd ka mid noqday dhammaadkii lixdamaadkii, ilaa Xukuumaddii Milleteriga ahayd, ilaa uu hoggaanka u qabtay Jabhaddii SNM, tan Iyo intii uu ka mid ahaa Xukuumadihii Somaliland soo maray ilaa uu mucaarad xooggan noqday, markii la sameeyey Ururadii siyaasadda ee ka hana qaaday Somaliland oo uu hoggaanka u qabtay ururkii ugu da'da yaraa xilligaas oo ahaa Kulmiye. Waxa uu soo maray geeddi dheer oo ku taxan waayihii ay soo mareen soomaalida geeska Afrika ku nool. 

Waa wakhti aad u dheer, oo aan odhan karo waxa ay cagacagaynaysaa 50 Sannadood, oo uu ka dhexmuuqday Axmed M Maxamuud (Siilaanyo) siyaasadda soomaalida. Markasta waxa uu ku shaqaynayey dhanka bulshada uu metelayaa ay u badnayn. Taasina waa tii keentay in uu xisbigii ugu da'da yaraa noqdo kii ugu weynaa ee Somaliland yeelato, xilligii tartankii dhexmaray UCID, UDUB iyo KULMIYE.

Waxaan xasuustaa maalin maalamaha ka mid ahayd, oo gu'gii 1988kii horraantiisii ahayd ayaanu dhegaysannay BBC-da, oo ka hadlaysay heshiiskii dhexmaray Mingistu Xayle Maryam ee Itoobiya Iyo Maxamed S Barre oo ahaa madaxweynihii Somaliya. Hesiihskaa ayaa ku ahaa jabhaddii SNM dhabarjab weyn, sidaa awgeed ayaa taageerayaashii SNM na uga naxeen intii necbayd SNM na ugu farxeen. Maalintaas waxa goobta nala fadhiyey Guddoomiyhii Degmada Sheekh oo ahaa G/Dhexe Ciidankii Xoogga Dalka. Ninkaasi waxa uu si farxad leh u yidhi: "Maantaa geeleenu nabad ku daaqayaa Itoobiya" laakiin dadka intii badnayd ee deegaanka ahaa, hoos bay u lahaayeen, "Baddu Buurta Ha Jiidhee May Naga Soo Galaan SNMtii" Waxa la waraystay Axmed Siilaanyo, oo si kalsooni ah ugu jawaabay weriyihii isaga oo leh: " halgankii aanu ku jirnay sinaba uma istaagayo, oo waanu wadaynaa haddii heshiis dhaco iyo haddii kaleba".

Jawaabta Axmed Siilaanyo oo ahaa guddoomiyihii SNM dad badan bay u noqotay niyad adayg iyo dhiirrigelin.   Waxba yaanaan qoraalka sii badin, ee aan ku soo afmeero Madaxweyne Axmed M Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu mutaystay Billad Geesi, waxa uu mutaystay in taariikhdiisa la qoro oo si ballaadhan loo qoro. Konton sannadood oo uu ku soo jiray Siyaasadda Soomaalida Geeska Afrika, waa in laga reebo taariikh sugan oo qoto dheer, oo faahfaahsan, una noqota jiilalka danbe dhaxal ay ka dheehdaan sooyaalkii soomaalida ee jihooyinka badnaa.

FG: Intii aanuu caddayn Axmed Siilaanyo inuu Xukunka ku wareejinayo qofkii ku soo baxa doorashada ayaan ka werweray in uu jidkii Afrikaanka qaado oo kursiga ka tegi waayo, isagoo maanta da' jooga. Berigaas ayaan qoraalkan hoosta ku lifaaqan qoray:

https://dhegey.blogspot.se/2013/12/farriin-furan-oo-ku-socota-madaxweynaha.html


Alloow Eex Ma Tiraabine Aqoon Haygu Cadaabin................Maansadii Maxamed X Dhamac (Gaarriye)

Sayid-Axmed Dhegey
01-11-2017 Arbaca.
Iswidhan

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Maalinta afka iyo Suugaanta Soomaalida ee Xaafadda Rinkeby 14-05-2016 Sabtida

Haddii aad xiisayso afka iyo suugaanta Soomaalida, fadlan nagala soo qaybgal barnaamij xiiso badan oo 14 bishan Mey lagu qaban doono guriga ummadda ee xaafadda Rinkeby. Barnaamijkan ayaa ay marti noogu yihiin qorayaal, afaqoon iyo cilmibaadhayaal ku hawlan afka iyo suugaanta Soomaalida. Martida maalintan nagala soo qaybgali doonta waxa ka mid ah Morgan Nillsson oo ah macallin afka Soomaaliga ka dhiga jaamacadda Göteborg, ahna cilmibaadhe ku hawlan taariikhda iyo habdhismeedka afka Soomaaliga. Kulankan waxa uu Morgan sharaxaad ka bixin doonaa kooraska afka Soomaaliga ee uu jaamacadda Göteborg ka dhigo. Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa afka Soomaaliga iyo duruufaha ku xeeran maata.

Faallo!..."ladh" Buug Cusub Oo Uu Qoray Cabdillahi C Cige

Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey — Sweden — 7 September, 2005 Markaad aragto buugga laftigiisa, ayaad garanaysaa in buuggani uu ka duwanyahay buugaagtii hore ee afsoomaaliga ku soo bixijirtay. Qaabka buuggu u qoranyahay waa qaabka loo qaabeeyo sheekooyinka "Novel-ka" loo yaqaan. Waxaad dareemaysaa in dadka soomaalidu ku tallaabsadeen, jidkii muddo dheer kasoo xidhnaa. Kaasoo ah qoritaanka sheekooyinka, ku qotoma qaababka nolosha banii'aadamka. Intaa haddaan ku dhaafo qaabka buugga. Waxaan xasuustay faallo uu ka bixiyay Ibraahin Yusuf Axmed "Hawd" buuggan la magac baxay "Ladh. Mudane Hawd wuxuu ku soo gunaanaday maqaalkiisii "qoraaga buuggan qoray, haddii buuggani yahay kiisii ugu horreeyey oo maxay noqon doonaan kuwa soo socdana."